Sunday, 1 July 2012

Madaxweynaha dowlada KMG Somalia oo booqasho ku tegay degmada Balcad ee gobolka Shabellaha dhexe

Jaraaidka caanka ah ee El Mundo oo ka soo baxo dalka Spain ayaa waxa uu qiray in kulanka Fiinaalka ah ee Spain Vs Italy oo caawa dhici doono uu noqon doono mid Jilbaha la iska murxiyo . Jaraaidkaan ayaa shaaciyay in xulka Qaranka Spain ay isku balan sadeen sidii Darawalka Talyaaniga Andrea Pirlo Korantada looga damin lahaa ka dibna Mario Balotelli looga Xanaajin lahaaJaraaidkaan ayaa waxa uu leeyahay Talyaaniga oo la yasayay dib ayay ka soo kacsadeen koobka EURO 2012 waxaana adkaan doonto oo dhib fara badan loo mari doonaa sidii Gool looga dhalin lahaa xulka Azzurri (Italia). si uu Rooso u qaato Qaranka Spain ee Furia Roja iyo Macalin Vicente del Bosque hadii ay soo bandhigaan Ciyaar la mid ah midii ay la dheeleen Croatia iyo xulka Portugal waxaa dhici doonta koobka EURO 2012 in uu si toos ah ugu gacan galo dalka Talyaaniga ayuu yiri EL Mundo oo guubaabinayay xulka dalkiisa ee Furia Roja (Spain)Jaraaidka ayaa sidoo kale waxaa uu qoray in loo baahan yahay sidii qal qal loo gelin lahaa Goolhayaha halista ah ee xulka Squadra Azzurri Gianluigi Buffon kaas oo lagu sheegay inuusan aheeyn Goolhaye oo kaliyah balse uu yahay shaqsiga Talyaaniga gadaal ama dhanka Difaaca ka dhisaya maadaama uu daqiiqad kaste u sheego cidii ay xiran lahaayeen iyo Ciyaaryahankii uu ka shakiyo wuxuuna Buffon madaxa ka qabsaday Difaaca kooxda Juventus oo ay is Ciyaar barteen sida Brazagli,Bonucci, Chiellini iyo dhanka qadka dhexe oo uu qaladaadkiisa u sheego Ciyaaryahan Claudio Marchisio (Yaab)Jaraaidka ayaa sheegay in Goolhaye Gianluigi Buffon loo deen doono 3 ciyaaryahan sidii ay Qalqal u galin lahaayeen waxaana Xiddigahaas lagu sheegay David Silva,Andre Iniesta iyo Cesc Fabregas. Dhanka Mario Balotelli ayaa lagu wadaa inay si weeyn uga xanaajiyaan Difaacyada halista ah ee lagu kala magacaabo Sergio Ramos iyo Gerard Pique.
Darawalka Talyaaniga Andrea Pirlo waxaa lagu wadaa in la dul saaro Xabi Alonso iyo Xavi Hernandez oo ka dili doona Kubadaha uu la bartay inuu u qeeybiyo Xiddigaha Squadra Azzurri.Qiyaanada ay isla damacsan yihiin xulalka Italy Vs Spain ma ahan wax la yareesan karo balse waxaa la xaqiijiyay hadii la fiiriyo dhanka Qiyaanada in Talyaanigu kaga dheereeyo Spain Taariikh ahaan waxaana laga yaabaa in Spain ay ka faaideeysato xanaaqa faraha badan ee Mario Balotelli oo aan meel fog jirin.
Dhanka kale Shirkad Ispaanish ah ayaa Taageerayaasha xulka Qaranka Spain u qeeybisay Funaanad ama Maaliyad lagu sheegay isku bixis taas oo ay ku wada qoran yihiin inta badan magacyada xulka Spain Spain ee Furia Roja .

garable.com
muxudin diini fiidow

Xeer Ilaaliyihii Maxkamada gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo xalay lagu toogtay woqooyiga Gaalkacyo

Kooxo bastoolado ku hubeysan oo xalay ku toogtay woqooyiga Magaalada Gaalkacyo xeer Ilaaliyihii maxkamada gobolka Mudug ee maamulka Puntand Bashiir Cali Gaaf, iyadoo kooxahaasna ay goobta ka baxsadeen markii ay dilka geysteen.Goob joogayaal ayaa sheegay in xeer Ilaaliyaha ay rasaas ku furay kooxahaas hubeysan wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid ku yaala woqooyiga magaaladaas xili uu ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaala meel aan ka fogeyn masaajidka, iyadoo masuulkaasna uu isla goobtii ku qurbaxay.Daqiiqado ka dib ayaa waxaa goobtii uu dilkaas ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo halkaas ka bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey dilkaas inkastoo aysan ku guuleysan iney soo qabtaanCiidamada Booliska maamulka Puntland ayaa illaa saaka wada howlgalada ay ka sameynayaan xaafadaha ku yaala woqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyagoo soo qabqabtay dad fara badan oo lagu tuhunsan yahay iney dilkaas ku lug lahaayeen, kuwaasoo baaritaano lagu hayo sida saraakiisha amaanka Puntland ay sheegeen.
Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxay caan ku tahay dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah masuuliyinta iyo ciidamada maamulka Puntland ee magaaladas ka howlgala, waxaana weeraro sidan oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Boosaaso, iyadoo masuuliyinta Puntland ay horey ugu eedeeyeen iney ka dambeeyaan weerarkan xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Somalia.

garable.com
muxudin diini fiidow

Sir Culus: Jaaliyadda Majeerteen ee East Africa oo 5-milyan oo Dollar faraha ka saartay Ra'isul Wasaare Gaas iyo Heshiisyo 8-qodob ah oo uu la galay


Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa ka
guddoomay lacag gaareysa 5-milyanoo Dollar Jaaliyadda Majeerteen ee East
Africa, kadib shir 2 maalmood ah oo la qaaatay Jaaliyada oo uu
horkacayay Qunsulka safaaradda Soomaalida ee Uganda Muuse Xareed oo ay isku
qabiilyihiin.
Gaas ayaa jaaliyadda ka codsaday inay u iibiyaan 130 xildhibaan codkaas, si uu u noqdao Madaxweynaha Soomaaliya bisha August ee soo socota, waxaana booqashadii uu dalka Uganda ku joogay Ra'isul Wasaare Gaas oo aheyd mid aan heer dowladeed aheyn maadaama aanu la socon hal wasiir oo ka tirsan xukuumadda uu la kulmay cambaareyn dhinaca Dowladda Uganda.
Beesha Majeerteen ayaa wacad ku martay inay ku gacan
siineyo arrin kasta oo uu Madaxweyne ku noqon karo, waxaana shirkan oo
ka dhacay Hotel Shirton ee Kampala xubnihii ka soo qeb galay ka mid ahaa
Muuse Macallin Yuusuf oo haddii Gaas la doorto noqon doona safiirka
Soomaaliya ee Uganda, Sheekh Cabdiweli Dheere oo ah iimaam qabiiledka
Uganda, ahna wakiilka xawaaladda Amal ee Uganda, iyo dhammaan
gacansadatada Majeeteen ee Uganda, wakiilo ka socday gacansata
magaalooyinka Mombasa, Nairobi iyo South Sudan.
Gaas ayaa u sheegay in
haddii loo iibiyo codadka ugu yaraan 130 Xildhibaan uu noqon doona
Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna beeshisa u sheegay in xildhibaan kasta
uu siinayo 30,000 oo Doollar, oo haddii loo qeybiyo 130- xildhibaan ay
noqoneyso 3900,000 (Sadex Milyan iyo sagaal boqol oo kun oo Dollar)
halka milyanka kale uu ku bixin doono ololaha doorashada ee casuumaadaha
xildhibaanadda, odayaasha dhaqanka, saxaafadda, safarradda, isgaarsiinta
iyo farsamooyinka kale.

Ra'isul Wasaare Gaas ayaa beeshiisa u sheegay
in haddii maamul goboleedka Somaliland uu ogolaado dowladda wadaag ay
meesha ka baxeyso kaalinta muuqata ee beeshooda, sidaa daraadeed ay
muhiim tahay in geed dheer iyo mid gaaban loo fuulo jagada
madaxweynenimada.

Gaas ayaa sheegay in heshiiskan uu u saxiixi doono
ganacsatada Majeerteen haddii uu madaxweyne noqdo:
1. In Muuse Macallin oo hadda ah qunsulka Uganda uu noqon doono Safiirka Uganda.
2. In safiirka Soomaaliya ee Uganda Sayid Axmed Sheekh Aadan oo howshan wax ka og lagu abaal mariyo wasiir ka tirsan xukuumada soo socota.
3 Inshirkadda Amala ee xawaaladda lagu wareejin doono akoonada shaqaalaha
dowladda, isla markaana Dahabshiil laga maarmi doono.
4. In Rugta ganacsiga Soomaaliya loo dhiibi doono shaqsiga ay iyagu soo doortaan.

5. in Dekedda Boosaso ay noqon doonto mida kaliya ee laga dhoofiyo
xoolaha Soomaaliya.
6. In gacansiga Shidaadalka, baabuurta iyo
qalabkooda cid aan iyaga aheyn aysan keeni doonin Soomaaliya.
7. In Ganasatada shisheeye ee Soomaaliya maal gashana ay muhiimadda 1-aad siin
doonaan dhulka Majeerteenka.
8. iyo in danaha beeshoodu ay noqon doonto
mid lama taabtaan ah.

Sirtan ayaa laga helay nin ka mid ah raggii
shirkaas goobjooga ka ahaa oo warbixintiisa telefoon ku siinayay nin
kale oo howshan wax ka ogaa, hase ahaatee u maleynayay inaan la maqleyn
waxyaabaha uu ku hadlayo

garable.com
muxudin diini fiidow

Guddomiyaha Guddiga siyaasadda ee Baarlamaanka Puntland oo eedayn kulul u jeediyay C/raxmaan Faroole, kuna baaqay

Guddoomiyaha guddida Siyaasada ee Baarlamaaka Puntland Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa hadal uu shalay ka jeediyay kalfadhiga 28-aad ee Baarlamaanka Puntland waxa uu dhaliilo ugu jeediyay Madxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole oo uu ku eedeeyay inuu ka gaabiyey siyaasadda gudaha oo ah mid mug-weyn.
“Waxay aheyd inay ku dhisnaato dhinac kasta masalaxada guud ee bulshada midnimadeeda, horumarkeeda iyo daryeelkeeda kuwaas oo noqday qaar burburay iyo qaar quus iyo niyad jabab dheliyey, waxay bulshada Puntland ku hungowday in ay hesho Siyaasad ku baarujiyeysa walaalnimadeeda iyo wax wada qabsigeeda isla markaasna u dumaysa isku kalsoonaanteeda umadnimo, maamulka Faroole waxa uu kala dhantaalay waa jibaadkii bulshada, waxna wuu ka qaban waayey, wuxuuna siyaasad xun dhexdhigay hogaan dhaqameedkii oo labo u kala jabay” ayuu yiri  Guddoomiyaha guddida Siyaasada ee Baarlamaaka Puntland.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan waxa uu dhaliilay siyaasadda dowladda KMG oo uu sheegay in Puntland iyo dowladda KMG marka ay isqabtaan inay heshiisyo u tagaan dalka Itoobiya iyo dalal kale, taas oo uu ku tilmaamay siyaasad guran oo aan miradhal aheyn, wuxuuna yiri “Waxaa magacii iyo miisaankii Puntland shiiqiyey heshiisyada ay dowladda KMG la gasho Puntland oo aan marka hore go’aan loo dhanyahay laga qaadan, taas waxaa laga dhaxlay is qabqabsi joogto ah iyo siyaasadeenii oo hooska labadiisa gelin noqotay, waxaa si indho la’aan ah afka looga galay kulankii Ingiriisku caalamka London ugu qabtay oo dulucdiisu ahayd in Somaliland mowqifkeeda aduunka hor dhigto halka Soomaaliya iyo Somaliland la isku barbar dhiga”.
Sidoo kale xildhibaanku waxa uu ku dhaliilay maamulka Faroole inuu heshiisyo iskala galo shirkado iyo dowlado kale iyadoo aan Baarlamaanka ka warqabin, sidoo kalena waxaa kulamo joogto ah lala yeeshaa wafuuda ka timamada caalamka iyadoo aan Baarlamaanka waxba laga socodsiin waxyaabaha laga-wadahadlay, wuxuuna ku dhaliilay Xukuumadda Faroole inay wax ka qabanweyday hay’adaha ajnabiga ah ee Puntland yimaada, kuwaas oo gobolo kale ka soo qorta dadka u shaqeeya, iyadoo ay Puntland joogaan dad aqoon leh, isla markaasna ka bixi kara howsha.

garable.com
muxudin diini fiidow

Madaxweyne Sheekh Shariif:- Somaliland raalligelin ayaan u geynay wixii dhacayna waxaa mas’uul ka ahaa

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay u geeyeen ralligelin maadaama ay tabanayaan tacaddi horay loogu geystay, ayna ku heshiiyeen in wadahadalladu ay sii socdaan.
Sheekh Shariif ayaa hadalkan jeediyay ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo muujiyey inuu rajo weyn ka qabo inay wadahadallada noqdaan kuwo mira-dhala, wuxuuna yiri “Walaalkaa haddii uu wax kaa tabto waxaa haboon inaad tiraado raalli ahow, Somaliland waxaan u geynnay raalli, wixii dhacayna ka raalli ahaada, waxaana ogolnahay in laga wadahadlo, laakiin nidaam jiray oo dhibaatadiisu cid walba gaartay ayaa mas’uul ka ahaa arrintaas”.
Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya ay ka dhaceen dhibaatooyin fara badan, isagoo xusay in kulankii dhacay la iskula gaaray in la isi saamaxno, maadaama walaalo la yahay Soomaalina la yahay lana wadafariisto.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka inay dedejiyaan xulidda ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, isagoo xusay inay ka go’an tahay in xilliga KMG ah lasoo gabagabeeyo 20-ka Ogoosto sanadkan, wuxuuna yiri “Howlo badan oo dowladda aad u qaban lahaydeen ama aad iskiin u qabsan lahaydeen ayaa jira, waa inaad soo dedejisaan ergada ansixinta dastuurka iyo Xildhibaanada cusub si xilliga KMG ah loosoo afjaro

gabarle.com
muxudin diini fiidow