Kadib markii dhowaan ay Shirkadda Turkish airlines ay duulimaadyo ka bilowday Caasimada Muqdisho, ayaa hadda waxaa soo shaac baxaaya in Shirkaddaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Kenya airway, ay iyguna qorsheynayaan iney duulimaadyo ka bilaabaan (Ethiopia) Waqooyiga Somaliya halka Kenya airways ay daraasad ku bilaabeen sidii ay hadii ay qabtaan magaalada Kismaayo duulimaadyo uga bilaabi laheyd Gobolkaasi.
Dhaqdhaqaaqan ee dalalka Deriska ayaa soo baxay kadib markii ay dareemeen in shirkadda Turkish Airlines ay duulimaadyo ka bilaawday caasimada Somaliya (Todobaadkii laba jeer), iyadoo horey Ethiopian airlines ay aheyd tan kaliya ee si toos ah isugu xiri jirtey Somaliland iyo aduunka intiisa kale ayaa duulimaadyadeeda joojisey sanaddii 2008dii sababo amaan dartood, waxayna markaasi tagi jirtey magaalada Hargeysa.
Xiligaan, ayaa waxaa boorka laga jafay heshiis Ethiopia iyo maamulka Somaliland dhexmaray oo ku saabsanaa in duulimaadka uu Hargeysa iyana tago, balse taasi dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii sida la sheegey ay hawlo dhismo ka socdaan madaarka Hargeysa.
saraakiisha Ethiopianka ayaa aad u daneynaaya iney diyaaradooda ka dejiyaan garoonka Berbera ka doorbideyso Hargeysa, sababtuna tahay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Ethiopia la leedahay Somaliland iyo dekada Berbera oo ay badeecooyin kasoo degaan, sabab kale ayaa ah garoonka Berbera oo uu Maraykanka dhisey xiligii dowladdii Siyaad Barre oo ah mid heerkiisa wanaagsanyahay, dibna dayactir loogu sameeyey.
Waxaa iyana jira suuq ay Ethiopian Airlines dooneyso in ay ka faa’iideysato oo ah qurba-joogta gobolada Somaliland kasoo jeeda ee aduunka meelo kala duwan ku nool, kuwaasoo had iyo jeer safaro ku taga Somaliland, Balse arrinta ugu muhiimsan ee soo dadajisey duulimaadyada Ethiopian ee Somaliland ayaa ah duulimaadyada shirkadda Turkish Airlines ee Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda, taasoo muujisey in Soomaaliya uu ka jiro suuq macaashbadan oo aanan sinaba loo dayici karin.
Duulimaadyada isku xiraya Soomaaliya iyo aduunka intiisa kale waa kuwa muhiimad weyn ganacsiga Soomaaliya ay aduunka intiisa kale la leedahay oo sii kordhaya.
Gaar ahaan Ethiopia oo ay ku noolyihiin boqol kun oo malyan oo qof, islamarkaasina aan bad iyo deked lahayn ayaa ah dal door weyn ka ciyaari kara kobaca ganacsiga Soomaaliya.
Turkish Airlines ayaa xiligaan dabooshay baahidii duulimaad ee Muqdisho iyo caalamka intiisa kale, halka Ethiopian Airlines ay Berbera tagayso maalin kasta, waxayna saadaashu sheegeysa in Kenyan Airways iyana kusoo biiri karto suuqa, balse waxa ay arrintani war xun u tahay shirkadda Duulimaadyada Soomaaliya sida Daallo Airlines iyo Jubba Airways oo mar lagu eedeeyey in ay culeys ku hayaan Turkish Airlines.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment