Thursday, 19 July 2012

Diyaar garow loogu jiro soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo laga dareemayo magaalada Muqdisho

Shacabka magaalada Muqdisho oo ka mid ah shacabka muslimiinta ah ee caalamka ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu wado iney bilato saacadaha iyo maalmaha oo socda.

Hadal heynta dadka ayaa waxaa ugu badan bisha Ramadaan iyo xiliga ay bilaabaneyso, waxaana suuqyada magaalada laga dareemayaa mashquul aad u fara badan ka dib markii ay ku soo bateen dadka dukaameysanaya si ay ugu diyaar garoobaan bisha fadliga iyo qeyrka badan ee Ramadaan.

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee dadku ay iibsanayaan ay ka mid yihiin cuntooyinka daruuriga ah sida bariiska, baastada, burka iyo Saliida, sidoo waxaa aad loo iibsanayaa timirta, cabitaanada iyo waxyaabaha kale ee qasacadeysan oo dad badan xiliga ramadaanku ay isticmaalaan.

Dhinaca kale, waxaa jira dad tabaaleysan oo iney wax iibsadaan iska daaye aan ka war heynin in bisha Ramadaan ay soo fool leedahay, duruufaha nololeed ee ay ku jiraan oo aad u adag awgeed, waxaana dadkaas intooda badan ay ku nool yihiin xeryaha barakac oo ku Muqdisho ku yaala, iyadoo dadkaas ay la tacaalaan nolol maalmeedkooda, mararka qaarkoodna waxay isla waayaan afka iyo gacanta.

Meelaha kale ee diyaar garowga bisha barakeysan ee Ramadaan laga dareemayo ayaa waxaa ka mid ah masaajidada ku yaala magaalada Muqdisho oo sanad walba marka xiligan oo kale la soo gaaro lagu sameeyo dayactir, lan mariyo rinji midabo kala duwan leh oo lagu qurxinayo.

Shirkadaha xawaaladaha ayaa ka mid ah meelaha sanad walba xiligan oo kale mashquulka ugu badan uu ka jiro, waxaana marka aad tagto xarumahooda lagu arkayaa dad raxan raxan ah oo safaf ugu jira lacago dad kale oo eheladooda ay uga soo direen daafaaha caalamka, kuwaasoo iyana marka bisha Ramadaan la gaaro lacago u soo dira dad kale oo aysan bilaha kale lacago u diri jirin si ay uga faaiideystaan ajirka iyo fadliga bishaas ay leedahay.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment