Saturday, 12 May 2012

waxaa maanta oo sabdi ah shir kadhici doonaalondon xaafada willesden green station

shirkaan waxoo bilaawan doonaa 14 00 duhurnimo waana shir muhiim ah waxaana jaaliyada duduble ee uk london in ee kasoo qeeb galaan waxgaradka. culumada, dhalin yarada, iyo gabdhaha duduble weene in ee kasoo qeeb galaan waxi faafaahin ah waxaa kaheli kartiin jaamac qatal tel,,0753538316

garable.com

Saraakiisha ciidamada DMKG Somalia ee gobolada Juboyinka oo sheegay iney qabtaan sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ajnabi ah

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada KMG Somalia ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen shalay oo Jimce aheyd sarkaal sare oo ka tirsan ajaaniibta ka barbar dagalaama Xarakada Al-shabaab, haatana ay ku wadaan baaritaano kala duwan.
G/lle dhexe Maxamed Cali Cismaan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DKMG Somalia ee gobolada jubooyinka ayaa sheegay in sarkaalkan ay qabteen ciidamadooda sahanka xili uu marayey duleedka Hosingow isagoo saaran gaari BL ah oo ka yimid magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday xadka Kenya.
“Sarkaalkan waa uu qirtay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, waa nin cad Af soomaaliga aad uma yaqaano, afka sawaaxiliga ayuu ku hadlaa, waxaa uu inoo sheegay inuu ka soo jeedo Tanzania hase ahatee uu ku dhashay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, magaciisa iyo wixii kale ee ka soo baxa baaritaanka dib ayaan ka soo sheegeynaa” ayuu yiri G/lle dhexe Maxamed Cali Cismaan.

Dhinaca kale G/lle dhexe Maxamed Cali Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Al-shabaab ay xalay ku dileen degaanka Hosingow meel ku dhow haweeney, in ka badan 10 qof oo shacabka ahna ka afduubteen, isagoo xusay in ciidamada DKMG ah ay ka daba tageen xoogna uga soo furteen dadkaas, ayna qaar badan ka laayeen kooxihii dilka iyo afduubka geystay.
Ma jiro war ku saabsan sarkaalka ajnabiga ee la sheegayo in la qabtay iyo falalka ka dhacay degaanka Hosingow oo ka soo baxay saraakiisha Al-Shabaab mana jiraan warar xaqijinaya ama beeninaya sheegashada saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah ee Jubooyinka, hase ahaatee xiisado dagaal oo labada dhinac u dhexeeya ayaa mudoyinkanba ka jiray gobolada jubooyinka iyo Gedo meelo ka mid ah.

garable.com

Soomaaliya oo lagu daray Liiska Wadamo uu Bankiga Aduunka Lacago ugu deeqayo

Bangiga Adduunka qeybtiisa Africa ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen qorshe dhameystiran oo lagu caawiyo dadka ku nool wadamada ay abaauruhu ku dhufteen oo ay ku jirto dalka Soomaaliya. Kuxigeenka Bangiga Aduunka ee dhinaca Afrika Makhtar Diop ayaa xusay in uu socdo dadaalo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay wadamo ku yaala qaaradda Africa oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Ethiopia. Makhtar Mar uu ka hadlayay arrimaha Soomaaliya waxa uu sheegay in ay ugu talo galeen lacag dhan 9-million oo Dollar taasoo ay ka faa’ideysan doonaan illaa iyo 97,000-Ruux oo Soomaali ah kuwaasoo u baahan in la caawiyo. Waxaa jira ayuu yiri dhaqaalo loogu talo galnay in lagu caawiyo dad badan oo hadda kasoo kabana macaluusha si ay u heelaan adeegyo caafimaad iyo biyo nadiif ah. Dalka Soomaaliya oo ka mid ah wadamada Africa ee sida daran u saameeyeen Abaarta ayaa xilligaan ku mashquulsan tabcashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha, ka dib markii uu yimid roobabki

garablo.com

Diyaarad laga leeyahay dalka Holland oo ku burburtay Xeebaha Somaliya

Xukuumadda Holland ayaa shaaca ka qaadday in diyaarad laga leeyahay dalkeeda ay ku dul burburtay Xeebaha waddanka Soomaaliya kaddib markii rasaas xooggan ay ku dhaceen diyaaraddaasi.
Warbixin kasoo baxday dowladda Netherland ayaa lagu sheegay in diyaarad ay laga leeyahay dalkaasi ay ku burburtay Xeebaha dalka Soomaaliya kaddib markii ay haleeshay rasaas ay ku fureen kooxo aan la aqoon waxa ay yihiin.
Wasaaradda Gaashandhigga ayaa tibaaxday in dhibaatadaani ay ka dhacay Xeebaha Soomaaliya islamarkaana diyaaraddu ay aheyd nuuca Helekopterka oo dul heehaabaysay Xeebaha Soomaaliya, hase ahaatee ay toogteen Kooxo hubaysan, taasina ay keentay in diyaaraddu ay burburto.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashandhigga ayaa u sheegay Radio Holland inay wadaan baaritaanno ku aaddan sababihii ka dambeeyay in kooxo hubaysan ay toogtaan diyaaradda iyo jooggii ay ku duulaysay diyaaradda xilligii la tooganayay.
Dowladda Holland ayaa qeyb ka ah howlgalka la dagaalanka ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana dowladdaasi ay wacad ku martay inay wadayso la dagaalanka kooxahaasi oo ay sheegtay inay qatar ku yihiin ammaanka Maraakiibta isticmaala badweynta India


garable.com

Jubbada hoose: Ciidamada Kenya oo duqeymo ku dilay Caruur badan

wararnaga soo gaarayo jubbada hoose Duleedka deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada hoose ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya halkaasi ay ka gaysteen duqeymo xooggan oo qasaaro u gaystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Duqeymo Ciidamada Kenya ay la dhaceen deegaanka Taabta ayaa waxa la sheegay inay ku geeriyoodeen Caruur tiradoodu aan la cayimin, waxaana Ehellada caruurtaasi ay sheegeen inay aad ugu xun yihiin dhacdadaani xanuunka badan ee ku dhacday Caruurtoodu. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya oo ku aaddan duqeyntaani, inkastoo Ciidamada Kenya marar badan ay duqeymo ka gaysteen Jubbooyinka kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kooxda Al Shabaab

garable.com

War deg deg ah: Xukuumadda Soomaaliya oo caawa cambaareyn u jeedisay Maamulka Puntland

Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya oo u muuqato mid ka carootay hadalka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, ayaa waxay cambaareyn ay u jeedisay Dr Faroole, warqada uu u qoray Beesha Caalamka. Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Raxmaan Xoosh Jabriil, oo caawa wareysi siiyay Idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga, ayaa wuxuu ka hadlay warqada uu Dr C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud uu u diray Beesha Caalamka. Wasiirka ayaa wuxuu sheegay inay soo gaartay warqada cabashada ah ee uu Madaxweyne Faroole uu u diray Beesha Caalamka, taasoo uu uga soo horjeedo Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo uu ku sheegay mid aysan u qalmin dadka Somaliyeed. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in halka uu Faroole uu warqad cabasho ah uu uga diray Beesha Caalamka, looga baahnaa sida uu yiri inay Xukuumadda Somaliya u soo gudbiyaan wax yaabaha ay ka tabinayaan. Wuxuu muujiyay inay ka xun yihiin qorshaha uu Mudane C/Raxmaan Faroole uu ugu dacwooday Beesha Caalamka, laakiin sidaasoo ay tahay ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Puntland uusan weli meel fog jirin, isla-markaana ay dib isula lafa-guri doonaan qodobada Dastuurka Qabyo Qoraalka ee uu ka kooban yahay. Su’aal la-weydiiyay Mr Xoosh oo ku aadaneyd in Beesha Caalamka ay tallaabo ka qaadi doonto, cid walba oo ka soo horjeedsata Dastuurka Qabyo Qoraalka, ayaa wuxuu kaga jawaabay in Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna aysan ahayn qaswadayaal sida uu yiri, balse ay laf-dhabar u yihiin Barnaamijka Khariidada Nabadda ee “Roadmap”. Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Laahi Goodax Barre, oo isna caawa la-hadlay Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga, ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Puntland ay kala hadli doonaan, wax yaabaha ay dhaliilsan yhiin, sida uu yiri. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”, ayaa wuxuu warqad ka dhan ah Dastuurka Qabyo Qoraalka uu u wada diray Dr Augustine Mahiga, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka Igad.

garable.com