Wednesday, 6 June 2012

Ciidamo ka socda dowladda Siralyoon oo gaaray magaalkada Baydhabo iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya halka ay

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in doraad gelinkii dambe way magaaladaasi gaareen agab meletari oo isugu jira Taangiyo iyo hub culus oo ay weliyaan cutubyo ka tirsan ciidamada dalka Siiraliyoon, kuwaas oo ka soo galay magaalada Baydhabo dhanka xuduuda Itoobiya, balse la sheegay inay isbuucyo badan ku sugnaayeen deegaanada Doolow iyo Luuq.
Sida warku sheegayo ciidamadan oo si weyn u khalabeysan ayaa waxaa soo gelbiyey ciidamada dalka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo iyo weliba qeybo ka mid ah gobolada Gedo iyo Bakool, waxayna fariisimo ka dhigteen ciidamadaasi goobo ka baxsan magaalada oo ammaankooda aad loo adkeeyey sida la sheegay.
Warar kale ayaa sheegaya in Taangiyo ay AMISOM leedahay iyana xadka laga soo tallaabiyey, isla markaasna ciidamo ka socda Yugandha iyo Burundi diyaarado lagu geyndoono magaalada Baydhabo, kuwaas oo la sheegay inay xoojin u noqon doonaan ciidamada AMISOM ee hadda Baydhabo ku sugan si ay ula wareegaan gacan ku heynta Baydhabo oo ay hadda maamulaan ciidamo Itoobiyaan ah.
Waa cutubyadii ugu horeeyay ee ka socda dalka Siiraliyoon ee gaara magaalada Baydhabo, balse ciidamadan ayaa la qorsheynayaa inay u gudbaan dhanka  gobolka Gedo iyo goobo kale oo aan la carabaabin, halka qeybo ka mid ah ay sii joogayaan deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo la sheegay in ujeedku yahay inay ku negaadaan.
AMISOM ayaa horay u sheegtay inay ciidamada Siiraliyoon ee qeybta ka noqonaya ciidankeeda iyo kuwa Kenya ay ka wada howlgeli doonaan Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubbada hoose iyo weliba Jubbada dhexe

garable.com
muxudin diidi fiidow

No comments:

Post a Comment