Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada KMG Somalia ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen shalay oo Jimce aheyd sarkaal sare oo ka tirsan ajaaniibta ka barbar dagalaama Xarakada Al-shabaab, haatana ay ku wadaan baaritaano kala duwan.
G/lle dhexe Maxamed Cali Cismaan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DKMG Somalia ee gobolada jubooyinka ayaa sheegay in sarkaalkan ay qabteen ciidamadooda sahanka xili uu marayey duleedka Hosingow isagoo saaran gaari BL ah oo ka yimid magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday xadka Kenya.
“Sarkaalkan waa uu qirtay inuu ka tirsanaa Al-shabaab, waa nin cad Af soomaaliga aad uma yaqaano, afka sawaaxiliga ayuu ku hadlaa, waxaa uu inoo sheegay inuu ka soo jeedo Tanzania hase ahatee uu ku dhashay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, magaciisa iyo wixii kale ee ka soo baxa baaritaanka dib ayaan ka soo sheegeynaa” ayuu yiri G/lle dhexe Maxamed Cali Cismaan.
Dhinaca kale G/lle dhexe Maxamed Cali Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Al-shabaab ay xalay ku dileen degaanka Hosingow meel ku dhow haweeney, in ka badan 10 qof oo shacabka ahna ka afduubteen, isagoo xusay in ciidamada DKMG ah ay ka daba tageen xoogna uga soo furteen dadkaas, ayna qaar badan ka laayeen kooxihii dilka iyo afduubka geystay.
Ma jiro war ku saabsan sarkaalka ajnabiga ee la sheegayo in la qabtay iyo falalka ka dhacay degaanka Hosingow oo ka soo baxay saraakiisha Al-Shabaab mana jiraan warar xaqijinaya ama beeninaya sheegashada saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah ee Jubooyinka, hase ahaatee xiisado dagaal oo labada dhinac u dhexeeya ayaa mudoyinkanba ka jiray gobolada jubooyinka iyo Gedo meelo ka mid ah.
garable.com

No comments:
Post a Comment