Your browser does not support inline frames or is currently configured not to display inline frames.
Warar hoose oo laga helay masuul ka tirsan waaxda duulista iyo Saadaaasha hawada ee Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho magaciisana ka gaabsaday ayaa sheegay in maareeyaha garoonka dayuuradaha Muqdisho uu lacag aan cadadeeda la shaacin ka qaatay shirkadaha Jubba Airweys iyo Daallo oo ka mid ah shirkado ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah si loo carqaladeeyo duulimaadka caalamiga ah ee shirkada Dayuurada Turkish Airways ka bilowday magaalada Muqdisho
.Shirkadaha dayuuradaha ee bixiyey lacagtan ee Jubba iyo Daallo oo dhaqaale fiican ka sameeyey dalka 20-kii sano ee burburka uu ka jirtay Soomaaliya ayaan ogoleyn iney arkaan shirkado caalami ah oo kula tartamaya duulimaadyada tagaya magaalada Muqdisho, taasoo keentay in ku dedaalaan iney carqaldeeyaan duulimaadyada Shirkada Turkish Airlines si uusan u hoos ugu dhicin dhaqaalahaas faraha badan ay ka helayaan duulumadyada ay isaga kala gooshaan gudaha Soomaaliya iyo dibeda intaba.
Shirkadahan diidan duulimaadyada Dayuurada Turkish Airways ee Somalia ayaa u arko in laga qiima jaban yahay lagana dayaarado wanaagsan yahay taasoo keentay in ay hoos dhacaan macaamiishooda ka dib markii dadkii oo dhan ay ku yaaceen dayuurada Turkish Airweys taasoo la sheegayo iney laaluush ku bixiyaan carqaldeynta dayuuradaasi.
Qiimaha ay ku qaadaan dadka shirkadaha Jubba iyo Daallo marka ay u duulayaan magaalada Dubai ayaa la sheegay inuu yahay mid aad qaali u ah, iyadoo dadka xitaa ku dhib qabaan gaar ahaan kuwa ka imanaayo Yurub oo kuraastooda dad kale laga iibiyo waxaana xiligaan moodaa in shirkada Dayaarada Turkish Airways uu aad qiimaheeda u hooseyo, iyadoo keentay in qiima aad yar dadka yurub ka imaanaayo ku tagaan magaalada Muqdisho.
Dayuuradda Turkish Airlines ayaa shalay makii labaad ku soo degi weysay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho ka dib markii waaxda saadaasha hawada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo duuliyeyaasha dayuuraddaasi ay isku fahmi-waayeen qaabka ay garoonka u soo caga dhiganeyso dayuuradaasi.
Sida warku sheegayo labada jeer ee ay garoonka ku soo degi weysay dayuuradaas ayaa waxaa loo sababeeyay arrimo la xiriira qaabka ay dayaaraddu garoonka ugu soo dageyso iyo jahada ay ka soo degayso, iyadoo duuliyaasha diyaaradda ay sheegeen in jihada Afisiyooni ka soo degayaan, halka waaxda saadaasha hawada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ay sheegtay iney ka soo degi karto oo kaiya jihada xalane, taasoo ay iyana ay ka biyo deedeen duuliyaasha oo sheegay inaysan jihadaasi ka soo degi karin dabeylo xoogan oo socda awgood.
Sida warku sheegayo labada jeer ee ay garoonka ku soo degi weysay dayuuradaas ayaa waxaa loo sababeeyay arrimo la xiriira qaabka ay dayaaraddu garoonka ugu soo dageyso iyo jahada ay ka soo degayso, iyadoo duuliyaasha diyaaradda ay sheegeen in jihada Afisiyooni ka soo degayaan, halka waaxda saadaasha hawada ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ay sheegtay iney ka soo degi karto oo kaiya jihada xalane, taasoo ay iyana ay ka biyo deedeen duuliyaasha oo sheegay inaysan jihadaasi ka soo degi karin dabeylo xoogan oo socda awgood.
Cali Maxamed Ibraahim agaasimaha waaxda duulista iyo saadaasha hawada ee garoonka Aadan cadde ayaa sheegay in la xalliyey muran horay u soo dhexgalay maamulka shirkadda Turkish Airlines iyo wasaaarada maaliyada, laakiin wuxuu sheegay in arrinta ay u soo degi weysay dayaaradda Turkiga labadii maalmood ee ay imaan jirtay Muqdisho ay tahay cilado xagga duulimaadka ah ayasna shuqul ku laheyn maamulka.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment