Warar iska soo daba dhacaayo ayaa sheegayo in dowlada Soomaliya ee uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Shikh Shariif ay qorsheyneyso in hal sano oo kale ku darsato marka la gaaro Agoosta 2012 taasoo ay dabada ka rixayaan wadamada Itoobiya iyo Ugandha halka wadamada Yurub iyo Mareykanka ay diidan yihiin qorshahaas qarsoon ee lagu doonaayo in waqti kale loogu daro Dowlada taagta daran ee xiligaan ka jirta sidaa waxaa yiri masuul reer galbeed ah.
Masuulkaan ayaa sheegay in shirkii London loogu cadeeyay Madaxda somalia inan waqti kororsi danbe laga aqbali doonin.Waxaa moodaa in qorsha Road mabka uu fashil ku dhow yahay mar haddii Soomaalida iyo Beesha Caalamka ey ku qanci wayeen iyadoo dowlada laftigeeda ay qorshahaasi wax ka fashalisay mar hadii ay dooneyso iney waqti ku darsadaan.
Dowlaad Soomaaliya ayaa wado qorsha ah in odoyaasha dhaqanka ay ansixiyaan qorsho dowlada loogu daraayo hal sano oo kale halka ay beesha caalamkana ku tilmaantay xalkaasi mid fashil ah oo xiligaan socon karin waxaana muuqaneysa in dastuurka la waday la laalayo mar hadii shacabkii lagu maareen lahaa ay ka biya diidan yihiin.
Qorsha waqti kororsiga ay rabto Dowlada Soomaliya ayaa waxaa si weyn u diiday Dowladaha mareykanka iyo Yurub kuwaasoo qabo in la helo nidaam kale oo ka fiican kan hadda jira waxayna wacad ku mareen cid walba oo isku daydaa in ay waqti ku darsato laga yeeli doonin waxaana cajiib ah Dowlad baarlamaani ah oo Baarlamaan la 'an shaqeyneysay muddo ka badan hal sano.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment