Saturday, 19 May 2012

XIRIIRKA SAAXIIBTINIMO EE KA DHAXEEYA YAXAAS IYO JEER



Yaxaaska iyo Jeerta caado ahaan waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah kaasoo ku dhisan mabda’a in kan wayn uu ixtiraamo kan yar.
Jariirad kasoo baxda Wadanka kuweyt ayaa qortay in Yaxaas yar uu soo koray dhabarka jeer ka xajmi wayn 10 mar, wuxuuna 15-daqiiqo saarnaa dusha jeertan isagoo siduu doono ugu dul bood boodayay uguna ciyaarayay iyadoon jeerta dareemin.

Yaxaaskaan yar ayaa doonayay in jeerta wabiga dhinaciisa kale u gudbiso.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday meel lagu magacaabo “koojar baak” kuna taal wadanka Koofur Afrika waxaana Sawiro ka qaaday wariyaha Canka ah ee lagu Magacaabo “Riid shard meylar” wuxuuna sheegay in Yaxaaskaan yar uu siduu doono ugu dul Ciyaarayay jeerta wayn.

Nolosha bariga marka laga hadlayo jeerta ama Faraska wabiga waxaa lagu tiriyaa xaywaanka ugu dagan xayawaannada mana weeraro xaywaannada kale laakiin haddii uu xayawaan kale soo weeraro si aad ah ayay ula dagaalantaa.

Wadanka koofur Afrika waxa uu caan ku yahay Xayawaanka Jeerta iyo xawaano kaloo Duur joog ah

garable.com

muxudin diini fiidow

Maxaa ka jira in shirkadaha Jubba & Daallo ay dhaqaale ku bixiyeen carqaladeynta duulimaadyada Turkish Airways?



Your browser does not support inline frames or is currently configured not to display inline frames.
Warar hoose oo laga helay masuul ka tirsan waaxda duulista iyo Saadaaasha hawada ee Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho magaciisana ka gaabsaday ayaa sheegay in maareeyaha garoonka dayuuradaha Muqdisho uu lacag aan cadadeeda la shaacin ka qaatay shirkadaha Jubba Airweys iyo Daallo oo ka mid ah shirkado ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah si loo carqaladeeyo duulimaadka caalamiga ah ee shirkada Dayuurada Turkish Airways ka bilowday magaalada Muqdisho
.Shirkadaha dayuuradaha ee bixiyey lacagtan ee Jubba iyo Daallo oo dhaqaale fiican ka sameeyey dalka 20-kii sano ee burburka uu ka jirtay Soomaaliya ayaan ogoleyn iney arkaan shirkado caalami ah oo kula tartamaya duulimaadyada tagaya magaalada Muqdisho, taasoo keentay in ku dedaalaan iney carqaldeeyaan duulimaadyada Shirkada Turkish Airlines si uusan u hoos ugu dhicin dhaqaalahaas faraha badan ay ka helayaan duulumadyada ay isaga kala gooshaan gudaha Soomaaliya iyo dibeda intaba.
Shirkadahan diidan duulimaadyada Dayuurada Turkish Airways ee Somalia ayaa u arko in laga qiima jaban yahay lagana dayaarado wanaagsan yahay taasoo keentay in ay hoos dhacaan macaamiishooda ka dib markii dadkii oo dhan ay ku yaaceen dayuurada Turkish Airweys taasoo la sheegayo iney laaluush ku bixiyaan carqaldeynta dayuuradaasi.
Qiimaha ay ku qaadaan dadka shirkadaha Jubba iyo Daallo marka ay u duulayaan magaalada Dubai ayaa la sheegay inuu yahay mid aad qaali u ah, iyadoo dadka xitaa ku dhib qabaan gaar ahaan kuwa ka imanaayo Yurub oo kuraastooda dad kale laga iibiyo waxaana xiligaan moodaa in shirkada Dayaarada Turkish Airways uu aad qiimaheeda u hooseyo, iyadoo keentay in qiima aad yar dadka yurub ka imaanaayo ku tagaan magaalada Muqdisho.
Dayuuradda Turkish Airlines ayaa shalay makii labaad ku soo degi weysay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho ka dib markii waaxda saadaasha hawada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo duuliyeyaasha dayuuraddaasi ay isku fahmi-waayeen qaabka ay garoonka u soo caga dhiganeyso dayuuradaasi.

Sida warku sheegayo labada jeer ee ay garoonka ku soo degi weysay dayuuradaas ayaa waxaa loo sababeeyay arrimo la xiriira qaabka ay dayaaraddu garoonka ugu soo dageyso iyo jahada ay ka soo degayso, iyadoo duuliyaasha diyaaradda ay sheegeen in jihada Afisiyooni ka soo degayaan, halka waaxda saadaasha hawada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ay sheegtay iney ka soo degi karto oo kaiya jihada xalane, taasoo ay iyana ay ka biyo deedeen duuliyaasha oo sheegay inaysan jihadaasi ka soo degi karin dabeylo xoogan oo socda awgood.
Cali Maxamed Ibraahim agaasimaha waaxda duulista iyo saadaasha hawada ee garoonka Aadan cadde ayaa sheegay in la xalliyey muran horay u soo dhexgalay maamulka shirkadda Turkish Airlines iyo wasaaarada maaliyada, laakiin wuxuu sheegay in arrinta ay u soo degi weysay dayaaradda Turkiga labadii maalmood ee ay imaan jirtay Muqdisho ay tahay cilado xagga duulimaadka ah ayasna shuqul ku laheyn maamulka.

garable.com

muxudin diini fiidow

Dowlada KMG Somalia oo qorsheyneysa iney Hal sano kale ku darsato mudada ay xilka heyso iyo rer galbeedka oo diidan

Warar iska soo daba dhacaayo ayaa sheegayo in dowlada Soomaliya ee uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Shikh Shariif ay qorsheyneyso in hal sano oo kale ku darsato marka la gaaro Agoosta 2012 taasoo ay dabada ka rixayaan wadamada Itoobiya iyo Ugandha halka wadamada Yurub iyo Mareykanka ay diidan yihiin qorshahaas qarsoon ee lagu doonaayo in waqti kale loogu daro Dowlada taagta daran ee xiligaan ka jirta sidaa waxaa yiri masuul reer galbeed ah.
Masuulkaan ayaa sheegay in shirkii London loogu cadeeyay Madaxda somalia inan waqti kororsi danbe laga aqbali doonin.

Waxaa moodaa in qorsha Road mabka uu fashil ku dhow yahay mar haddii Soomaalida iyo Beesha Caalamka ey ku qanci wayeen iyadoo dowlada laftigeeda ay qorshahaasi wax ka fashalisay mar hadii ay dooneyso iney waqti ku darsadaan.

Dowlaad Soomaaliya ayaa wado qorsha ah in odoyaasha dhaqanka ay ansixiyaan qorsho dowlada loogu daraayo hal sano oo kale halka ay beesha caalamkana ku tilmaantay xalkaasi mid fashil ah oo xiligaan socon karin waxaana muuqaneysa in dastuurka la waday la laalayo mar hadii shacabkii lagu maareen lahaa ay ka biya diidan yihiin.

Qorsha waqti kororsiga ay rabto Dowlada Soomaliya ayaa waxaa si weyn u diiday Dowladaha mareykanka iyo Yurub kuwaasoo qabo in la helo nidaam kale oo ka fiican kan hadda jira waxayna wacad ku mareen cid walba oo isku daydaa in ay waqti ku darsato laga yeeli doonin waxaana cajiib ah Dowlad baarlamaani ah oo Baarlamaan la 'an shaqeyneysay muddo ka badan hal sano.

garable.com

muxudin diini fiidow

dagaal gacmaha lesla galay oo maanta galgaduud ka dhacay iyo ciidamo qabaa,ilada taabacsan oo amxaarada cashar u dhigay


amiirnuur.comDagaallo faraha looga gubtay ayaa maanta siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno katirsan wilaayada Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya wilaayada Galguduud ayaa sheegaya in ciidanka muslimiinta ay si xun ugu jebiyeen cadawga dagaallo siyaaba kala diwan uga dhacay wadada isku xirta Wabxo iyo Ceelbuur.
Saaka aroortii ayay ciidanka xabashida oo ay lasocdaan maleeshiyaad mushrikiin ah oo aan tirabadneyn kasoo bexeen Wabxo si ay saad ciidan ugu geeyaan xabashida Ceelbuur.

Markii ay marayeen Dac ayuu dagaal culus ku bilaawday oo ay barbar socdeen cadawga, wariye Liibaan Cabdi Raxmaan ayaa soo sheegay in cadawga halkaasi khasaara lagu gaarsiiyay.

Cadawga ayaa goobta lagu weeraray ku hakaday muddo kabadan 3 saacadood kadibna waxay usoo dhaqaaqeen dhanka Dabqurun  waxaana halkaasi ku qabsaday dagaal aad uculus oo dhanka muslimiinta uga yimid.

Saacaddu markii ay ku beegneyd 3:00 weerar kale oo Kamiin ah ayaa cadawga ku qabsaday wadada taasi oo ka dhigan in wax ku dhaw 12-saacadood ay Itoobiyaanku ay lakulmeen 5 dagaal welina magaarin Ceelbuur.

Dadka falanqeeya arrimaha Milleteriga ayaa rumaysan in ciidan dhul ka yar 45 KM ay maristiisa ku qaadatay maalin uu Jabay oo uu qarka usaaranyahay bixitaan degdeg ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo boqolaal ah oo ay diyaariyeen beelaha Murusade iyo Maxamuud Hiraab ay ka barbar dagaalamaan Mujaahidiinta arrinkaasi oo caqabad ku naqday cadawga saliibiga ah ee Galguduud kusoo duulay.

garable.com

muxudin diini fiidow

Qorshaha Shariif Hassan oo la ka shifay. “Xog Xaqiiq ah oo aan helnay

t
Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Hassan oo waayadaan is kaga daba laabanayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa la ka shifay sirta ka dambeeysa Safarkiisa uu halkaas tagay.
Mohamud Ali waa Xogheynta Shariif Hassan waxaa caawa kula xiriirnay Qadka Talefonka asagoo ku sugan Magaalada Baydhaba waxaan is kaga dhigay nin qaraabada ah waxaan weydiiyay arimo dhoor ah oo ay ka mid yihiin sida tan…
1: Qorshaha Maamul u sameyta Gobolada Bay iyo Bakool
2: Siyaasada Shariif Hassan iyo Doorashada Augosto 2012.
3: Arin sir ah oo aan helnay oo aheyd 3 Arimood uu Shariif Hassan doonaya oo ah Hadii uu waayo Madaxweyne in uu Noqdo

Gudoomiyaha Barlamaanka hadii uu waayo waxuu rabaa in Gobolada Bay iyo Bakool in uu Maamul u sameeyo oo asaga hoos taga..
Mahamud waxaan is kaga dhigay in aan kala soo hadlaya London waxaan adeegsaday nin Mahamuud ay Saxibo yihiin waxuu ii sheegay arimo badan oo sir ah waxaana ka mid ahaa sida uu ii sheegay Mahamuud.
“Sida aad ka warqabto Saxib Xaalada kala guurka iyo Siyaasada Shariifka waa mid aan weli si toos ah loo shaacin waxaana ugu horeeyo in Shariifka uu rabo Madaxweyne waxuu heshiis la galay Madaxweynaha waxaana ka mid ah Marxalad ka duwan tan hada ay Dowlada ku shaqeeyso taas oo ah in Shariif yada ay kala badashaan boosaska hadii beesha caalamka ay diido in ay sii joogaan halkaan taasna weey isku af garteeyn ayuu yiri Mahamuud”…
“Arinta Labaad waa in Maamul uu wato Shariif Hassan loo dhiiba Gobolada Bay iyo Bakool waxaan kaloo ku xaqiijinayaa in ragga ka soo jeedo Goboladaan in ay qaarkood xabsi guri ku jiraan oo aysan sameyn karin dhaq dhaqaaq ku saabsan wax ka baxsan Booqasho sidaasna la soco”….
“Waxuu kaloo inoo sheegay in uu Doonaya Shariifka in Xildhibaano asaga uu wato in la soo xulo waxuuna heestaa lacag taasna waa soconeysaa qof ku heestana ma jirto ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Mahamuud “…
Arimahaan ayaa dhawaan soo shaac baxay balse caawa waxaan ka xaqiiqsanay Garabka Midig ee Shariifka waana wax macquul ah oo dhici kara sababtuna waa Siyaasada Shariif Hassan oo dhan walba isku rog rogta….
Isku soo wada duub Xusul Duubka uu Shariifka wado iyo aamusnaantiisa ayaa waxeey ka dhigeysaa damaciisa ugu weyn Madaxweyne kan ugu yar Godoomiyaha Barlamaanka hadii la waayo labadaa Maamul Goboleedka Bay iyo Bakool oo hoos tago asaga

garable.com

muxudin diini fiidow

Shirkadda Horn Petroleum oo joojisay Shidaalka qodista ay ka waday Maamulka Puntland


Shirkadda Horn Petroleum oo ka mid ah Shirkadaha Shidaalka qodista ka wada deegannada Puntland ayaa joojisay Howlihii ay ka waday Dooxda Dharoor.
War lagu qoray wakaaladda warar Reuters ayaa lagu sheegay in Shirkadda Horn Petroleum ay joojisay Shidaal qodistii ay ka waday Dooxda Dharoor ee Gobolka Bari kaddib markii raggii ku howlanaa howsha uu qoday 3,800 oo meters, taas oo keentay in wax Shidaal ah oo Gancsi galaya aan laga heli karin.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Khamiistii ayaa sheegtay in Shidaal ama Gaas Ganacsi galaya inaan la heli karin.
Saamiyaddii Shirkadda Horn Petroleum ayaa Khamiistii aad ugu kacay Seyladaha ay ku deedahay Toronto ee dalka Canada.
Shirkadda ayaa sheegtay in Shidaalkii laga qodaayay Ceelka Shabeel u wareegtay mid kale oo ku dhow Waqooyiga Dooxada Dharoor.
Shirkadda ayaa howshan 60% ku leh howsha ay ka wado deegannada Puntland gaar ahaan Dooxada Daroor iyo Gobolka Nugaal oo ah meelaha hadda Shidaalka laga qodaayo.
Shirkada Africa Oil ayaa Shidaal qodis ka bilowday Deegannada Puntland Bishii January ee Sanadkan, waana markii ugu horreysay ee dalka dagaallada ay la dageen Bariga Africa ku yaala 20-kii sano ee la soo dhaafay Shidaal laga qodo.
Horn Petroleum iyo Shirkado kale oo ku wehliya Shidaal qodista Dooxda Dharoor iyo Nugaal kuwaas oo ay mid yihiin Australia’s Range Resources Ltd iyo Red Emperor oo howasha wada.
Saamiyadda Shidaalka Africa ayaa hoos u dhacay 8% taas oo ka dhigan in Qiimaha la kala siisto Seyladaha Toronto uu ka gaaray qiimo $6.70 dadka qaar ayaa sheegaya in oo biya noqday waana suurtagay

garable.com

muxudin diini fiidow

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Lagu Furayo Waddooyinka Ka Wada Suuqa Bakaaraha


Ciidamada qalabka sida ayaa maanta howlgallo lagu burburinayay Sanadaqadaha sharci darrada ah ka sameeyay qaar ka mid ah Waddooyinka soo gala Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Howlgalkan lagu furayo waddooyinka suuqa Bakaaraha laguna burburinayay dhismayaasha sharcidarrada ah ayaa waxaa iska kaashanayay ciidamada Nabadsugida, Booliiska iyo ciidamada CDS, si loo yareeyo ciriiriga suuqaasi loona sugo amaanka suqa.
Sidoo kale ciidamada ayaa hore u furay waddooyin muhiin ah oo ku yaala gudaha Suuqaasi, iyadoo laga burburiyay dhismayaasha sharcidarrada ah ee sababta u noqday ciriiriga badan ee ka jira suuqaasi.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalkan tan iyo inta laga banneeynayo waddooyinka kala duwan ee soo gala suuqaasi, taas oo ay soo dhaweeyeen ganacsatada meheradaha ku leh suuqaasi.

garable.com

muxudin diini fiidow

Muqdisho: Qaraxyo khasaare geystey oo ka dhacay suuqa Bakaaraha


Qaraxyo khasaare geystey ayaa maanta ka dhacay bartamaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan oo labo ahaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Labo qof oo midkood uu askari ahaa ayaa la xaqiijiyey inay dagaalkaas ku geeriyoodey, waxaana ku dhaawacmay lix kale.
Qaraxyadna oo ka dhashay Bunbooyinka gacanta laga tuuro waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamo howlo dhismeyaasha sharci darada ah lagu burburinayo suuqa ka wadey.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaaas, mana ahan markii ugu horeysey ee ay kuwa noocan ahi suuqa Bakaaraha ka dhacaan.
Magaalada Muqdisho oo xiligan uu ka socdo shirka odayaasha dhaqanka Soomaalida dhowaanna lagu ansixin doono Dastuurka waxaa mudooyinkii u danbeeyey kusoo badanayey qaraxyada lala eeganayo ciidamada dowladda.
Waxayna arintani imaanaysaa xilli maamulka gobolka Banaadir oo todobaadyadii u danbeeyey ku howlanaa sidii uu gudaha suuqa Bakaaraha dhismeyaasha aan sharciga ahayn uga burburin lahaa.

garable,com

muxudin diini fiidow

SHIKADA SKA OO LACAGA FARO BADAN LAGALA FAKADAY


C/sitaar Xasan Cali Madaxa arimaha bulshada Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegay in Madaxii Maaliyadda Shirkadda SKA ee Maamusho Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishoin uu dhaqaale kala goostay Shirkadaasi, laguna qabtay dalka Kenya.

Madaxa arimaha bulshada Safaaradda Soomaaliya waxa uu sheegay in dalka Kenya lagu qabtay nin xisaabiye u ahaa Shirkada SKA ee maamusha Garoonka diyaaradaha kaasi lacag kala soo goostay Shirkaddaasi.
C/sitaar waxa uu sheegay in ninkaani oo ah Kirishtaan u dhashay wadanka Masar lacagta uu la goostay ay dhan tahay 360- Kun oo dollar hadana baaritaan lagu hayo nnkaasi oo lagu qabtay Magaalada Wajeer ee Waqooyi Barri dalka Kenya.
Shirkadda SKA ayaa inay maamusho Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa u ogaaladay inay Maamusho Garoonka Maxkamada sare ee dowladda KMG ah, waxaana Maamulka gobolka Banaadir uu horay ugu eedeeyay Shirkadaan in ay shaqaaleysiiso shaqaale ajanabi ah

garable.com

 

Shir ka dhacaya dalka Shiinaha oo si weyn looga hadlayo xaaladda dalka soomaaliya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Yuusuf Xasan Ibraaahim {Yuusuf Dheeg} ayaa ka hadlay kulan uu la qatay Madaxwaynaha dalka Shiinaha Hu Jentao iyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi, kuwaas oo uu sheegay inuu ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhaxeeya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa dhinaca dib lumaasiyadda iyo kan ganacsiga ee labada dal ka dhaxeeya.
Sida uu sheegay Yuusuf Dheeg dowladda Shiinaha ayaa balanqaaday inay dib u dhis ku sameynayo Soomaaliya haddii marka ay cagaheeda isku taagto, wuxuuna safiirku intaasi ku daray in dowladda Shiinaha ay sidoo kale kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sidii ay dowladda Shiinaha gacan u siin laheyd dowladda KMG Soomaaliya.
Dhinaca kale Yuusuf Dheeg waxa uu sheegay in shir ka dhacaya dalka Shiinaya oo ay yeelanayaan wasiiradas Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowladaha Afrikaanka wax ugu qaban lahaayeen dowladda KMG Soomaaliya, ugana taageeri lahaayeen dhinaca dhaqaalaha iyo ciidanka intaba, wuxuuna safiir Yuusuf Dheeg intaasi ku daray in shirkaasi ay hormuud u tahay sida uu yiri Soomaaliya oo qabanqaabada wax ka wadata.
Safiir Yuusuf Dheeg ayaa haatan ay tahay markii labaad oo uu xilkani qabto safaarada Soomaaliya Shiinaha, waxaana uu shaqadani yahay 17-sano xilligii dowladdii dhaxe ee Soomaliya Allaah u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre

garable.com

muxudin diini fiidow

Madaxweynaha wadanka Maraykanka Mareykanla oo dhaqaale Xooggan ugu deeqday wadamada Soomaaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya.

Madaxweynaha wadanka Maraykanka Barack Obama ayaa ku dhawaaqay lacago dheeraad ah oo loogu talo galay in raashin gar gaar ah loogu iibiyo wadamo ku yaala qaaradda Africa oo ay Soomaaliya ku jirto kuwaasoo ay saameeyeen abaaro baahsan.
Madaxweyne Obama waxaa uu xusay in lacag dhan 3 billion oo Dollar uu ugu deeqayo wadamo ku yaala geeska Africa oo ay si daran u saameeyeen abaarihii dhawaan ku dhuftay gobolka waxaana uu ugu baaqay wadamada ku jira ururka G8,ka la yiraahdo ee dhaqaalaha ku hormaray inay qaadaan tilaabooyin tilaabooyin ay ku caawinayaan dadka dhibaataysan.
Sidoo kale war laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha Maraykanku ku leeyahay aqalka cad ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaan Maraykanku ku taageeray wadamada ay Soomaaliya ka mid tahay loogu talo galay in inta raashin lagu iibiyo la gaarsiiyo dadka ubaahan gar gaarka ku dhibaataysan gudaha dalka.
Dhanka kale lacagtaan waxaa ka faa’idaysan doona qaxootiga Soomaaliyeedee ku jira xeryaha ku yaala wadamada Soomaaliya dariska la ah ooiyagana aydhibaatooyin nololeed haystaan.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in qaaradda Africa uu u dajiyay qorshe lagu hormarinayo oo lagu taageerayo qaaradda kasoo socon doona 10-ka sano ee soo socota.
Si kasta ha ahaatee Warka kasoo baxay Aqalka cad  ayaa lagu sheegay in Malaayiin qof oo ku nool wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ay la il daran macaluul ay kadhaxleen abaartii sanadkii hore gobolka ku dhufatay taasoo aheyd abaartii ugu xumeyd ee muddo 60 sano ah soo martay geeska Africa

garable.com

muxudin diini  fiidow

Magaaladii Hargaysa oo busaaradii indhaha ka tuurtay iyo Beesha Sacad yoonis oo dagaal afka ah ku qaaday Hogaanka SNM


Magaalada Hargaysa ayaa waxaa aad ugu muuqday in dadkii maheradda lahaa ay hor tuban yihiin dukaamadooda, kadib markii uu dhamaan waayay dagaalkii lagu haya shacabka reer Khatumo ee Goboladda SSC.
Busaarad ayaa timid kadib markii uu horgal Axmed siilaanayo uu soo samaystay Lacag Faalso ah oo uu doonayo innuu deegaank Hargaysa iyo Burco kaga gurto lacagta dolorka kadib markii mushahaar loo waayay maleeshiyaadkii SNM ee ku sugnaa deegaanka reer Khatumo.
Magaalada Hargaysa ayaa waxaa meesha ka baxay Hay’addihii la iska dhuuqi jiray ee lacagta badan keeni jiray kadib markii ay Hargaysa si wayn u soo dageen Madaxda Maamulka Al-shabaab oo doonaya inay ku dhex gabadaan oo ay isku ballaadhiyaan deegaanka Bariga Puntland.
Dhinaca kale waxaa Saaka is ugu yimid magaalada OOG odayaal doonaya inay iclaamiyaan dagaal ka dhan ah Axmed siinaalyo oo ay doonayaan inay kursiga kaga saaraan maadama uu gooyay xidhigii illaahay

garable.com

muxudin diini fiidow

Lacag cusub oo lagu arkay suuqyada maamulka Puntland

Lacag cusub oo shilinka Soomaaliga ah ayaa lagu arkay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana la sheegay in lacagtaasi ay tahay nooca kunka shilin 1,000.Sh.So ayaan la garaneyn cadadka rasmiga ah ee ay gaarsiisan tahay, hase yeeshee waxaa ilo wareedyo ku dhow wasaaradda maaliyadda Puntland ay sheegeen in lacagtan ay timid todobaadkii hore lagana soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Sarifle ku nool Garowe oo aan rabin la magacaabo ayaa Raxanreeb u sheegay in lacagtan hadda timid ay ka yara duwan tahay tii horey loogu daabici jiray makiinadii Boosaaso yaali jirtay ee xilligii maamulkii Gen. Cadde Muuse, waxaana uu yiri “Way yara adag tahay waxayna aad ugu eg tahay midda laga isticmaalo Muqdisho”. Sida ay wasaaradda maaliyadda Puntland sheegtay qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha shirkii ansixinta dastuurka Puntland iyo waqti u kordhinta Madaxweynaha Puntland ayaa loo siiyey gebagadii shirka mushahar ahaan lacagta cusub sidaasina ay suuqyada ku gashay, iyadoo wasaaraddu ay sheegtay n lacagtan cusub laga keenay dalka Suudaan, mana sheegin wasaaraddu cadadka dhabta ah ee lacagtan cusub ee ay gelisay suuqyada Puntland, inkastoo warar ka madaxbanaan wasaaraddu ay sheegayaan in lacagtaasi ay gaareyso dhowr bilyan. Horey madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Faarax Cali Shire waxay sheegeen in si wax looga qabto miciishad bararka ka taagan Puntland ay keeni doonaan lacag cusub oo shillin Soomaali ah, waxaaa xusid mudan in lacagtan ay soo daabacatay dowladda KMG, maamulka Puntland-na ay qeyb ka siisay lacagtaasi sida ay labada dhinac horay ugu heshiyeen. Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in lagu howlanyahay in dalka la keeno lacag cusub oo shilling Soomaali ah, taas oo uu tilmaamay inaay saameyn ku yeelan doonin dhaqaalaha dalka, wuxuuna Madaxweynuhu uu meesha ka saaray in lacagta cusub loo isticmaali doono ololaha doorashada, isagoo sheegay in lacagtaasi la wareegi doonto dowladda cusub ee lagu wado in la dhiso bisha August ee sanadkan. Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo wasaaradda maaliyadda ay qorshe u sameyn doonaan lacagta cusub, ayna ka shaqeyn doonaan sidii loogu beddeli lahaa tan hadda dalka taalla, lacagta cusub ayuu tilmaamay madaxweynaha in la siin doono shaqaalaha dowladda, laguna saleyn doono miisaaniyadda dowladda.

garable.com

muxudin diini fiidow

Qaraxyo iyo Tacshiirad laga maqlay Suuqa Bakaaraha.

Qaraxyo iyo tacshiirado ayaa goordhaw laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo kamid ah goobaha ganacsiga ee ugu weyn Somaaliya.

Goob jooge ku sugan Bakaaraha ayaa SomaliMeMo u sheegay in laba qarax oo waaweyn lamaqlay kadibna tacshiirado lamaqlay.

lama oga cidda wax ku naqatay qaraxyada iyo rasaasta dhacday waxaa loo maleynayaa in maleeshiyaad DKMG ah taabacsan lala eegtay qaraxyada kadibna ay rasaas fureen.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa gudaha suuqa Bakaaraha lagu dilay sarkaal katirsanaay Jawaasiista DKMG ah.


garable.com

muxudin diini fiidow

Saxiixayaasha Road Map-ka oo saakay u Duulaya magaalada Addis Ababa.


Waxaa saakay lagu wadaa in Garoonka Muqdisho ay ka duulaan Gudoomiyaha baarlamaanka shariif Xasan Raisal Wasaare Gaas kuwaas ka mid ahaa saxiixayaasha Road Map-ka.
Mas’uuliyiintaas iyo kuwa ay ka midyihiin Ahlusuna, Puntland iyo Galmudug ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Addis Ababa.
Halkaas ayaa waxaa ka Furmi Doono shir looga hadlayo aayaha Dastuurka oo Qeybo ka mid ah saxiixayaashii ay ka hor imaadeen.
Sidoo kale warar ayaa sheegaya in Madaxweyne uu saacadaha soo socda soo gaarayo magaalada Muqdisho, waxaana laga yabaa in ay isi sii racaan
Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Raisal Wasaaraha Soomaaliya C/wali gaas.
dhinaca kale Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Agoustine Mahiga iyo xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa kulankaas waxaa lagu wadaa in ay goob jog ka ahaadaan.

garable.com

muxudin diini fiidow

Faahfaahin ku aadan Askari Itoobiyaan ah oo iska dhiibay Bay iyo Bakool.(Sawir)


somalimemo.netWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya askari Itoobiyaan ah oo shalay iska dhiibay Wilaayada Bay iyo Bakool iyadoona baaritaano wali lagu wado sababaha is dhiibka askarigaasi iyo xog wareysi la xiriira qaabkii uu ku soo baxay.


Askarigan oo sita qoriga loo yaqaano Sham shutarka ee Itoobiyaanku aad u isticmaalaan ayaa ka soo baxsaday Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan deegaanka Yurkud iyadoona uu dadka deegaanka ka dalbaday in ay tusiyaan halka ay joogaan Mujaahidiinta.


Dadka deegaanka ayaa ka dib soo gaarsiiyay askarigaasi goob ay duleedka Yurkud ka degan yihiin Ciidamada Mujaahidiinta, waxaana askariga uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay arrinka uu sameeyay, iyadoona qorigii uu sitay uu ku wareejiyay saraakiisha Milatariga ee Mujaahidiinta.


Warar ayaa sheegaya in askarigaasi uu sheegay si iskiis ah inuu u goostay Mujaahidiinta in uu u yimaad ka dib markii uu ku qancay diinta Islaamka isla markaana uu ku qancay ku noolaan shiyaha nolol aan qaribneyn sida uu sheegay.


Markii uu ciidanka Mujaahidiinta arkay ayaa la sheegay Askariga Itoobiyaanka in uu aad u farxay iyadoona uu dalbaday in dharka Milatariga ee Itoobiyaanka laga badalo, waxaana la sheegay in la siiyay dares kale inkastoo labiskiisii uu yaallo.


Sawirka Askari Itoobiyaan ah oo 2007 isu soo dhiibay Mujaahidiinta
Ma ahan markii ugu horeysay ee askari Itoobiyaan ah oo isku soo dhiibo Mujaahidiinta iyadoona sanaddii 2007-dii xilligii Itoobiyaanka ay joogeen Muqdisho uu isi soo dhiibay askari Itoobiyaan ah oo dalbanayay in waddo uu ku tahriibo la siiyo si uu kaga baxsado dhibaatada Somali

garable.com

muxudin diini fiidow

Nidaam Xumo Hadhaysay Qaban-qaabaada Xafladihii Beerta Xoriyadda Iyo Madaxtooyada Ee 18 May

“Beerta xoriyadda oo dabkii ka bakhtiyay xili Madaxwaynuhu hadlayey iyo fanaantii Riwaayada oo ka dareertay” Hargeysa (Waaheen) – Xuska 21-guurada Madax-banaanida Somaliland ee jimcihii shalay lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyadda ayaa waxa hadheedhayay nidaam xumo baahsan oo shacabkii halkaasi joogay wada dareemeen. Fagaaraha beerta xoriyada caasimada oo shacabi-waynaha reer Hargeysa si isdaba joog ah ugu soo qulqulayeen lixdii ilaa 9-kii subaxnimo si ay uga qayb-galayaan Munaasibada lagu waynaynayo 21-guurada Madax-banaanida Somaliland, ayaa haddana qaar badan oo dadkaasi ka mid ah aanay u suurto-galin inay dhagahooda kaga dhargaan khudbadaha masuuliyiinta dawladu halkaasi ka jeediyeen, ka dib markii cod-baahiyayaasha halkaasi lagu xidhay ay si xidhiidh ah hadba u bakhtiyayeen, taasi oo ay keentay qabyo dhinaca diyaar-garowga xuskan ah, kaasi oo habeen hore dadka gaadhi cod-baahiye la saaray lagu ogeysiinayey qabsoomida jimcaha ee xuska 18-may, lagagana codsanayey inay ka soo xaadiraan, hab-qankaasina uu keenay in xitaa cod-baahiyayaasha si habsami ah looga gaadhsiin waayo. Habacsanaanta iyo maamul xumada ka muuqatay munaasibadaasi ayaa keentay in cod-baahiyayaashu khalkhal-galiyaan khudbadii Madaxwaynaha ka dib markii ay mar kaliya wada bakhtiyeen, taasi oo keentay in telefiishanadii iyo idaacada Radio Hargeysa oo si toos u tabinayey munaasibada laga maqlo Madaxwaynaha oo hawlwadeenadiisa waydiinaya waxa cod-baahiyihii ku dhacay “Waar Maxaa ku dhacay”ayaa ka mid ahaa kalmadaha Madaxwaynaha afkiisa ka soo baxay markii makaroonafu bakhtiyeen. Ka sakow dhacdadaasi oo Madaxwaynaha laftiisu shacabka ka raali galiyey, waxa kale oo jiray maamul la’aan dhinaca baratakoolka ah, waxaana la arkayay masuuliyiin Afhayeenka Madaxtooyadu ka mid yahay oo amaro siinaya ciidamada miyuusikada astaanta calanka (Baamboyda), iyadda oo muddo 20 daqiiqo ahi ay u dhaxaysay wakhtiga Madaxwaynuhu beerta xoriyadda soo gaadhay iyo wakhtiga uu salaanta qaatay, iyadda oo ciidamada baamboyda ee garaacayey astaanta calanka iyo Madaxwaynuhu aanay isku muuqanin mastaafada ay isku jireen awgeed. Munaasibadan oo aad uga duwanayd tii sanadkii hore marka loo eego dhinaca amaanka oo xitaa warbaahinta badankeeda loo diiday inay wax sawiro ka qaataan Madaxwaynaha oo fadhiya, ayaa waxyaabaha kale ee maamul ahaan dusha uga soo baxay ka mid ahaa qorshe la’aan ah sida masuuliyiinta qaranku khudbadaha ugu kala horeynayaan, taasi oo keentay in Afhayeenka Madaxtooyadu uu hadba masuulka uu isha ku dhufto magaciisa ku dhawaaqo marka masuuulkaasi soo kacana haddana inta aanu soo gaadhin magaca masuul kale sheego, iyadda oo waxyaabaha xiisaha leh ee madashaasi ka dhacayey ay ka mid ahaayeen in afhayeenka Madaxtooyada oo xidhiidhinta joogay uu wasiir Duur magaciisa waydiiyay warbaahinta, taasi oo keentay in xitaa masuuliyiintii qaranka ee halkaasi fadhiday ay laba laba afka isku saaraan. Dhacdooyinka kale ee shalay warbaahintu sida weyn isha ugu haysay ayaa waxa ka mid ahaa in Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo leh masuuliyiin baratakolka u qaabilsan uu yeedhmo iyo gacan haadin ka dib qaatay salaantii gabogabada u ahayd munaasibada 18-ka May, ka dib markii masuuliyiin badan oo wasiirka daakhiligu ka mid yahay ay u kaxeeyeen halkii uu yaalay gaadhigiisa khaaska ahi, iyadda oo taasi muujisay in aanay wax khibrad ah u lahayn dawladnimada. Dhanka kale, wasiirka wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah masuul af-gaaban oo sida masuuliyiinta xukuumadda qaarkood aan ku deg-degin aflagaadada askarta amaanka loo diray ayaa ciidamadii booliska ee sida gaarka ah gaadhka uga hayay guud ahaan xayn-daabka beerta xoriyadu ay muddo ku hor-taagnaayeen dhinaca koonfureed ee beerta xoriyadda ka dib markii ay la kulmeen isaga oo lagu siddo gaadhi yar oo kuwa raaxada ah oo saddex askari oo gaadh ahi ay xagga dambe u saaran yihiin. Ciidamada booliska oo aan garanayn Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa muddo ka dib siidaayay isaga iyo  gaadiidka kale oo daba socday, ka dib markii askartii isaga gaadhka u ahayd iyo askar kale oo taagnaa halka lagu hakiyey ay askartii joojisay u sheegeen magaciisa iyo masuuliyada uu hayo. Dhinaca kale, xafladii xalay ee qasriga Madaxtooyada ayay ka dhacday maamul xumo la mid ah tii beerta xoriyadda, taasoo la isku khilaafay nidaamkii loo hagi lahaa riwaayadii xalay lagu madadaalanayey, iyaddoo kooxdii riwaayada dhigaysay cadhootay markii la soo dhex galiyey koox kale oo reer Gabiley oo iyaguna watay barnaamij gaar ah. Arintani waxay sababtay in sasabaad iyo sabaaleyn lagala dabo-taggo kooxdii cadhootay, iyadda oo makarafoonka ay ka sheegeen masuuliyiinta Madaxtooyadu khalad dhacay isla-markaana ay ka raali-galiyeen dadwaynihii lagu casuumay Madashaa
 
garable.com
 
muxudin diini fiidow

MAURITIUS & SOOMAALIYA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS KU AADAN MAXKAMADEYNTA BURCAD-BADEEDA



Dowladda Mauritius ayaa jimcihii shaacisay in la isku afgartay Maxkamadeynta burcad-badeeda Soomaalida, kuwaas oo qalqal galiyay Maraakiibta ganacsiga Caalamiga ee adeegsada xeebaha u dhow Soomaaliya.
Dalka Jaziirada leh, ayaa sheegay inuu Soomaaliya heshiisyo lagaaray maamulada Somaliland iyo Puntland si maxkamadeynta burcad-badeeda ay u bilaabato bisha June.

Ra’iisul wasaaraha Mauritius Navinchandra Ramgoolam ayaa sheegay in dalkiisa ku yaala badweynta Hindia siddii uu door uga ciyaari lahaa la dagaalanka burcad-badeeda Soomaalida, iyo inuu door ka qaato arrimaha ammaanka, Kalluumeysiga iyo Dalxiiska.

Mauritius waa mid ka mid ah dhowr wadan oo ku yaala bariga Africa iyo badweynta Hindia, kuwaas oo lagu Maxkamadeeyo burcad-badeeda Soomaalida, maadama dalka Soomaaliya la hayn arrimaha la xiriira sharciyada.

Mauritius waxa ay heleysa 3 million euros bisha July taas oo ay siineyso Midowga Yurub si loogu xiro looguna Maxkamadeeyo burcad-badeeda Soomaalida.

garable.com

muxudin diini fiidow

MARYAN AWAYS: "QORSHE TABABAR DIBADDA AH LOOGU QAADAYO QAAR KA MID AH HAWEENKA AYAAN WADNAA



Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waddo sidii tababar dalka dibadiisa ah ay ugu qaadi lahayd qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed.
Wasiirka haweenka iyo arrimaha Qoyska Xukuumadda KMG Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo la hadashay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in wasaaradeedu ay waddo qorshe ku aadan sidii dalka dibadiisa tababaro loogu qaadi lahaa qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka Haweenka waxay sheegtay in haweenka tababarka loo qaadayo ay ku jiraan kuwo boolis ah sida ay sheegtay, iyadoo hoosta ka xariiqaday inay jiraan haweenka kale oo Dalka gudihiisa tababar lagu siiyo.

Waxay kaloo sheegtay Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Xukuumadda KMG Soomaaliya Maryan Aways Jaamac in lagama maarmaan ay tahay in sare loo qaado garaadka aqooneed ee haweenka Soomaaliyeed haddii ay noqon lahayd kuwa da’da yar iyo kuwa Da’da weyn intaba.

Wasaaradda Haweenka iyo Qoyska Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa xilligani waxa ay wadaa qorshe ku aadan sidii ay u soo celin lahayd dhismihii ay ku kulmi jireen haweenka Soomaaliyeed ee loo yaqaan Hooyooyinka oo Maryan Aways ay sheegay in wasaaraddu ay ka waddo dib u dhis, taasna ay sheegtay haddii uu soo gaba gaboobo ay fursad wanaagsan u tahay haweenka Soomaaliyeed.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe waxaa la xusuustaa in dhibaatooyin kala duwan oo dalka ka dhacay in iyana dhinacooda dhibtu ay ka gaa

garable .com

muxudin diini fiidow