Masuuliyiin ka tirsan Ururka Ahlusunna ayaa sheegay in saaka aroortii ay isaga baxeen Ciidamadaasi Itoobiya Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud kuwaasi oo u dhaqaaqay dhanka Degmada Guriceel.
Gaadiidka dagaalka ee Itoobiya iyo sidoo kale dabaabadkooda ayaa la sheegay in guud ahaan magaalada ay ka baxeen.
Ujeedada ka dambeeysa bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Degmada Ceelbuur ayaa waxa ay tahay sida la sheegay qilaaf xooggan oo soo kala dhax galay la galay Ururka Ahlusunna iyo sidoo kale saraakiisha Ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale Ciidamada Ahlusunna ee ku sugnaa gudaha degmada Ceel buur ayaa isga baxay.
Lama garanayo waxa uu ku salaysan yahay qilaafka soo kala dhexgalay Ciidamada Itoobiya iyo sidoo kale kuwa Ahlusuna, balse waxaa la xaqiijiyey in ay magaaladaasi isaga bexeen
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment