Prof. Anderson oo duray qorshaha Road Map-ka Soomaaliya iyo danaha laga leeyahay ayaa sheegay inay Soomaaliya ku dambeyn doonto maamulada gobolo yaryar oo ay dabada ka riixaan ama ay ogolyihiin dalalka safka hore, sidoo kalena waxa uu sheegay in urur goboleedka IGAD uu yahay kan hortaagan nabad si buuxda uga dhalata Soomaaliya illa inta laga arkayo gobolo yaryar oo midba goonidiisa u taagan illa iyo taas laga helayana ciidamada AMISOM way joogayaan Soomaaliya.
“Marka taas laga yimaado wadamada reer galbeedku waxay doonayaan inay dhisaan Soomaali mid ah, waxaase adag sidii taas loo sameyn lahaa waayo Soomaaliya labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay waxa jiray labaatan shir oo caalamiya oo dhamaantood leysku taxalujinayey sidii qaranka guuldareystay eeSoomaaliya nidaamka loogu soo celin lahaa, hanaanka inta lagu guda jiro waxa Soomaaliya lagu kharash-gareeyay malaayiin dollar, lacagtaas inteeda badanina waxay ku dhaceysay gacmaha ka-qeybgalayaasha siyaasadda, taas ayaana mushkiladda qeyb ka aheyd, qorshaha hadda la wadaa waxa weeye in maamulo dowlado ah laga sameeyo gobolo kala duwan oo laga kala dhigo illaa lix maamul goboleed oo koonfurta Soomaaliya ah, waa taas waxa nidaamkan cusubi uu xambaarsanyahay, waxay arrintu ku dambeynaysaa inay sameysmaan gobolo yaryar oo weli ku hoos jira gacanta gaangiistariin millateri ah, kuwaas oo xaqiiqdii sida leysugu keenaa ay adag tahay” ayuu yiri Prof. Anderson
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment