Wednesday, 6 June 2012

DUQEEYN LAGU GARAACAY DEEGAAN HOOSTAGA DEGMADA BADHAADHE GOBALKA JUBADDA HOOSE


 

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaan hoostaga Degmada Badhaade ee gobalka jubadda hoose duqeeyn khasaare geesatay ayaa maanta lagu garaacay deegaankaasi.


Haajir Dharaar Maxamuud oo kamid ah dadka aas aasay tuulada maanta la duqeeyay ee lagu magacaabo Gobaa ayaa u sheegay websida wabarimedia.com Magaalada Muqdisho in maanta duhurnimadii diyaarado uu sheegay in laga leeyahay dalka kenya ay duqeeyeen deegaankaasi.

waxa uu sheegay in diyaaradaha ay ahaayeen labo islamarkaana ay duqeeyn ay ku garaaceen deegaanka.

Wuxuu tilmaamay in duqeeyntaasi uu ku dhintay mid kamid ah dadka deegaanka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale kuwaasi oo ahaa wiil iyo hooyadiisa halka qofka dhintayna uu ahaa aabahood.

Haajir Dharaar Maxamuud ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray wiilka yar iyo hooyadiis loola cararay tuulo kale maadaama sida uu sheegay deegaanka uusan lahayn adeeg caafimaad.

Hadalkiisa ayuu intaa raaciyay in aysan garanayn u jeedada ka dambeeysa in deegaankaasi Gobaa la duqeeyo isaga oo tilmaamay in deegaanka aysan ku sugnayn Al-Shabaab.

Ugu dambayn ayuu sheegay in dadka deegaanka Godaa maanta ay ku kala carareen deegaankaasi balse mar dambe ay dib ugu soo noqdeen xilli ay muujinayeen dareen cabsi ah.

Deeganada Gobalka Jubadda Hoose ayaa waxaa ka dhaca duqeeymo caynkan oo kale ah oo khasaaro ay ka soo gaarto dadka Shacabka ah ee kunool deegaan
 
garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo: Dhismayaasha Quruxda badan ee Aduunka loo daawasho tago

garable.com marwalbo lasoco wararka wabarimedia.com muxudin diini fiidow

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay ka jaratay ciidamada Kenya lacagtii ay siin-jirtay dib markii lagu…

Warbixin  uu soo saaray aqalka golaha sanatarka ee Mareykanka  ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay mamnuucday maalgelinta ay u sameyso militeriga iyo Booliska dalka Kenya, isla markaasna ay joojineyso wixii haatan ka dambeeya dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Kenya.
Sida lagu sheegay warbixinta go’aankan ayaa ka dambeeyay ka dib markii la ogaaday in ciidamada Kenya ay ku lug yeesheen eedaymo loo soo jeediyey oo ku aadan  tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha oo ay geysteen ciimada Booliska iyo milteriga Kenya, kuwaas oo la sheegay inay dalka Kenya iyo gudaha Soomaaliya ka dhaceen bishii March ee sanadkii 2008-dii, sidaasi darteedna lacagta laga jartay ciidamada Kenya.
Golaha ayaa ugu baaqay xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka Hillary Clinton inay qorshayso in mamnuuc tan la mid ah lagu soo rago laamaha amaanka ee kale ee lagu eedeeyay tacadiyo kuwaan la midka ah, wuxuuna Goluhu intaasi ku daray inaysan micno badan soo kordhineynin in afka un laga cambaareeyo waxyaabaha sharcidarada ah ee ay geysanayaan ciidamada Kenya, balse loo baahanyahay in si baraatiko ah wax loo tuso dowladda Kenya si aysan falkaasi oo kale u dhicin mardambe.
Goluhu waxa uu si gooni ah u xusay eedaymo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo loo soo jeedinayo ciidmada Kenya, kuwaas oo golahu sheegay inay ka dhaceen magaalooyinka Gaarissa,Wajeer iyo Mandera intii u dhaxeysay 11-kii Bishii November ee sanadkii  2011-kii iyo bishii January ee sanadkan  2012-ka, wuxuuna Goluhu intaasi ku daray in falalkaasi guracan lagula kacay dad Soomaali iyo Kenyaan isugu jira.
Wareegtadan ayaa qeyb ka aheyd biil la soo hordhigay Golaha sanatarka Mareykanka oo ku saabsanaa maalgelinta ay wasaarada arrimaha dibadda Maraykanka ku sameyso wadamada dibadda, wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa hadda u soo gudbineysa warbixintan dowladda Kenya si Kenya ay baaritaan ugu sameyso tacadiyadani la sheegay inay ciidamadeeda militeriga iyo Booliiska geysteen, isla markaasna cutubyadii iyo shaqsiyaadkii mas’uulka ka ahaa maxkamad la hor keeno.

garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidamo ka socda dowladda Siralyoon oo gaaray magaalkada Baydhabo iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya halka ay

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in doraad gelinkii dambe way magaaladaasi gaareen agab meletari oo isugu jira Taangiyo iyo hub culus oo ay weliyaan cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Siiraliyoon, kuwaas oo ka soo galay magaalada Baydhabo dhanka xuduuda Itoobiya, balse la sheegay inay isbuucyo badan ku sugnaayeen deegaanada Doolow iyo Luuq.
Sida warku sheegayo ciidamadan oo si weyn u khalabeysan ayaa waxaa soo gelbiyey ciidamada dalka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo iyo weliba qeybo ka mid ah gobolada Gedo iyo Bakool, waxayna fariisimo ka dhigteen ciidamadaasi goobo ka baxsan magaalada oo ammaankooda aad loo adkeeyey sida la sheegay.
Warar kale ayaa sheegaya in Taangiyo ay AMISOM leedahay iyana xadka laga soo tallaabiyey, isla markaasna ciidamo ka socda Yugandha iyo Burundi diyaarado lagu geyndoono magaalada Baydhabo, kuwaas oo la sheegay inay xoojin u noqon doonaan ciidamada AMISOM ee hadda Baydhabo ku sugan si ay ula wareegaan gacan ku heynta Baydhabo oo ay hadda maamulaan ciidamo Itoobiyaan ah.
Waa cutubyadii ugu horeeyay ee ka socda dalka Siiraliyoon ee gaara magaalada Baydhabo, balse ciidamadan ayaa la qorsheynayaa inay u gudbaan dhanka  gobolka Gedo iyo goobo kale oo aan la carabaabin, halka qeybo ka mid ah ay sii joogayaan deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo la sheegay in ujeedku yahay inay ku negaadaan.
AMISOM ayaa horay u sheegtay inay ciidamada Siiraliyoon ee qeybta ka noqonaya ciidankeeda iyo kuwa Kenya ay ka wada howlgeli doonaan Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubbada hoose iyo weliba Jubbada dhexe

garable.com
muxudin diidi fiidow

Prof. David Anderson:- IGAD ayaa hortaagan nabad si buuxda uga dhalata Soomaaliya, dalalka deriska ahna waxay doonayaan inay Soomaaliya u kala qeybiyaan gobolo yaryar oo ay

Professor David Anderson oo Jaamacadda Oxford ka dhiga arrimaha qaaradda Afrika, ayaa sheegay in arrimaha Soomaalida xalkooda aysan dooneynin dalalka safka hore, kuwaas oo uu xusay inay dano gaar ah ka leeyihiin Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in dalalkaasi ay doonayaan oo keliya sida uu yiri in Soomaaliya ay noqoto gobolo yaryar oo midba meel taaganyahay, isagoo sheegay in dalalkaasi ay ugu horeeyaan Itoobiya, Kenya, Yugandha iyo Rwanda.
Prof. Anderson oo duray qorshaha Road Map-ka Soomaaliya  iyo danaha laga leeyahay ayaa sheegay inay Soomaaliya ku dambeyn doonto maamulada gobolo yaryar oo ay dabada ka riixaan ama ay ogolyihiin dalalka safka hore, sidoo kalena waxa uu sheegay in urur goboleedka IGAD uu yahay kan hortaagan nabad si buuxda uga dhalata Soomaaliya illa inta laga arkayo gobolo yaryar oo midba goonidiisa u taagan illa iyo taas laga helayana ciidamada AMISOM way joogayaan Soomaaliya.
“Marka taas laga yimaado wadamada reer galbeedku waxay doonayaan inay dhisaan Soomaali mid ah, waxaase adag sidii taas loo sameyn lahaa waayo Soomaaliya labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay waxa jiray labaatan shir oo caalamiya oo dhamaantood leysku taxalujinayey sidii qaranka guuldareystay eeSoomaaliya nidaamka loogu soo celin lahaa, hanaanka inta lagu guda jiro waxa Soomaaliya lagu kharash-gareeyay malaayiin dollar, lacagtaas inteeda badanina waxay ku dhaceysay gacmaha ka-qeybgalayaasha siyaasadda, taas ayaana mushkiladda qeyb ka aheyd, qorshaha hadda la wadaa waxa weeye in maamulo dowlado ah laga sameeyo gobolo kala duwan oo laga kala dhigo illaa lix maamul goboleed oo koonfurta Soomaaliya ah, waa taas waxa nidaamkan cusubi uu xambaarsanyahay, waxay arrintu ku dambeynaysaa inay sameysmaan gobolo yaryar oo weli ku hoos jira gacanta gaangiistariin millateri ah, kuwaas oo xaqiiqdii sida leysugu keenaa ay adag tahay” ayuu yiri Prof. Anderson

garable.com
muxudin diini fiidow