Thursday, 19 July 2012

Diyaar garow loogu jiro soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo laga dareemayo magaalada Muqdisho

Shacabka magaalada Muqdisho oo ka mid ah shacabka muslimiinta ah ee caalamka ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu wado iney bilato saacadaha iyo maalmaha oo socda.

Hadal heynta dadka ayaa waxaa ugu badan bisha Ramadaan iyo xiliga ay bilaabaneyso, waxaana suuqyada magaalada laga dareemayaa mashquul aad u fara badan ka dib markii ay ku soo bateen dadka dukaameysanaya si ay ugu diyaar garoobaan bisha fadliga iyo qeyrka badan ee Ramadaan.

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee dadku ay iibsanayaan ay ka mid yihiin cuntooyinka daruuriga ah sida bariiska, baastada, burka iyo Saliida, sidoo waxaa aad loo iibsanayaa timirta, cabitaanada iyo waxyaabaha kale ee qasacadeysan oo dad badan xiliga ramadaanku ay isticmaalaan.

Dhinaca kale, waxaa jira dad tabaaleysan oo iney wax iibsadaan iska daaye aan ka war heynin in bisha Ramadaan ay soo fool leedahay, duruufaha nololeed ee ay ku jiraan oo aad u adag awgeed, waxaana dadkaas intooda badan ay ku nool yihiin xeryaha barakac oo ku Muqdisho ku yaala, iyadoo dadkaas ay la tacaalaan nolol maalmeedkooda, mararka qaarkoodna waxay isla waayaan afka iyo gacanta.

Meelaha kale ee diyaar garowga bisha barakeysan ee Ramadaan laga dareemayo ayaa waxaa ka mid ah masaajidada ku yaala magaalada Muqdisho oo sanad walba marka xiligan oo kale la soo gaaro lagu sameeyo dayactir, lan mariyo rinji midabo kala duwan leh oo lagu qurxinayo.

Shirkadaha xawaaladaha ayaa ka mid ah meelaha sanad walba xiligan oo kale mashquulka ugu badan uu ka jiro, waxaana marka aad tagto xarumahooda lagu arkayaa dad raxan raxan ah oo safaf ugu jira lacago dad kale oo eheladooda ay uga soo direen daafaaha caalamka, kuwaasoo iyana marka bisha Ramadaan la gaaro lacago u soo dira dad kale oo aysan bilaha kale lacago u diri jirin si ay uga faaiideystaan ajirka iyo fadliga bishaas ay leedahay.

garable.com
muxudin diini fiidow

Midowga Afrika oo madaxda dowlada Somalia ka difaacay eedeeymaha guddiga Q/Midoobay ee Monitoring Gruop


Ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Wafula Wamuniyiyi oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay eedeeymaha guddiga kormeerka QM u qaabilsan xayiraada Somalia ay u jeediyeen madaxda DKMG Somalia oo aheyd iney lunsadeen lacag malaayiin dollar gaareysa oo loogu deeqay dowlada.

Wafulla Wamuniyiyi ayaa beeniyey eedeeymahaas, isagoo xusay inaaney jirin lacag ay lunsadeen madaxda dowlada Somalia, wuxuuna xusay in warbixinta guddiga QM uu arintaas ka diyaariyey ay tahay mid si weyn looga badbadiyey.

“Waa wax kama jiraan eedeeymaha guddiga QM ay u soo jeediyeen madaxda sare ee dowlada, mana jiraan lacago ay lunsdadeen warbixintana waa mid ka badbadis ah oo xaqiiqada ka fog, dowlada KMG ah ma laha heyaddo dhaqaale oo qaabilsan maamulka lacagaha xisaabtanka noocaas ahna waxaa uu iman karaa marka heyadaha noocaas ah ay jiraan” ayuu yiri Wafula Wamunyiyi.

Ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Wafula Wamuniyiyi ayaa sheegay in guddiga eedeeymahan u soo jeediyey madaxda dowlada uusan heynin wax cadeyn ah oo ku saabsan arrimaha warbixinta ku xusan.

Guddiga kormeerka QM u qaabilsan xayiraada Somalia ayaa u jeediyey madaxda DKMG Somalia eedeeymo sheegaya iney lunsadeen lacag malaayiin dollar gaareysa oo loogu deeqay dowlada, waxaana eedeeymahaas beeniyey qaar ka mid ah madaxda dowlada, iyadoo wakiilka QM ee Somalia uu sheegay inaan loo baahneyn beenin kaliya balse madaxda dowlada looga baahan yahay iney soo bandhigaan cadeymo ay isku difaacayaan.

garable.com
muxudin diini fiidow

Hogaamiyaha jabhadda SSC oo safar kedis ah ah ku tagay magaalada Garoowe ka dib markii


Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in hogaamiyihii Jabhadda SSC Saleebaan Ciise Axmed {Xagle-toosiye} oo dhowr todobaad ka hor la heshiiyey Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Mr. Xagle toosiye ayaa maalmahan ku sugnaa magaaladaGalkacyo, isagoo ka yimid magaalada Dubai oo u joogay in muddo ah, isla markaana kula kulmay Axmed Siilaanyo iyagoo ku heshiiyey inay wada tagaan magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in hadda uu ku suganyahay magaalada Garoowe ee maamulka Putland, waxaana loo maleynaa inuu halkaasi heshiis kula galo Madaxweynaha maamulka Puntland.

Warar hoose ayaa sheegaya in Saleebaan Xagle-toosiye uu ku biirayo maamulka Puntland, taas oo meesha ka saareysa heshiiskii uu horay ula gaaray Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Tagitaanka Xagle-toosiye ee magaalada Garoowe ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen siyaasiyiin ku sugan magaalada Dubai oo u dhashay deegaanada Puntland, kuwaas oo sida la sheegay u kala dab-qaaday Madaxweynaha Puntland oo markii dambana ka codsaday inuu yimaado magaalada Garoowe oo uu ugu dambeyntii gaaray todobaadkan gudahiisa, waxaana lagu sheegayaa Xagla-toosiye inuu yahay nin isbebedel badan oo aan hal mowqif laheyn.

garable.com
muxudin diini fiidow

Madaxweyne Shariif oo ka digay in dalka dib loogu celiyo burbur


Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in dalka dib loogu celiyo burbur isagoo ugu baaqay shacabka in ay xajistaan dowladnimada.

Sh. Shariif Sh. Axmed madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo shalay khudbad u jeediyay boqollaal dadweyne taageerayaashiisa ah oo isugu yimid munaasabad ay madaxweynaha ku dhiiri galinayeen inuu dib isku soo sharaxo ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siyaasadda, caddaaladda iyo arimo kale.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa tilmaamay inaan dowladnimo la heli karin haddii aysan jirin caddaalad iyo garsoor waxa uuna intaa ku daray inay qorsheynayaan inay hir galiyaan laamaha caddaaladda iyo garsoorka si looga gudbo xadgudubka iyo caddaalad darrada loona helo dowlad si shar ci ah u maamusho shacabkeeda.

dhinaca kale madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo madaxda Qaranka inay si mideeysan uga shaqeeyaan dowladnimada si dalka uu u helo qaranimo buuxda isagoo farta ku fiiqay mudane Shariif in shacabkan mudada dhibaatada ku jiray ay u baahanyihiin hoggaan wanaagsan oo caadil ah.

dowladda uu hoggaamiyo Sh. Shariif ayaa muddadi ay jirtay ku guuleysatay in ay wax badan ka bedesho xaaladaha amniga, nolosha iyo siyaasadda waxaana ay iminka dowladdu dadaal ugu jirtaa in la helo caddaalad iyo garsoor shaqeeya sida uu sheegay Madaxweynaha dalka taas muhiim ah shacabka Soomaaliyeed

garable.com
muxudin diini fiidow

Kulan looga hadlayay adkeynta ammaanka caasimadda oo xalay lagu qabtay Muqdisho


Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho oo ay ka qeybgaleen wasiirrada Gaashaandhigga, arimaha gudaha, guddoomiyaha gobolka iyo saraakiil ka tirsan hey’adaha ammaanka ayaa xalay fiidkii lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa looga hadlay sidii ay laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka iskaga kaashan lahaayeen Amaanka degmooyinka gobolka banaadir, iyadoo kulankaasina ay goob joog ka ahaayeen R/ wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga mudane Xusseen Carab Ciise, wasiirka arrimaha gudaha iyo amaniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud, taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini taliyaha ciidamada booliska Shariif Shiiqunaa Maye, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo guddoomiyasha degmooyinka

Muddadii uu socday kulankasi ayaa diirradda lagu saaray sidii la iskaga kaashan lahaa sugidda ammaanka Muqdisho iyo sidii ay wadashaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen maamulka degmooyinka iyo hey’adaha qaabilsan Ammaanka, waxaana halkaasi la isku weydaartay fikrado ku aadan sidi looga wada shaqeyn lahaa ammaanka.

Gebagebadii kulanka ayaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay kulanka waxa ay kala qaateen awaamiir ku saabsan qaabka ugu haboon ee looga wada shaqeyn lahaa ammaanka, wuxuna kulankani qeyb ka yahay qorshaha ay dowladdu ku dardar gelineyso adkeynta ammaanka caasimadda Muqdisho.

garable.com
muxudin diini fiidow

Faahfaahin kasoo baxeysa caruur ku geeriyootay qarax ka dhacay magaalada Baydhabo


Qaraxa oo ahaa waxyaabaha qarxa oo looga tagay agagaarka hoyga Magaalada Baydhabo ay ka dagan yihiin qoyska Cali Cabdalla Mursal ayaa waxaa qaatay oo ku ciyaarayay caruur uu dhalay Aabe Cali Cabdalla Mursal oo ka koobneed Sagaal Caruura ah.


Caruurta ayaa bilaabay inay garacaan sheyga qarxa oo ay ku ciyaarayeen iyagoona markii dambe uu ku qarxay.

Inta la,ogyahay 7-caruur ah ayaa ku geeriyootay 2-kalena dhaawac daran ayaa kasoo gaaray.

Aabaha dhalay caruurtaasi Cali Cabdalla Mursal oo la hadlay wabarimedia.com ayaa sheegay in caruurtiisa ay meel howd ah oo ku taala banaanka Magaalada Baydhabo ay kasoo heleen walxaha qarxa kadibna ay ku qaraxday dhamaan caruurta uu dhalayna 7-kamid ah ay ku geeriyoodeen halka 2-kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu xusay in goobta ay walxaha qarxay kasoo qaadeen aysan aheyn goob ciidan uu horay u daganayeen isagoona sheegay in caruurtiisa kan ugu weyn uu jiray 12-sano uu ku geeriyooday qaraxaas.

Ugu dambeyn Cali Cabdalla Mursal ayaa xusay in labada caruurta kaga hartay dhaawacooda in uu daran yihiin.

Aabahani ayaa noqonaya mid caruurutiisa ku waayay dhibaatada ka jirta dalka oo ay dagaala ka jiraan Gobolada qaar.

Dalka Soomaaliya kama jirto goob lagu keediyo hubka kaas oo looga ilaalsho dadka aan aqoonta u laheyn waxyeelada uu ugeesan karo shacabka waxaana dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya ay meelaha qaar kaga tagaan waxyaabaha qarxa kuwaas oo naftooda ay ku waayaan dad aan aqoon ulaheyn.

garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidamada Dowlada oo howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay Afgooye


Ciidamada dowlada Soomaaliya oo isugu jira Boolis Miletary iyo Nabadsugid ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaasi lagu baarayay goobo dhowr ah.


Ciidamada waday howlgalka ayaa inta ay kuguda jireen howlgalka waxa ay gacanta kusoo dhigeen shan iyo tobon ruux oo ay kaga shakiyeen in falal ammaanka lidi ku ah ay ka geesan rabeen gudaha Degmada Afgooye islamarkaana ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Xalay xilliga howlgalka uu soo gabagaboobay ayaa warbaahinta Risaala waxaa la hadlay Guddoomiye xigeenka dhanka nabad galyada Gobolka Shabeelaha Hoose Axmed Cumar Mudan oo ka tirsana sarakiisha horkaceysay howlgalkaasi.

Wuxuu sheegay in howlgalka ay ka sameyeen dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye ayna ku xaqiijinayeen ammaanka Degmadaasi.

Axmed Cumar Mudane ayaa xusay in dadka howlgalka lagu soo qabqabtay maxkamada lasoo taagayo islamarkaana cidii ay wax ku cadaadaan sharciga lagu qaadi doono.

Ciidamada dowlada ayaa ka sameeya Degmooyinka ay kaga sugan yihiin shabeelooyinka howlgalo dad ay kusoo qaqabtaan kaasi oo ay sheegaan inay ku xaqiijinayaan ammaanka Degmooyinkaasi iyadoona mararka qaar ay ka dhacaan falal amaandaro.

garable.com
muxudin diini fiidow