Sunday, 10 June 2012



Xulka Jarmalka ayaa xalay gool iyo waxba ku garaacay xulka Portugal oo ay ku wada jiraan Group B, kadib ciyaartii labaad ee Group-kan ay xalay isaga hor-yimaadeen, iyadoo ciyaartu aheyd mid natiijadeeda isha lagu wada hayay, maadaama ay aheyd kulan darbi ah.

Labada Xul ayaa bilowgii hore ee ciyaarta dar dar xoogan muujiyay, inkastoo Jarmalka kubad heysashadeeda ay ku badnaayeen, hadana waxaa jiray fursado ay iska qasaariyeen Portugal, kaasoo mid ka mid ah uu helay daafaca Portugal Pepe.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay goolal la'aan, hase ahaatee qeybta labaad ayaa markii la isku soo laabtay ayaa labada kooxood ay halkooda ka sii wadeen weerarada.

Dad badan ayaa qiyaasayay in labada xul ay bar bar dhac goolal la'aan ku kala bixi doonaan, hase ahaatee waxay wax walba is bedeleen markii daqiiqadii 71aad uu gool madax ah u dhaliyay ciyaaryahanka madaxyahanka Mario Gomez, oo uu inta ka dhex booday daafacyada Portugal uu goolka ku hubsaday.

Portugal ayaa durba wiishka ku yeeray, markii goolka laga dhaliyay dhamaadkii ciyaarta, waxaana isku dayo kasta oo ay sameeyeen u suura geli weyday inay iska soo gudaan, waxaana jiray ciyaaryahan Cristiano Ronaldo in fursado uu abuuray, hase ahaatee daafacyada dhaadheer ee Jarmalka ay mar walba burinayeen.

Jarmalka ayaa guushii u horeeyay ee Group B gacanta ku dhigay, waxaana la mid ah Xulka Denmark oo si lama filaan ah iyana uga badisay xulka Holland oo la saadaalinayay inay badiyaan, waxaana ay wada leeyihiin min saddex dhibcood.

Xulalka Holland iyo Portugal oo guul daro ka soo gaartay kulamadoodi hore ayaa ciyaarta labaad la kala ciyaarayay xulalka kale ee soo badiyay, Holland ayaa kulan adag kala hortagi doona Jarmalka, halka Portugal uu la ciyaari doono xulka Denmark.

Dhinaca kale waxaa ciyaar xiiso badan caawa isaga hor imaan doona Xulalka Talyaaniga iyo Spain oo koobkan heysta, waxaa kaloo ciyaarta labaad ee isla Group C wada ciyaari doona xulalka Rep Of Irland iyo Croatia. garable.com muxudin diini fiidow








No comments:

Post a Comment