Saturday, 12 May 2012

Diyaarad laga leeyahay dalka Holland oo ku burburtay Xeebaha Somaliya

Xukuumadda Holland ayaa shaaca ka qaadday in diyaarad laga leeyahay dalkeeda ay ku dul burburtay Xeebaha waddanka Soomaaliya kaddib markii rasaas xooggan ay ku dhaceen diyaaraddaasi.
Warbixin kasoo baxday dowladda Netherland ayaa lagu sheegay in diyaarad ay laga leeyahay dalkaasi ay ku burburtay Xeebaha dalka Soomaaliya kaddib markii ay haleeshay rasaas ay ku fureen kooxo aan la aqoon waxa ay yihiin.
Wasaaradda Gaashandhigga ayaa tibaaxday in dhibaatadaani ay ka dhacay Xeebaha Soomaaliya islamarkaana diyaaraddu ay aheyd nuuca Helekopterka oo dul heehaabaysay Xeebaha Soomaaliya, hase ahaatee ay toogteen Kooxo hubaysan, taasina ay keentay in diyaaraddu ay burburto.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashandhigga ayaa u sheegay Radio Holland inay wadaan baaritaanno ku aaddan sababihii ka dambeeyay in kooxo hubaysan ay toogtaan diyaaradda iyo jooggii ay ku duulaysay diyaaradda xilligii la tooganayay.
Dowladda Holland ayaa qeyb ka ah howlgalka la dagaalanka ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana dowladdaasi ay wacad ku martay inay wadayso la dagaalanka kooxahaasi oo ay sheegtay inay qatar ku yihiin ammaanka Maraakiibta isticmaala badweynta India


garable.com

No comments:

Post a Comment