Sunday, 1 July 2012

Xeer Ilaaliyihii Maxkamada gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo xalay lagu toogtay woqooyiga Gaalkacyo

Kooxo bastoolado ku hubeysan oo xalay ku toogtay woqooyiga Magaalada Gaalkacyo xeer Ilaaliyihii maxkamada gobolka Mudug ee maamulka Puntand Bashiir Cali Gaaf, iyadoo kooxahaasna ay goobta ka baxsadeen markii ay dilka geysteen.Goob joogayaal ayaa sheegay in xeer Ilaaliyaha ay rasaas ku furay kooxahaas hubeysan wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid ku yaala woqooyiga magaaladaas xili uu ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaala meel aan ka fogeyn masaajidka, iyadoo masuulkaasna uu isla goobtii ku qurbaxay.Daqiiqado ka dib ayaa waxaa goobtii uu dilkaas ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo halkaas ka bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey dilkaas inkastoo aysan ku guuleysan iney soo qabtaanCiidamada Booliska maamulka Puntland ayaa illaa saaka wada howlgalada ay ka sameynayaan xaafadaha ku yaala woqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyagoo soo qabqabtay dad fara badan oo lagu tuhunsan yahay iney dilkaas ku lug lahaayeen, kuwaasoo baaritaano lagu hayo sida saraakiisha amaanka Puntland ay sheegeen.
Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxay caan ku tahay dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah masuuliyinta iyo ciidamada maamulka Puntland ee magaaladas ka howlgala, waxaana weeraro sidan oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Boosaaso, iyadoo masuuliyinta Puntland ay horey ugu eedeeyeen iney ka dambeeyaan weerarkan xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Somalia.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment