Saturday, 19 May 2012

Lacag cusub oo lagu arkay suuqyada maamulka Puntland

Lacag cusub oo shilinka Soomaaliga ah ayaa lagu arkay suuqyada magaalooyinka Puntland, waxaana la sheegay in lacagtaasi ay tahay nooca kunka shilin 1,000.Sh.So ayaan la garaneyn cadadka rasmiga ah ee ay gaarsiisan tahay, hase yeeshee waxaa ilo wareedyo ku dhow wasaaradda maaliyadda Puntland ay sheegeen in lacagtan ay timid todobaadkii hore lagana soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Sarifle ku nool Garowe oo aan rabin la magacaabo ayaa Raxanreeb u sheegay in lacagtan hadda timid ay ka yara duwan tahay tii horey loogu daabici jiray makiinadii Boosaaso yaali jirtay ee xilligii maamulkii Gen. Cadde Muuse, waxaana uu yiri “Way yara adag tahay waxayna aad ugu eg tahay midda laga isticmaalo Muqdisho”. Sida ay wasaaradda maaliyadda Puntland sheegtay qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha shirkii ansixinta dastuurka Puntland iyo waqti u kordhinta Madaxweynaha Puntland ayaa loo siiyey gebagadii shirka mushahar ahaan lacagta cusub sidaasina ay suuqyada ku gashay, iyadoo wasaaraddu ay sheegtay n lacagtan cusub laga keenay dalka Suudaan, mana sheegin wasaaraddu cadadka dhabta ah ee lacagtan cusub ee ay gelisay suuqyada Puntland, inkastoo warar ka madaxbanaan wasaaraddu ay sheegayaan in lacagtaasi ay gaareyso dhowr bilyan. Horey madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Faarax Cali Shire waxay sheegeen in si wax looga qabto miciishad bararka ka taagan Puntland ay keeni doonaan lacag cusub oo shillin Soomaali ah, waxaaa xusid mudan in lacagtan ay soo daabacatay dowladda KMG, maamulka Puntland-na ay qeyb ka siisay lacagtaasi sida ay labada dhinac horay ugu heshiyeen. Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in lagu howlanyahay in dalka la keeno lacag cusub oo shilling Soomaali ah, taas oo uu tilmaamay inaay saameyn ku yeelan doonin dhaqaalaha dalka, wuxuuna Madaxweynuhu uu meesha ka saaray in lacagta cusub loo isticmaali doono ololaha doorashada, isagoo sheegay in lacagtaasi la wareegi doonto dowladda cusub ee lagu wado in la dhiso bisha August ee sanadkan. Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo wasaaradda maaliyadda ay qorshe u sameyn doonaan lacagta cusub, ayna ka shaqeyn doonaan sidii loogu beddeli lahaa tan hadda dalka taalla, lacagta cusub ayuu tilmaamay madaxweynaha in la siin doono shaqaalaha dowladda, laguna saleyn doono miisaaniyadda dowladda.

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment