Wednesday, 6 June 2012

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay ka jaratay ciidamada Kenya lacagtii ay siin-jirtay dib markii lagu…

Warbixin  uu soo saaray aqalka golaha sanatarka ee Mareykanka  ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay mamnuucday maalgelinta ay u sameyso militeriga iyo Booliska dalka Kenya, isla markaasna ay joojineyso wixii haatan ka dambeeya dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Kenya.
Sida lagu sheegay warbixinta go’aankan ayaa ka dambeeyay ka dib markii la ogaaday in ciidamada Kenya ay ku lug yeesheen eedaymo loo soo jeediyey oo ku aadan  tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha oo ay geysteen ciimada Booliska iyo milteriga Kenya, kuwaas oo la sheegay inay dalka Kenya iyo gudaha Soomaaliya ka dhaceen bishii March ee sanadkii 2008-dii, sidaasi darteedna lacagta laga jartay ciidamada Kenya.
Golaha ayaa ugu baaqay xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka Hillary Clinton inay qorshayso in mamnuuc tan la mid ah lagu soo rago laamaha amaanka ee kale ee lagu eedeeyay tacadiyo kuwaan la midka ah, wuxuuna Goluhu intaasi ku daray inaysan micno badan soo kordhineynin in afka un laga cambaareeyo waxyaabaha sharcidarada ah ee ay geysanayaan ciidamada Kenya, balse loo baahanyahay in si baraatiko ah wax loo tuso dowladda Kenya si aysan falkaasi oo kale u dhicin mardambe.
Goluhu waxa uu si gooni ah u xusay eedaymo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo loo soo jeedinayo ciidmada Kenya, kuwaas oo golahu sheegay inay ka dhaceen magaalooyinka Gaarissa,Wajeer iyo Mandera intii u dhaxeysay 11-kii Bishii November ee sanadkii  2011-kii iyo bishii January ee sanadkan  2012-ka, wuxuuna Goluhu intaasi ku daray in falalkaasi guracan lagula kacay dad Soomaali iyo Kenyaan isugu jira.
Wareegtadan ayaa qeyb ka aheyd biil la soo hordhigay Golaha sanatarka Mareykanka oo ku saabsanaa maalgelinta ay wasaarada arrimaha dibadda Maraykanka ku sameyso wadamada dibadda, wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa hadda u soo gudbineysa warbixintan dowladda Kenya si Kenya ay baaritaan ugu sameyso tacadiyadani la sheegay inay ciidamadeeda militeriga iyo Booliiska geysteen, isla markaasna cutubyadii iyo shaqsiyaadkii mas’uulka ka ahaa maxkamad la hor keeno.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment