Tuesday, 12 June 2012

Nabadoon Cabdi Goobe oo Xalay Lagu Dilay Beledweyne



Beledweyne wabarimedia.com Xaafadda Hawlwadaag ee magaalada Beledweyne habeenkii xalay waxaa lagu dilay Nabadoon kamid ahaa waxgaradka Gobolka Hiiraan.
Nabadoon Cabdi Goobe ayaa kooxo hubaysan oo afka soo duubtay waxay ku toogteen guriga uu ka deganaa magaalada Beledweyne wayna baxsadeen dilka kadib.
Saraakiil katirsan maamulka gobolka Hiiraan oo aan arrintaan wax ka waydiinay ayaa waxay sheegeen in ay la socdaan dilka Nabadoonka ayna wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii dilkaasi geystay.
Sidoo kale saraakiishaan ayaa dilka Nabadoon Cabdi Goobe waxay ku eedeeyeen Al shabaab oo horraantii sanadkaan laga qabsaday magaalada Beledweyne.
Cabdi Goobe waxa uu ahaa Nabadoon ganacsade ah, waxaana uu gobolka Hiiraan ka qaadi jiray xoolaha nool isaga oo u dhoofin jiray waddamada Carabta.
Magaalada Beledweyne waxaa muddooyinkan soo hagaagaayey amniga guud hase yeeshee waxaa weli ka dhaca dilalka loo geystay dadka waxgaradka ah

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment