Farriintan oo uu siday Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika Johnnie Carson ayaa lagu sheegay in xubno ay ka mid yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xassan, C/weli Gaas & Faroole aysan isu soo taagi karin doorashada soo socota, lamana oga sababaha looga xayiray doorashada, hasse ahaatee waxaa hadalkani uu daba socdaa hadalo horay kaga soo yeeray Clinton intii uu socday shirkii London oo ay ka sheegtay in marka la gaarayo waqtiga doorashada Soomaaliya in ay muhiim tahay in la helo weji cusub oo horay u soo dhaqaajiya geedi socodka nabadda Soomaaliya.
”Ma jirto cid awood u leh in ay u yeeriso madaxda Soomaaliyeed wixii ay yeeli lahaayeen, masiirka ummadda Soomaaliyeedna ma ahan mid wax laga weydiinayo Mareykanka” ayuu yiri mid ka mid ah howl-wadeenada xafiiska R/wasaaraha, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan, kana mid ah Q/Midoobay, wuxuuna wax aan la qaadan karin ku tilmaamay faragelinta dowladda Mareykanka ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment