Wednesday, 25 July 2012

QM Hawada Soomaaliya amaan ma,ahay leeskuma haleey karo


Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha laheyn ee dul hee haaba hawada dalka Soomaaliya ay qatar ka dhigeen in la maro hawada Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa tibaaxday in diyaaradaha Maraykanka ee Darooniska ee dul wareegaya Hawada Soomaaliya ay qal qal ku rideen diyaaradaha kale ee isticmaala Hawada Soomaaliya, taasi oo ka dhigaysa in Hawada Soomaaliya aysan aheyn mid ammaan ah.
Warka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay aysan cambaareynin howlgalka uu wado Maraykanku ee lagu baacsanayo Kooxda Al Shabaab, hase ahaatee u jeedadu ay tahay in la bad baadiyo dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay wareegayaan Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanka islamarkaana aysan saameyn ku yeellan diyaaradahaasi kuwa rayidka ah ee isticmaala hawada Soomaaliya
Jicmiyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa sheegaysa in howlgallada ay wadaan diyaaradahaasi ay ku dhinteen dad rayid ah kadib markii ay si qaldan u garaaceen goobo aysan ku sugnayn xilligaasi Al Shabaab, hase ahaatee Maraykanka looga baahan yahay in xilliyada uu weerarada qaado uu muujiyo feejignaan dheeri ah.

Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in howlgalka uu wado Maraykanka inta badan ay bilowdeen sanadda 2009-kii xilligaasi oo ay soo shaac baxeen awoodda kooxda AL Shabaab iyo waliba kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo la sheegay inay dhibaato ku yihiin ammaanka Xeebaha Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment