Saturday, 19 May 2012

Muqdisho: Qaraxyo khasaare geystey oo ka dhacay suuqa Bakaaraha


Qaraxyo khasaare geystey ayaa maanta ka dhacay bartamaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan oo labo ahaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Labo qof oo midkood uu askari ahaa ayaa la xaqiijiyey inay dagaalkaas ku geeriyoodey, waxaana ku dhaawacmay lix kale.
Qaraxyadna oo ka dhashay Bunbooyinka gacanta laga tuuro waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamo howlo dhismeyaasha sharci darada ah lagu burburinayo suuqa ka wadey.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaaas, mana ahan markii ugu horeysey ee ay kuwa noocan ahi suuqa Bakaaraha ka dhacaan.
Magaalada Muqdisho oo xiligan uu ka socdo shirka odayaasha dhaqanka Soomaalida dhowaanna lagu ansixin doono Dastuurka waxaa mudooyinkii u danbeeyey kusoo badanayey qaraxyada lala eeganayo ciidamada dowladda.
Waxayna arintani imaanaysaa xilli maamulka gobolka Banaadir oo todobaadyadii u danbeeyey ku howlanaa sidii uu gudaha suuqa Bakaaraha dhismeyaasha aan sharciga ahayn uga burburin lahaa.

garable,com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment