Wednesday, 2 May 2012

Madaxweynaha Somalia oo maanta masuul cusub u magacaabay raisul wasaare ku xigeen cusub, ahna wasiirka beerah

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia, Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku magacaabay xilka ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiirka wasaaradda beeraha, xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.
Madaxweynaha ayaa wareegtada ku sheegay in Xuseen Max’uud Shiikh Xuseen loo magacaabay inuu noqdo, ra’isul wasaare ku-xigeenka cusub ahna wasiirka wasaaradda beeraha, xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.
Wareegtadan ayaa waxaa lagu xusay in magacaabistan uu madaxweynuhu u cuskaday qodobbo ka mid ah axdiga KMG ah ka dib markii uu arkay baahida loo qabo buuxinta jagadan banaan.
“Magacaabistan waxay dhaqan galeysaa marka uu madaxweynuhu saxiixo lagana sii daayo faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyada” ayaa lagu soo gebagebeeyey hadalka ku qornaa wareegtadan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia, Shiikh Shariif Sheekh Axmed.
Maxamed Maxamud Xaaji Ibraahim Ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore ahna wasiirkii beeraha ayaa xilkan maanta la buuxiyey laga qaaday 29-kii bishii tagtay ee Maarso, ka dib markii lagu eedeeyey xil gudasho la’aan inkastoo masuulkaas uu beeniiyey arintaas kuna tilmaamay xilka laga qaaday iney ka dambeeyaan arimo siyaasadeed

Waxaa lagasoo xirtay garable.com

Xeer ilaaliyeyaal Maraykanka ah oo u ololeynaya in la toogto burcad badeed Somali ah

Xeer ilaaliyeyaashaani Maraykanka ah ee u ololeynaya in Xukun dil ah lagu filiyo Muwaadiniin u dhashay dalka Soomaaliya oo loo haysto falal la xiriira burcad badeednimo ayaa lagu eedaynayaan inay afduubteen Maraakiib ganacsi oo marayay Xeebaha Sanaddii lasoo dhaafay.
Muwaadiniintaani Soomaaliga ah oo lagu kala magacaabo Axmed Muuse iyo Abuu-bakar ayaa la sheegay in loo haysto inay ka dambeeyeen weerar dhowr ah oo lagu qaaday Maraakiib mareysay Xeebaha Soomaaliya iyo afduubka Markab ay saarnaayeen Muwaadiniin Maraykanka ah kaasi oo ay si xoog ah kusoo furtaan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka.
Howlgalka lagu soo furtay Muwaadiniinta Maraykanka ah ayaa waxaa ku dhintay afar Muwaadin oo u dhalatay dalka Maraykanka, iyadoo Ciidamada Maraykanka ay gacanta kusoo dhigeen xilligaasi raggaani iminka la qorsheynayo in lagu xukumo dil doogasho ah.
Xeer ilaaliyeyaasha Maraykanka ayaa Muujiyay sida ay ugu go’an tahay in dil toogasho ah lagu fuliyo burcad badeedaani Soomalida ah, iyagoo sheegay inay dil u gaysteen Muwaadiniin Maraykanka ah.
Sanaddii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay afduubteen Marakab ay saarnaayeen Muwaadiniin Maraykanka, iyadoo is rasaaseyn dhexmartay Ciidamo kale oo Maraykan ah ay ku dhinteen 4-Muwaadin oo Maraykanka ah, halka Ciidamada ay gacanta ku dhigeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

muxudin diini fiidow

Galmudug oo si cad ugu horimaaday ansixinta Dastsuurka qabyo qoraalka

Maamulka Galmudug ayaa maanta waxa ay si cad u sheegeen inay kaasoo horjeedaan ansixin Qabyo qoraalka Dastuurka.
Kaddib kullan maanta ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen Dastuurka uu muranka ka taagan yahay ee loo sameynayo dalka Soomaaliya, waxaana Mas’uuliyiinta Galmudug ay si cad u sheegeen inay jiraan qodobo dhowr oo ku jira Dastuurka oo si toos ah ugu hor imaanaya Diinta Islaamka.
Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Maamulka Galmudug Xasan Faarax oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay jiraan qodobo ilaa iyo iminka aan la kala cadeynin, isagoo xusay in Dastuurka ay ku jiraan qodobo ay ka hor imaanay Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaani kasoo yeeray Maamulka Galmudug ayaa waxa uu imaanaya xilli muddooyinkii dambe ay jireen, siyaasiin, aqoonyahanno, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo si cad u sheegay in Dastuurka ay ku jiraan qodobo ka horimaanaya Diinta islaamka islamarkaana aan la ansixin karin

muxudin diini fiidow

Taliye cusub oo Maanta si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada Midowga Afrika ee (AMISOM) Soomaaliya ku sugan


Taliye cusub oo lagu magacaabo, Jen. Andrew Gutti ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugna Soomaaliya, kaddib xaflad xilka lagu kala wareegsanayay oo maanta ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane.
Jen. Fred Mugisha oo ahaa taliyaha ciidamada AMISOM ayaa xilka ku wareejiyay taliyaha cusub, waxaana munaasabadda xil wareejinta goobjoog ka ahaa ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Abuubakar Diarra iyo xiriiriyaha arrimaha dalka Soomaaliya ee Midowag Afrika, Mr. Sivuyile Bam.
"Gen. Gutti wuxuu hoggaamin doonaa ciidamada AMISOM kuwaasoo ku jira dagaal lagu doonayo in lagu soo celiyo nabad iyo kala dambeyn ay helaan shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri danjire Rodney Kiwa oo munaasabadda ka hadlay.
Danjiruhu wuxuu sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto howgalka ay taageerayso beesha caalamka ee lagu soo celinayo nabadda Soomalaiya, isagoo sheegay inay u muuqato in xilli dhow ay Soomaaliya nabadi kusoo laabanayso.
Taliyaha cusub ee AMISOM oo muddo 26-sano ah ka tirsanaa ciidamada Uganda ayaa wixii maanta ka dambeeya wuxuu howlgelin doonaa ciidammo ka socda dalalka Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Sierra Leone.
Magacaabidda iyo la wareegista taliyaha cusub uu la wareegayo AMISOM ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli 100-askari oo ciidamada Midowga Afrika ka tirsan la geeyay degmada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo noqonaysa meel ka baxsan Muqdisho oo ay AMISOM ka howlgasho tan iyo markii ay uu howlgalkoodu billowday sannadkii 2007.


Muxudin diini fiidow

DAD KALA DIDSAN, DANO SHISHEEYE IYO DAL HODAN AH?

Dadka Bani’aadamka ah ayaa ku kala duwan fikirka, garaadka, aqoonta, farsamada, hanka iyo hal abuurnimada iyo caqliga waa sida uu Eebe u abuuraye, balse waxyaabaha dunida iyo quburada cilmiyada Bulshada {Sociology} iyo cilmi Nafsiga Bulshada {Social Psycholgy} wax ka dhigta ay la yaabeen sida wanaagsan ee ay u qeexi waayeen ayaa ah kala duwanaanta iyo kala qoqobnaanta kikirka iyo ficilka Bulshada Soomaaliyeed oo waxaad maqleeysaa in reer walba uu tuulo, degmo ama gobol ay dad yar oo hal milyan aysan ku nooleyn u sameeyay Maamul oo leh waxaynu nahay reer hebel State iyo magacyo kale oo fara badan oo aysan mudneyn in la xusaa, balse waxaa muhiim ah in la fahmo in qabaa’ilku yahay laan ka mid laamaha Qaranka.
Qaar maskaxdoodu, aqoontoodu iyo fikradoodu yar yahay baa aaminay in gobalka ama xaafad yar ama Sedex gobal inay noqon karaan maamul jira oo shaqeeya sidii dowlad, iyadoo aysan kaafin karin waxyaabahii yaryaraa ee dowlad qarani ay qaban laheyd sida adeegyada Waxbarasho, Caafimaad iyo Dhowridda amniga iyo xuquuqda dadka, waxaa muhiim ah in fikradaha la mideeyo oo dhalinyarada iyo dadka laga dhaadhiciyo midnimada muhiimadeeda, faa’iidooyinkeeda iyo wixii la mid ah, sidoo kale in Caruurta lagu barbaariyo labo qodob oo mihiim u ah inay fahmaan kuna barbaaraan, kuwaas oo kala ah:-
  1. In dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad wada dhashay oo walaalo ah oo aan cadow isku aheyn, lana daboolo wixii ka dhexdhacay oo dhan oo dhib ahaa, marka haddii ubadka sidaas wax loo fahamsiiyo uuna ku barbaaro in la jecleeysiiyo dadkiisa waxaa meeshaa ka dhalaneysa muddo ka dib inay soo baxaan dhalinyaro mid ah oo walaalo ah.
  2. In dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin cadow soo jireen ah sida Itoobiya oo danteedu tahay sidii Soomaali loo cirib tiri lahaa ama hoos loogu dhigi lahaa, waa muhiim in ubadka ama dhalinta la fahamsiiyo, laguna barbaariyo lana baro taariikhdooda soo jireenka ah.
Dalal Soomaaliya ka weyn oo kana dad badan sida Hindiya, Shiinaha iyo kuwo kale oo dadkoodu ay kala diin, madhabyo, dhaqan, luqado iyo midabo duwanyihiin ayaa mid ah oo raba in dhaqaalaha adduunyada ay hogaamiyaan 40-ka sano ee soo socota ka dib, waxaana u sabab ah midnimo iyo isku duubni, balse waa fajac iyo anfariir in dadka Soomaaliyeed ay tobanba dhinac u jeesato oo ay tiraahdo waxaynu nahay fulaan State iyo wax la mid ah, dadka dadka gumeysta waxay adeegsadaan fikarada ah {Divide and Rule} oo micnaheedu yahay qeybi oo xukun, waana tan maanta dadka Soomaaliyeed heystaa, halka Adduunyadu ay ka shaqeeynayso inay midoowdo si mid ahna isku kaashato tusaale Yurub waxaa ka jira midow ganacsi {Business Block} iyo mid midoow siyaasadeed oo waxay si isku mid ah ula dagaalamaan musuqmaasuqa, sido kale waxay si isku mid ah ay wax uga qabtaan jahwareerka dhaqaale ee ka dhex dhaca dhexdooda sida wax ka qabashada dhaqaale burburka ku socda wadama la isku dhaho { PIGS} oo kala ah Portugal, Italy, Greece iyo Spain, wadamadan ayaana raba inay badbaadiyaan midowga wadamada kale ee reer Yurub.
Hadaba sidee looga bixi karaa kala didsanaanta Soomaali ka dhex jirta, looguna gudbi karaa Midnimo iyo guul in la gaaro?:- Fikir kala duwanaanshaha waa wax weligeedba soo jiray oo ilaa xilligii Nabi Maxamed {NNKH} waxaa jirtay inay isku qabsan jireen Muhaajiriin iyo Ansaar fikrado kala duwan, waxaana marwalba la hadli jiray oo isku keeni jiray Nabi Maxamed {NNKH}, meeshaas waxaan ka aqrisan karnaa in isku imaashaha, midnimada iyo walaaltinimada inay muhiim tahay, waayo Nabi Maxamed oo aynu ku dayano ayaa sidaas yeeli jiray, sidoo kale mideynta ummad iyo dal ma aha wax sahlan oo waxay u baahantahay inay dad badan u istaagaan sida aqoonyahano, suugaanyahano, siyaasiyiin, culumo, dhalinyarro iyo wixii la mid ah, waxaana loo baahanyahay in aqoonyahanku noqdaa mid qibraddiisa iyo aqoontiisa uu la kaashado sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa ummada, suugaanyahankana sidoo kale waa inuu suugaanta noocyadeeda kala duwan u adeegsadaa sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa bulshada, siyaasiga isna waxaa laga doonayaa inuu noqdo mid dantiisa ay tahay mideynta, isku soo dhaweynta iyo isku duubidda Ummadda uu matelo, Culumadana dantoodu waa inay noqoto ka shaqeynta iyo faridda waxyaabaha fiican ee Ummadda iyo ka reebidda waxyaabaha xun, sidoo kale dhalinyarada doorkoodu waa inay ka shaqeeyaan midnimada, isjecleysiinta iyo isku duubidda dadka iyo dalka, haddii intaas oo mid ah la helo umadi waa liibaantaa sidii uu Allaah ka rabayna waa noqotaa.
Dano shisheeye iyo dani waa seeto:- Dal dadkiisu ay kala didsanyihiin oo aysan is rabin ayaan waxaanan shaki ku jirin in il xun lagu soo fiirinayo oo dano hagardaameed laga yeelanayo haddii ay noqon laheyd in la gumeysto sidii cadeed ee dalkeena iyo dalal badanba ka dhacday oo adduunyada ku yaala ama si dadban oo maanta dalal badan oo aynu ka mid nahay ay ku jiraan gumeysi dadbadan, danaha shisheeye waa faro badan yihiin, waana isdulsaaranyihiin balse waxaan u kala qaadi karnaa sedex koox oo kala ah Reer galbeedka, Yurub iyo Mareykanka.
Dowladaha reer galbeedka ayaa weligoodba waxaa lagu yaqiinay xaqiraad, gardaro, xaasidnimo, iyo in cagta hoosteeda lagu hayo dadka madowga iyo kuwa Islaamka ah oo waxaa marqaati ka ah gumeysigii ka dhacay qaaradda Afrika iyo dalal kale oo adduunyada ku yaala, gaar ahaan Soomaaliya waxay ka geysteen oo duleyn dad iyo dal ahaa weli kama go’in maskaxda dadka Soomaalida ah oo illaa maanta waxaad maqleysaa koonfurta waxaa gumeystay Talyaani halka Waqooyina Ingariis uu gumeystay, waxaase xusid mudan in Soomaalida ay dhaqan u leeyihiin in la noco gumeystaha midabka uu doono ha lahaadee, balse reer galbeedka iyo Mareykan dantoodu waxaa la dhihi karaa inaysan ka duwaneyn tii dadka Soomaliyeed ay ka xuroobeen sanadkii 1960-kii, waxaanse soconeyn qarnigan gumeysi iyo soo fariiso aan kuu yeeriyee, waxaase danahooda lagu soo gabagabeyn karaa kalmadda dhaheysa adiga ayaa guuldareystay anigaase guuleystay.
Dowladaha Islaamka:- Danaha dowlaha Islaamka sida Turkiga, Sacuudiga, Qadar, Kuwait ayaa waxaa la dhihi karaa waa kuwo bilow wanaagsan leh oo saaxiibtinimo, iskaashi iyo walaaltinimo islaam ku soo biyo shubanaya, balse waxaa loo baahanyahay dowlad qorsheysan oo u diyaarsan sidii dalalkaa gacanta inoo fidiyey sida Turkiga loola shaqeysan lahaa oo looga faa’ideysan lahaa, sidoo kalena loogala kaashan lahaa horumarka dalka iyo dadka danihii ay doonaan ha wateene.
Dowladaha deriska ah sida Itoobiya, Kenya, Yugandha iyo Burundi:- Itoobiya waxay goobjoog ka aheyd shirkii Berlin ee dalka Soomaaliya lagu qeybsanayey, waxaase la wada ogsoonyahay inay cadow soo jireen ah oo Soomaaliya dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi karin u geysatay ay tahay illaa iyo maanta ay dalka si sharci darro iyo xoog ah ugu jirto, gaar ahaan magaalooyinka B/weyne iyo Baydhabo, waxaase murugo ah dadkeena oo aanan garaneyn taariikhdooda iyo danaha ay shisheeyuhu ka leeyihiin.
Kenya ayaa sanadkii tagay markii ugu horeysay dalka Soomaaliya si sharci darro ah ku soo gashay, iyadoo ku eersheeganaysa baacsashada Xarakada Al-shabaab, balse khasaare ba’an u geysatay dadka Soomaaliyeed ee degan xadka iyo Jubbooyinka, waxaana la dhihi karaa Kenya danaha ay Soomaaliya u soo gashay waa badda Soomaaliya ee shidaalka leh.
Adduunyadu waxaa ciidamo nabad sugid ah la geeyay dalal badan oo adduunyda ku yaala sida Congo, Angola, Namibia, Sierra leone, Iran Iraq, Bosnia iyo Herzegovina, Kashmir iyo meelo kale oo farabadan balse waxaa jira su’aalo farabadan oo u baahan in laga jawaabo oo ay ka mid yihiin: ciidamada AMISOM ma yihiin kuwo dalka nabaddiisa si habsami leh u sugi kara?, Yaa loo raacanayaa dhibaatadii ay geysteen?, Ma waxay yihiin kuwo saaxiibo ah oo dalka iyo dadka inta ay mideeyaan misana nabadeeyaan ka tagi doona?, Mise waa dowladd dhabta ah ee dalka ka talisa Soomaaliya?, Dantoodu maxay tahay?, Guntii waxaa jiro dano gaar ah oo ay leeyihiin balse la arki doonee meesha ay ku dambeyn doonaan AMISOM iyo arrinkeeda?.
Dal hodan ah:- Shaki kuma jiro, caadna inagama saarno cid ka war la’na ma jirto in dalkeenu yahay dal hodan ah, Eebana ku maneystay Webiyo, Bad baaxad weyn leh, dalaga noocyadiisa kala duwani ay ka baxaan oo sidoo kale uu yahay dal Petrol, Macdan iyo Gaasba leh, balse waxaa su’aal ka taagantahay sidii lagu hanan lahaa oo si qurux badan loogu noolaan lahaa?.
Gabogabo:- Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadan inay muhiim tahay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda ah, yeelashada hogaan dhab ah oo xalaal ah oo cadowga iyo danahooda guracan og iyo ka faa’ideysashada dalkan hodanka ah ee uu cdowga Soomaaliyeed u soo biro tumanaya, lagana xoreeyo cid kasta oo cadow ku ah hormarka dalka Soomaaliya.
Muxidin diini fiidow

Kulan lagu dalbanayey in dib loo dhigo ansixinta dastuurka oo ka dhacay magaalada

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo qeybaha kala duwa ee bulshada Soomaaliyeed loogana hadlayey arrimaha dastuurka ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo Xukuumadda looga dalbaday inay dib u dhigto ansixinta dastuurka.
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay wasiiro dowlaha arrimaha Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale oo sheegay in daastuurka ay iska leeyihiin dadka Soomaaliyeed, isla markaasna aan la ansixin doonin iyadoo ay dadka Soomaaliyeed raali aheyd, wuxuuna wasiiru dowladaha intaasi ku daray in iyada oo aan dastuurka la soo marin hay’adda Culimada Soomaaliyeed aan la ansixin doonin wax kasta oo dhaca.
“Waan la soconaa in buuq iyo qeylo faraban uu ka jiro ansixinta dastuurka, waxaan idiin sheegayaa in dastuurka aan la ansixin doonin iyada oo aan la marsiin hay’adda Culimada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa idiin sheegayaa inaan lagu degdegi doonin ansixinta dastuurka sida aad haddaba soo jeediseen, annaga sidii uu dastuurka ay dadka Soomaaliyeed u wada arki lahaayee ayaan waxaan u tagnay gobolo badan, dastuurkana waa wax ka dhaxeeya Ummadda Soomaaliyeed, yaan la is oran cid gooni ah ayaa wadata sida ay dadka qaarkiisba qabaan” ayuu yii wasiiro dowlaha arrimaha Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale.
Ugu dambeyntii waxaa kulanka ka hadlay Siyaasiga ahna Aqoonyahan Soomaaliyeed Siciid Siyaas Shirwac oo ka mid ahaa qabanqaabiyaashii kulanka ayaa sheegay in Xukuumadda KMG Soomaaliya looga baahanyahay inaysan ku degdegin ansixinta dastuurka, maadaama uu buuq farabada dhaliyey, isagoo sheegay in iyagu aysan dastuurka ka soo horjeedin, balse loo baahanyahay in la tashiyo badan laga sameeyo arrimaha dastuurka ka hor inta aan la ansixin.
“Ansixinta dastuurka ayaan lagu degdegin, waxaana loo baahanyahay in loo bandhigi Aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, dadka ma diidana dastuurka ee waxay diidanyihiin qodobada ku jia qaarkood, sidaas darteed anigu waxaan ku talin lahaa in Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta loo soo badhigo, isla markaasna ka fiirsasho badan la sameeyo” ayuu yiri Siciid Siyaas Shirwac oo intaasi ku daray in kulanka ay yeesheen uu yahay oo keliya mid wax lagu saxayo, balse uusan aheyn mid wax sii duminaya.

Muhudin diini fiidow