“Beerta xoriyadda oo dabkii ka bakhtiyay xili Madaxwaynuhu hadlayey iyo fanaantii Riwaayada oo ka dareertay” Hargeysa (Waaheen) – Xuska 21-guurada Madax-banaanida Somaliland ee jimcihii shalay lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyadda ayaa waxa hadheedhayay nidaam xumo baahsan oo shacabkii halkaasi joogay wada dareemeen. Fagaaraha beerta xoriyada caasimada oo shacabi-waynaha reer Hargeysa si isdaba joog ah ugu soo qulqulayeen lixdii ilaa 9-kii subaxnimo si ay uga qayb-galayaan Munaasibada lagu waynaynayo 21-guurada Madax-banaanida Somaliland, ayaa haddana qaar badan oo dadkaasi ka mid ah aanay u suurto-galin inay dhagahooda kaga dhargaan khudbadaha masuuliyiinta dawladu halkaasi ka jeediyeen, ka dib markii cod-baahiyayaasha halkaasi lagu xidhay ay si xidhiidh ah hadba u bakhtiyayeen, taasi oo ay keentay qabyo dhinaca diyaar-garowga xuskan ah, kaasi oo habeen hore dadka gaadhi cod-baahiye la saaray lagu ogeysiinayey qabsoomida jimcaha ee xuska 18-may, lagagana codsanayey inay ka soo xaadiraan, hab-qankaasina uu keenay in xitaa cod-baahiyayaasha si habsami ah looga gaadhsiin waayo. Habacsanaanta iyo maamul xumada ka muuqatay munaasibadaasi ayaa keentay in cod-baahiyayaashu khalkhal-galiyaan khudbadii Madaxwaynaha ka dib markii ay mar kaliya wada bakhtiyeen, taasi oo keentay in telefiishanadii iyo idaacada Radio Hargeysa oo si toos u tabinayey munaasibada laga maqlo Madaxwaynaha oo hawlwadeenadiisa waydiinaya waxa cod-baahiyihii ku dhacay “Waar Maxaa ku dhacay”ayaa ka mid ahaa kalmadaha Madaxwaynaha afkiisa ka soo baxay markii makaroonafu bakhtiyeen. Ka sakow dhacdadaasi oo Madaxwaynaha laftiisu shacabka ka raali galiyey, waxa kale oo jiray maamul la’aan dhinaca baratakoolka ah, waxaana la arkayay masuuliyiin Afhayeenka Madaxtooyadu ka mid yahay oo amaro siinaya ciidamada miyuusikada astaanta calanka (Baamboyda), iyadda oo muddo 20 daqiiqo ahi ay u dhaxaysay wakhtiga Madaxwaynuhu beerta xoriyadda soo gaadhay iyo wakhtiga uu salaanta qaatay, iyadda oo ciidamada baamboyda ee garaacayey astaanta calanka iyo Madaxwaynuhu aanay isku muuqanin mastaafada ay isku jireen awgeed. Munaasibadan oo aad uga duwanayd tii sanadkii hore marka loo eego dhinaca amaanka oo xitaa warbaahinta badankeeda loo diiday inay wax sawiro ka qaataan Madaxwaynaha oo fadhiya, ayaa waxyaabaha kale ee maamul ahaan dusha uga soo baxay ka mid ahaa qorshe la’aan ah sida masuuliyiinta qaranku khudbadaha ugu kala horeynayaan, taasi oo keentay in Afhayeenka Madaxtooyadu uu hadba masuulka uu isha ku dhufto magaciisa ku dhawaaqo marka masuuulkaasi soo kacana haddana inta aanu soo gaadhin magaca masuul kale sheego, iyadda oo waxyaabaha xiisaha leh ee madashaasi ka dhacayey ay ka mid ahaayeen in afhayeenka Madaxtooyada oo xidhiidhinta joogay uu wasiir Duur magaciisa waydiiyay warbaahinta, taasi oo keentay in xitaa masuuliyiintii qaranka ee halkaasi fadhiday ay laba laba afka isku saaraan. Dhacdooyinka kale ee shalay warbaahintu sida weyn isha ugu haysay ayaa waxa ka mid ahaa in Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo leh masuuliyiin baratakolka u qaabilsan uu yeedhmo iyo gacan haadin ka dib qaatay salaantii gabogabada u ahayd munaasibada 18-ka May, ka dib markii masuuliyiin badan oo wasiirka daakhiligu ka mid yahay ay u kaxeeyeen halkii uu yaalay gaadhigiisa khaaska ahi, iyadda oo taasi muujisay in aanay wax khibrad ah u lahayn dawladnimada. Dhanka kale, wasiirka wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah masuul af-gaaban oo sida masuuliyiinta xukuumadda qaarkood aan ku deg-degin aflagaadada askarta amaanka loo diray ayaa ciidamadii booliska ee sida gaarka ah gaadhka uga hayay guud ahaan xayn-daabka beerta xoriyadu ay muddo ku hor-taagnaayeen dhinaca koonfureed ee beerta xoriyadda ka dib markii ay la kulmeen isaga oo lagu siddo gaadhi yar oo kuwa raaxada ah oo saddex askari oo gaadh ahi ay xagga dambe u saaran yihiin. Ciidamada booliska oo aan garanayn Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa muddo ka dib siidaayay isaga iyo gaadiidka kale oo daba socday, ka dib markii askartii isaga gaadhka u ahayd iyo askar kale oo taagnaa halka lagu hakiyey ay askartii joojisay u sheegeen magaciisa iyo masuuliyada uu hayo. Dhinaca kale, xafladii xalay ee qasriga Madaxtooyada ayay ka dhacday maamul xumo la mid ah tii beerta xoriyadda, taasoo la isku khilaafay nidaamkii loo hagi lahaa riwaayadii xalay lagu madadaalanayey, iyaddoo kooxdii riwaayada dhigaysay cadhootay markii la soo dhex galiyey koox kale oo reer Gabiley oo iyaguna watay barnaamij gaar ah. Arintani waxay sababtay in sasabaad iyo sabaaleyn lagala dabo-taggo kooxdii cadhootay, iyadda oo makarafoonka ay ka sheegeen masuuliyiinta Madaxtooyadu khalad dhacay isla-markaana ay ka raali-galiyeen dadwaynihii lagu casuumay Madashaa
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment