“Waa waxba kama jiraan, lacagtaas ma soo gelin dowladda 130-milyan ee la sheegayana waa been abuur” ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas oo intaasi ku daray inay lagama maarmaan tahay inay cadeeyaan sida wax u jiraan, waxaana ku celiyey in warbixintaasi aanay wax sal iyo raad toona laheyn.
Dhinaca kale Guddi baaraya lacagaha la sheegay in la lunsaday ayaa sheegaya in lacago ka badan kuwii horey loo sheegay ay maqanyihiin iaygoo xusay canshuurta gudaha oo aan si hufun loo qaadin ay keentay in lacago badani ay maqnadaan amaba aysan qasadda dowladda soo gelin.
Warbixin dhawaan ka soo baxday Bankiga Adduunka oo laga qeybiyey shirka Istanbul ayaa lagu sheegay in madaxda dowladda ay lunsadeen lacago, intii u dhaxeysay sanadihii 2009-kii illaa xilligan, waxaana Guddida baaritaanka sameeyay ay sheegeen in lacagahaasi maqani ay kala yihiin sida tan: Bankiga Adduunka ayaa waxa uu sheegay dabagal uu sameeyay ka dib inay ku ogaadeen in sanadkii 2009, Dawladda KMG ee Soomaaliya soo gashay lacag gaareesa $94-million, balse Madaxda dowlada KMG ay sheegeen inay soo gashay $11-million oo keliya, ayna halkaasi ku maqan tahay aduun dhan $83 million dollar, baaritaanka uu sameesay World Bank ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaaday in sanadkii 2010-kii, dowlada KMG Soomaaliya soo gashay lacag gaareysa $70 million, balse Madaxda dowladda KMG ay ku sheegeen inay soo gashay lacag dhan $22 million, sidoo kale ay halkaasi ku maqnaatay lacag dhan $48-million.
Hantida maqan ee soo gashay dowlada KMG ayaa lagu sheegay isku geyn inay gaareeso $131 million, oo la sheegay inaysan aheyn hanti gudaha ka timid, balse ay aheyd kuwo ka soo xarooday deeqo ay bixiyeen dalal ka mid ah kuwa Carabta, wuxuuna bankiga adduunka uu Madaxda dowlada KMG ku eedeeyay inaysan xil weyn oo mas’uuliyadeed iska saarin dakhliga ka soo xarooda dalka Soomaaliya, balse haddii ay taasi, isku xil saari lahaayeen la sheegay in daqliga 2009-kii, ka soo xaroon lahaa dalka soomaaliya ay gaari laheyd $155 million, halka Sanadkii 2010-kii lagu sheegay inay gaari laheyd $156-milyan
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment