Tuesday, 24 July 2012

ciidamada doolada oo muqdisho lugu arkay diidamo gaarayo 2500 oo adkeenayo amaanka shirka

Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ayaa faah faahin ka bixsay ammaanka caasimada Muqdisho, iyadoo lagu wado in maalinta berri uu ka furmo shirka Ansixinta Dastuurka, kaasoo ay ka qeyb galayaan ilaa 825-ergo.

Wasiiru dowlaha Amniga Dr. Cabdi Cali Xasan ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay, ciidamada ammaankana ay ka feejigan yihiin qatarta qaraxyo iyo weerarada ay maleegaan Al-Shabaab.

“Ammaanka aad buu u wanaagsan yahay, waxaa la socotiin in qaraxyadu ay yaraadeen, taas waxay ku timid feejignaanta Ciidamada ammaanka”ayuu yiri Wasiiru dowlaha amniga oo intaa ku daray inay ka war qabaan abaabulka Al-Shabaab ee qaraxyada.

Waxaa uu sheegay in ilaa 1500 ciidan oo ammaanka ka shaqeynaya lagu daadiyay Caasimada Muqdisho, si ay u sugaan ammaanka sida uu yiri.

Hey’adda Nabada Sugida qaranka ayaa dhowaan sheegtay in ciidamo ka qeyb qaata sugida ammaanka oo isugu jira kuwo qarsoon iyo ciidamo gaar ah ay ka howl galayaan magaalada Muqdisho, si loo adkeeyo ammaanka shirka ansixinta dastuurka

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment