Wednesday, 25 July 2012

madaxwene shariif Alle Ha u Nariisto Cid Kasta oo Dulmi Lagu Dilay iyo Cid Kasta oo Difaacaysay Qaranimada Soomaaliya

Xilli ay si toos ah u socdaan khudbaha laga jeedinaayo shirweynaha ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa iminka si toos ah u socota khudbadda Madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa khudbadiisa mahadcelin iyo salaan kadib waxa Alle naxariis uga baryey dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee geeriyooday intii dalku bur burka iyo Dowlad la’aanta ahaa.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha fadhiyey hoolka shirka waxa uu ka codsaday in ay istaagaan kadibna waxa uu u duceeyey dhamaan dadkii geeriyooday.

“Illaahow u Naxariisto cid kasta oo u dhimatay ilaalinta Qaranimada Soomaaliya, Illaahow u naxariisto cid kasta oo dulmi lagu dilay”, ayuu ku cel celiyey Madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha waxaa hadalka uga horeeyey masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin Raysal wasaare Gaas iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan oo iyaguna ka hadlay muhiimadda ay leedahay ansixinta dastuurka cusub.

Shirku waa socda waxaana si toos ah u socda khudbaha shirka kala soco wixii soo kordha garable.com

muxudin diini fiidow

Ciidamada sirdoonka ingiriiska oo lagu arkay Degmada afgooye iyo saldhig ay ka dhigteen Beerta


Ciidamada Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa la sheegay in lagu arkay Degmada afgooye ee Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay wataan gaadiidka ay wataan Ciidamada ingiriiska.
Wararka ayaa sheegaya in ay Ciidamadan xarun ka samaysteen Degmada afgooye gaar ahaan Beerta sheikh Zaaid waxaana la sheegay in ay ku Hubeysanyihiin Hubka Nuucyadiisa kala Duwan.

Sirdoonka dalka ingiriiska faransiiska iyo Maraykanka ayaa xarumo milatari ku leh Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ahaa qarsoodi, halka ay soo shaac baxeen maalmihii la soo dhaafay oo Ciidamada lagu arkay Muqdisho iyo Duleedkeeda

garable.com
muxudin diini fiidow

QM Hawada Soomaaliya amaan ma,ahay leeskuma haleey karo


Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha laheyn ee dul hee haaba hawada dalka Soomaaliya ay qatar ka dhigeen in la maro hawada Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa tibaaxday in diyaaradaha Maraykanka ee Darooniska ee dul wareegaya Hawada Soomaaliya ay qal qal ku rideen diyaaradaha kale ee isticmaala Hawada Soomaaliya, taasi oo ka dhigaysa in Hawada Soomaaliya aysan aheyn mid ammaan ah.
Warka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay aysan cambaareynin howlgalka uu wado Maraykanku ee lagu baacsanayo Kooxda Al Shabaab, hase ahaatee u jeedadu ay tahay in la bad baadiyo dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay wareegayaan Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanka islamarkaana aysan saameyn ku yeellan diyaaradahaasi kuwa rayidka ah ee isticmaala hawada Soomaaliya
Jicmiyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa sheegaysa in howlgallada ay wadaan diyaaradahaasi ay ku dhinteen dad rayid ah kadib markii ay si qaldan u garaaceen goobo aysan ku sugnayn xilligaasi Al Shabaab, hase ahaatee Maraykanka looga baahan yahay in xilliyada uu weerarada qaado uu muujiyo feejignaan dheeri ah.

Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in howlgalka uu wado Maraykanka inta badan ay bilowdeen sanadda 2009-kii xilligaasi oo ay soo shaac baxeen awoodda kooxda AL Shabaab iyo waliba kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo la sheegay inay dhibaato ku yihiin ammaanka Xeebaha Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow