
Shir ku saabsan soo xulidda ergooyinka ansixinaya dastuurka Soomaaliya iyo daabacaadda nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka Soomaaliya oo ay lahaayeen wakiilo ka socda saxiixayaasha Road Map-ka iyo beesha caalamka ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirka oo socday sadexdii cisho ee la soo dhaafay ayaa waxaa xiritaankiisii ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda KMG ah iyo danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko.
Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo gabagabadii shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar yahay nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka Soomaaliya, ayna ku rajo waynyihiin in xaflad ay ugu qabtaan magaalada Muqdisho Talaadada soo socta, kadibna ay odayaasha dhaqanka sida ugu dhaqsiyaha badna ugu soo xulaan ergadii ansixin laheyd dastuurka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in muddo dheer ka dib Soomaalidu ay yeelaneyso dastuur rasmi ah oo ay isku maamulaan, wuxuuna ku baaqay in la taageero dastuurka cusub, Shariif Xasan waxa uu rajo rajo wanaagsan ka muujiyey in marxaladda ku meel-gaarnimada ay ku dhamaaneyso xilligii loogu talagalay, isagoo sidoo kale tilmaamay inuu ku kalsoonyahay in muddada kooban ee hartay lagu dhameystiri karo howsha harsan.
Wakiilka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador James Swan oo isna kulanka ka hadlay ayaa balalan qaaday in beesha caalamka ay garab taagantahay dedaallada ay Soomaalidu wadaan, isla markaana ay bixineyso dhaqaalihii ay ku yabooheen.
Dhinaca kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in xubnaha shirka ka qeybgalay ay sigaar ah uga wada hadleen soo celinta awooddii ay lahaayeen saxiixayaasha Road map-ka ka dib markii ay ka baqeen in awoodda howsha xulidda ergooyinka iyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka ay si toos ugala waregaan odayaasha dhaqanka Soomaalida, waxayna xubnaha saxiixayaasha ah ay si dad ban u doonayaan inay saameyn ku yeeshaan soo xulidda ergooyinka ansixinaya dastuurka iyo soo xulidda Baarlamaanka, sidoo kale waxay doonayaan inuu sii jiro Guddi ay wada dhisteen oo kontooola Xildhibanada cusub, kuwaas oo lagu sheegay inay qiimaeynayaan Xidhibanada cusub, isla markaasna la sheegay inay awood u leeyihiin inay celiyaan Xidhibaankii aan buuxin shuruudo ay sheegeen inuusan noqon karin Xidhibaan Qaran.
Arrintan oo aan la ogeyn inay isku wada raacsan yihiin saxiixayaasha 6 ah balse ay shirka qeybgaleen wakiiladooda oo dhan ayaa timid ka dib markii Madaxweyaha Puntland C/raxmaan Faroole uu go’aanku ku gaaray inuu u yeerto odayaasha dhaqanka Puntland ka dibna u soo jeediyey in ergooyinka ansixinta dastuurka iyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka uga mid noqonaya Puntland lagu xulo gudaha Puntland taas oo haddii ay dhacdo ay adagtahay in siyaasiyiinta ka soo jeeda ama mucaaradsan hogaanka Puntland ay ka mid noqdaan Xildhibaanada cusub, iyadoo sidoo kale xubaha sar sare ee dowladda KMG uu mid waliba xusul-duub uu ugu jiro inuu saameyn ku yeesho Xildhibaanada cusub iyo ergooyinka ansixinaya qabyo qoraalka dastuurka.
Arrintani waxay kaloo meesha ka saareysaa dhammaan qodobadii laga soo saray shirkii istanbuul ee dhawaan lagu qabtay dalka Turkiga, kaas oo qodobo badan oo horey loogu heshiiyey Road map-ka wax looga bedelay ka dib markii ay shirka Turkiga ka qeybgaleen qaar ka mid odayaasha dhaqanka iyo Uruada bulshada rayidka ah, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha dowladda KMG u dhawaan sheegay Madaxweynaha dowladda KMG uu sheegay inaan la faragelin doonin odayaasha dhaqanka oo aysan jirin cid horistaagi karta ciddii ay iyagu soo gudbiyaan.
garable.com
muxudin diini fiidow