Sunday, 1 July 2012

Guddomiyaha Guddiga siyaasadda ee Baarlamaanka Puntland oo eedayn kulul u jeediyay C/raxmaan Faroole, kuna baaqay

Guddoomiyaha guddida Siyaasada ee Baarlamaaka Puntland Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa hadal uu shalay ka jeediyay kalfadhiga 28-aad ee Baarlamaanka Puntland waxa uu dhaliilo ugu jeediyay Madxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole oo uu ku eedeeyay inuu ka gaabiyey siyaasadda gudaha oo ah mid mug-weyn.
“Waxay aheyd inay ku dhisnaato dhinac kasta masalaxada guud ee bulshada midnimadeeda, horumarkeeda iyo daryeelkeeda kuwaas oo noqday qaar burburay iyo qaar quus iyo niyad jabab dheliyey, waxay bulshada Puntland ku hungowday in ay hesho Siyaasad ku baarujiyeysa walaalnimadeeda iyo wax wada qabsigeeda isla markaasna u dumaysa isku kalsoonaanteeda umadnimo, maamulka Faroole waxa uu kala dhantaalay waa jibaadkii bulshada, waxna wuu ka qaban waayey, wuxuuna siyaasad xun dhexdhigay hogaan dhaqameedkii oo labo u kala jabay” ayuu yiri  Guddoomiyaha guddida Siyaasada ee Baarlamaaka Puntland.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan waxa uu dhaliilay siyaasadda dowladda KMG oo uu sheegay in Puntland iyo dowladda KMG marka ay isqabtaan inay heshiisyo u tagaan dalka Itoobiya iyo dalal kale, taas oo uu ku tilmaamay siyaasad guran oo aan miradhal aheyn, wuxuuna yiri “Waxaa magacii iyo miisaankii Puntland shiiqiyey heshiisyada ay dowladda KMG la gasho Puntland oo aan marka hore go’aan loo dhanyahay laga qaadan, taas waxaa laga dhaxlay is qabqabsi joogto ah iyo siyaasadeenii oo hooska labadiisa gelin noqotay, waxaa si indho la’aan ah afka looga galay kulankii Ingiriisku caalamka London ugu qabtay oo dulucdiisu ahayd in Somaliland mowqifkeeda aduunka hor dhigto halka Soomaaliya iyo Somaliland la isku barbar dhiga”.
Sidoo kale xildhibaanku waxa uu ku dhaliilay maamulka Faroole inuu heshiisyo iskala galo shirkado iyo dowlado kale iyadoo aan Baarlamaanka ka warqabin, sidoo kalena waxaa kulamo joogto ah lala yeeshaa wafuuda ka timamada caalamka iyadoo aan Baarlamaanka waxba laga socodsiin waxyaabaha laga-wadahadlay, wuxuuna ku dhaliilay Xukuumadda Faroole inay wax ka qabanweyday hay’adaha ajnabiga ah ee Puntland yimaada, kuwaas oo gobolo kale ka soo qorta dadka u shaqeeya, iyadoo ay Puntland joogaan dad aqoon leh, isla markaasna ka bixi kara howsha.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment