Monday, 4 June 2012

DEG DEG. Kulan u dhexeeya Xasan Daahir aweys iyo dowlada somalia oo xiligaani ka soconaaya villa soomaaliya ….. warbixin

hasss«

Wararka naga soo gaaraayo madaxtooyada ayaa sheegaayo in xasan daahir aweys uu xiligan ku suganyahay villa soomaaliya isla markaanaa kulan la qaadanaayo ra’isul wasaaraha soomaaliya iyo xubno ka tirsan dowlada DKMG kulankaa ayaa waxaa goob joog ka ah xubno ka tirsan hey’ada nabad sugida oo uu ugu horeeyo agaasimaha hey’adaas axmed fiqi.
kulanakaani ayaa ah mid lagu raali gelinaayo xasan daahir aweys oo in muda ah xiriir xun kala dhexeeyey madaxda dowlada soomaaliya isagoo mar welibana ka shaqeeynaayey colaada soomaaliya kulankaa ayaa ah mid socdo ku dhawaad labo saac sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya.
Lama oga ilaa iyo iminka Natiijada kulankaasi kasoo bixi doonto maadama Xassan Daahir Aweys uu yahay nin meyl adag islamarkaana ka biya diidanaa Siyaasada Dowlada KMG somali

garable.com
muxudin diini fiidow

 

Deg deg:Xasan Daahir Aweys oo losoo Galbiye Villa Somaliya “Madaxweyne Shariif Muqdisho kusoo laabtay

XASANSHARIIF_283767431

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay ilo ku sugan xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan saraakiisha ururka Al-Shabaab uu isku dhiibay Dowladda KMG ah, oo ku sugan yahay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.


Wararku waxay intaasi raacinayaan in hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam uu dhowaan shaaca ka qaado isbedelka ku yimid mowqifkiisii taageero Shabaabka ahaa ee magaalada Muqdisho geliyay burburka aan horay loo arag, isla markaana uu ka door bido xilligaan inuu dhinaca Dowladda u soo wareego.
Madax ka tirsan Dowladda KMG ah oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa iminka kulamo kula qaadanaya Sheekh Xasan Daahir oo wata 14-gaari oo isugu jira kuwa raaxada iyo kuwa dagaalka iyo waliba maleeshiyaad fara badan oo ku hubeysan qoryaha boobayaasha ah.
Wararka ayaa sheegaya in isbedelka ku yimid hoggaamiyihii ururkii burburay ee Xisbul Islaam uu keenay kaddib markii ilaaladiisa ay galeen go’doon degaanno ku dhow ceelasha Biyaha halkaasi oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada Dowladda KMG ah oo gacanta ku dhigay ilaa Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Dhinaca kale Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa asaasayaashii Maxkamadaha Islaamiga ah ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed markii ay burbureen Maxkamadaha la saftay ururka Al-Shabaab, isagoo horseed ka ahaa dagaalkii burburiyay magaalada Muqdisho isla markaana barakiciyay inta badan dadkii degenaa magaalada Muqdisho oo hoy u noqday geedaha iyo howdka ku teedsan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.
Sido kale waxa haatan Magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweyne shariif sheekh axmed kasoo kulamo layeelan doono masuulkan ayadoo lasheegay in kawada hadli donaan xaaladihii ugu danbeyse blse lama oga sida oo noqon doono xaalka wadaadka

garable.com
muxudin diini fiidow

MAAMULKA GOBALKA BANAADIR OO BILAABAY MASHRUUC NALAL CADCEEDA KU SHAQEEYA



Maamulka Gobalka Banaadir ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu Magaalada Muqdisho ka bilaabay mashruuuc lagu galiyo nalal ku shaqeeya Cad Ceeda.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir ee dowladda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa u sheegay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho in maanta Maamulka Gobalka uu ku guuleestay markii ugu horeeysay inuu Muqdisho ka hirgaliyo mashruuc nalal ku shaqeeya Cadceeda.

Mashruucan ayaa maanta waxaa laga bilaabay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho iyadoo si tijaabo ahaan maanta looga taagayo nalalka Cadceeda ku shaqeeya wadada Makala Al-Mukarama.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in nalalka ay yihiin 50-xabo islamarkaana maanta lagu tijaabinayo laga soo bilaabo tiyaatarka Muqdisho ilaa isgooska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mashruucani ay maalgalinayso dowladda Norway isaga oo intaa raaciyay in wadad Maka Al-Mukarama ay tahay wadada kaliya ay isticmaalaan madaxda dowlada iyo sidoo kale madaxda ka timaada wadamada Caalamka.

Maxamed Yuusuf Cismaan afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in hadii lagu guuleesto 50-xabo ee maanta laga taagayo wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho loo gudbayo wadooyinka kale ee ku yaala magaalada Muqdisho oo laga taagayo.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa wada dadaalo xoogan oo uu ugu jiro soo celinta bilicdii ay laheyd magaalada Muqdisho.

Dhanka kale taliska ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa uga digay gaadiidleeyda inay ku xad gudbaan nalalkaasi maanta laga taagay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu taliska ciidamada ilaalaada wadooyinka uu ka dhawaajiyay in laga ganaaxayo gaadiidkii ku xadgudba nalalkaasi in laga qaadayo talaabo adag oo ku qotonta xadgudubka ay sameeyeen

garable.com
muxudin diini fiidow

R.W. Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Turkiga, baray-na safiirkacusub ee dalka Turkiga (Sawiro


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga, gaar ahaana Ardayda wax ka barata Dugsiyada iyo Jaamacaddaha dalkan, waxa uuna xalay Jaaliyadda baray safiirka cusub ee dhowaantan dowladdu u magacowday dalkan Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankiisa waxaa sidoo kale ku wehlinayay Safiirka cusub ee Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.
Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga ee u ogolaaday waxbarasho lacag la’aan ah inay siiyaan ubadka Soomaalieyed ee mustaqbalka dhow noqon doona hogaanka dalka iyo dadka, waxa uuna ardayda ku baraarujiyay inay ka faa’iideystaan fursadan oo aaney beerdareyn, waxaana dalkan Turkiga wax ka barta si lacag la’aan ah arday tiradoodu gaareyso 1,500.
 Ardayda ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inay u baahan yihiin in safaaradda Soomaaliyeed ay si dhow ula shaqeyso ardayda oo iyagu soo jeediyay baahiyo ku aadan fududeynta xiriirka Turkiga iyo ardayda, waxayna si gaar ah uga dalbadeen goob ay ku shaqeystaan ardaydu marka ay doonaan inay qortaan codsiyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa goobta ku baray ardadya safiirka cusub ee dowladda Soomaaliyee uga wakiilka noqon doona dalka Turki.
 Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo goobta ka hadlay ayaa u balan qaaday ardadya in wixii dhaliilo ahna la saxi doono, wixii baahiyo ah oo jirana ay dabooli doonto safaaradda intii karaankeeda ah.
 “Anigu waan cusbahay, waxaana idiin cadeynayaa inaan gacan idiinkaga baahanahay maadaama ay tihiin ardaydii Soomaaliyeed” ayuu yiri Safiirka oo xusay in jaaliyadda wixii dad ah ee ka xiran ay deg deg uga codsan doonaan dowladda Turkiga inay noo sii deyso, Soomaalidana looga baahan yahay inay dhowraan dhaqanka, Nabadgelyada iyo siyaasada dalka Turkiga.
 Sidoo kale, waxaa Istanbul ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyey Qunsulka cusub ee Turkiga Mudane Axmed Maxamed (Axmed Global), kaasoo isna dhowaantan ka howlgeli doona magaalada Istanbul.

Ugu dambeyntiina ardadya ayaa su’aalo weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha kuwaasoo uu uga jawaabay, isaga oo sharaxaad dheerna ka siiyay muhiimada waxbarashadu u leedahay qofka, qoyska, iyo Qarankaba.







garable.commuxudin diini fiidow

Ciidamo Sierra Leone ka socday oo dameero ku qashay Luuq


Dadweynaha ku nool degmada Luuq ee Wilaayada Gedo ayaa lagu soo waramayaa in ay qaati ka taagan yihiin ciidamo ka socda Sierra Leone kuwaas oo bilaabay in ay xadaan dameeraha ka dibna ay qashaan iyagoo hilib uga dhigaya Ciidamadooda.


Waxgarad ku sugan dagaankaasi ayaa kaga dacwooday maamulka dabadhilifka ah ee Somaliya iyo Taliska Ciidamada Itoobiya arrinkaasi, hayeeshee ilaa hadda wax xal ah lagama gaarin sida ay wararku nagu so gaarayaan.


Dadka deegaanka ayaa sheegaya ilaa hadda in la la' yahay 9 dameer oo dhamaantood ay qasheen Ciidamada Sierra Leone, waxaana ay ku andacoodeen in aaney ka warqabin xoolo la adeegsado in ay yihiin balse sidii duur joog oo kale ula dhaqmayeen.


Dadweynaha Luuq ayaa cabsi ka muujinaya arrinkaasi iyadoona warar la isla dhexmarayo ay sheegayaan in ciidamada halkaasi jooga ay qaarkood xanuuno faafa qabaan oo halis gelin kara nolosha banii'aadamka, iyadoona la hadal hayo sidoo kale in cadowgaasi uu ku wajahan yahay magaalada Baydhabo

garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada:Ififaalo Dowladnimo oo kasoo Bur qaneyso Degaanka Loo Barakacay

Dowlada KMG ayaa ciidamo hala haga gaadiidka gaysay deegaanadii dhawaan laga saaray Shabaab ee duleedka Magaaladda Muqdisho.
Ciidamadan oo ah kuwa Taraafikada ayaa la geeyay wadooyinka deegaanada duleedka ka ah magaaladda Muqdisho kadib markii Shabaab laga saaray.
Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ah mid aad ucariiri badan ayaa la geeyay Ciidamada Taraafikada waana markii ugu horeysay sanado badan kadib.
Isagoo lahadlayay saxaafadda Taliyaha Ciidamada Taraafikada Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab)  ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan sugida amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaa uu tilmaamay in sii socoshada holwgalada noocaan oo kala ah ay ka dhigayso in la xoojiyo amaanka wadooyinka iyo gaadiidka isticmaalaya.
Inkastoo ay dowlad la’aantii keentay in wadooyinka aysan helin dayactir isla markaana qalabkii taraafikada uusan dhamaystirnayn hadana dowlada KMG ayaa samaysay isku dayo lagu hagaajinayo qaabka socodka gaadiidka.


garable.com muxudin diini fiidow

Fadeexad: Lacagta ay Dhunsadeen Madaxda TFG-da -”Warbixin Xasaasi ah


Waxa 30 May 2012 uu Bangiga Aduunku u qaybiyay wufuudii shirka Istanbul warbixin tafaftiran oo ku qoran 18 bog, oo ka hadlaysa lacagta soo gashay dowladda KMG sanadihii 2009-2010 iyo sida ay u qarash gareysay Dowladdu.
Warbixinta oo kooban ayaan Af-Soomaali ku tarjunay, iyadoo Ingiriis ahna hoos ayaan ku lifaaqi doonaa.
Madaxda hoos ku qoran ayay warbixintu kasoo dooratay mas’uuliyinta dowladda KMG, waxanan sabab u ah waa ragga ay qusayso ama wax laga waydiin doono halka ay martay lacagta malaayinta ah ee maqan, maadaama xafiisyadoodu ay yihiin kuwoo gacanta loo gashay lacagtaas oo qarashgareeyay.
Shariif Xasan Sh. Adan Wasiirka Maaliyadda iyo Ra’isal Wasaare Xigeen (Hada afhayeenka Baarlamanka)
Shariif Sh. Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG.
C/risaaq Cismaan Xasan Jurile Wasiirka Boostada iyo War-Isgaarsiinta.
C/raxman Xaji Aadan Ibraahim Ibbi, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyradka Badda.
C/rashid Max’ed Cabdi Xashi Cirro Wasiirka Ganacsiga.
Max’ed Ibrahim Xaabsade, Wasiirka Dekedaha Gaadiidka Badda.
Madaxda sare ku xusun waxa ugu tun weynaa xiligaas wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan oo xafiiskiisu uu Mas’uul ka ahaa soo aruurinta lacagaha canshuuraadka iyo qabashada deeqaha shisheeya, waxana wasiirkan lagu eedeeyay inuusan soo gudbin warbixinta lacagihii gacantiisa soo galay.
Miisaaniyadii ugu horeysay ee uu soo hordhigo baarlamaanka waxay aheyd sanadkii 2011, mana jirin miisaaniyad iyo xisaabxir labadii sanno ee ka horeysay 2009-2010.
Hay’adda baaritaanka xisaabeed sameysay waxan qiyaastay in canshuurta usoo xerootay dowladda sannadkii 2009 ay aheyd $94 Milyan, halka sannadkii 2010 ay usoo xerootay $70 Milyan.
Laakin dowladda KMG ah hay’adeeda hantidhowrka iyo xisaabiyaha guud wuxu soo bandhigay inay usoo xerootay $11 Milyan Sannadkii 2009, meesha $22 Milyan ay soo bandhigeen Sannadkii 2010, waxaana halkaas ka muuqda farqi aad u weyn oo gaaraya ilaa $130 Milyan oo ku maqan gacanta madaxda dowladda.
Lacagta maqan ayay hay’addu ku sheegtay inay mushaar ku filan u noqon laheyd dhamaan shaqaalaha dowladda, xildhibaanada iyo ciidamada amaanka Labadii Sanno ee 2009-2010.
Waxa xusid mudan in Lacagta kor ku xusan aysan ku jirin Deeqaha Beesha Caalamka, laakin ay tahay Lacag canshuur ahaan looga soo aruuriyay Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha oo kaliya.
Waxa kaloo xusid mudan in Lacagta kor lagu sheegay aysan ku jirin canshuuro laga qaaday Shirkadaha Telefonada oo gaaraya $49 Milyan iyo Canshuurta Jaadka oo gaaraysay $38 Milyan, labada sanno ee laga hadlayo.
Mar ay Hay’adu ka hadleysay deeqaha wadamada dibadu ay ugu deeqaan dowladda KMG, waxay sheegtay in inta badan lacagaha deeqda ah ee si toos ah ugu dhacday gacanta dowladda ay ka timid wadmada Khaliijka. Deeqaha bani’aadanimo ee beesha caalamku bixisay intooda badan waxa loo marsiiyay Soomaaliya hay’adaha samafalka ee NGO iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, laakin looma dhiibin Dowladda KMG.
Baaritaan kadis ah iyo xog lagu kalsoonaan karo waxa lagu ogaaday in lacagta deeqaha ee si toos ah ugu dhacday gacanta dowladda KMG ay gaaraysay $59 milyan sannadkii 2009, halka ay dowladdu sheegatay in deeqaha ay heshay ay ahaayeen $3 milyan oo kaliya.
Warbixintu waxay intaas ka dartay in dakhliga canshuuraha dowladdu uu ka yimaado oo qura dekedda, garoonka diyaaradaha iyo dhacdhac kale oo ay ka mid yihiin khidmada baasaboorada, taargada baabuurta, canshuuraha dowladda hoose (munishiibiyo) ee suuqyada iwm.
Waxay warbixintu ku eedaysay dowladda inaysan wax canshuur ah ka qaadin ganacsiyada ay ka midka yihiin shirkadaha xawilaadaha, Jaadka, iyo shirkadaha telefonada oo aan loo sameyn qaab-canshuureed hufan, laakin waxa jira qaab gacma-gacmaysi oo shirkadahaas looga qaado lacago la oran karo waa baad, oo ku dhaca gacanta mas’uulka wasaaradaas ay quseyso shirkadu, waxana ugu badan Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaarada Boostada iyo War-Isgaarsiinta oo si joogto ah lacago uga qaada shirkadaha Telefonada. Lakin sida warbixinta ka muuqata dowladdu masoo gudbin canshuur ay ka qaaday shirkadaha telefonada.
Sidoo loo kala leeyahay shaqooyinka.
Wasaarada Maaliyadu waxay u xilsaaran tahay soo aruurinta lacagta, xisaabinta iyo u qeybinta lacagtaas wasaaradaha kale ee laga sugayo inay ugu adeegaan bulshada.
Bangiga Dhexe waa inay kusoo dhacdaa dhamaan lacagta kaash ka ah, meeshay doonto haka timaadee, sida dekadda, garoonka, shirkadaha, degmooyinka, gobolada iyo deeqaha dibadda. Waana in bangigu hayaa oo kala maareeyaa dowladda dhexe iyo dowladaha hoose.
Hanti-Dhowrka Guud, waa inuu xifdiyaa koobiga dhamaan dhaqdhaqaaqa xisaabaha baxa ama soo gala.
Xafiiska Xisaabiyaha Guud, waa inuu koontaroolo oo is barbardhigo kharashaadka iyo dakhliga dowladda ee ka baxaya ama soo galaya bangiga dhexe, isagoo isha ku haynaya miisaaniyad-sanadeedkii uu ansixiyay baarlamaanku. Laakin nasiib daro shaqooyinka kor ku xusan oo dhan waxa isku qabta hal, labo ama dhowr mas’uul oo iyaga ay kusoo dhacdo lacagto, kadibna siday rabaan ugu qeybiya hay’daha dowladda, kadibna intay rabaan iyagu ka qaata.
Hay’adda sameysay baaritaankan ayaa lagu magacaabaa PFMU Public Financial Management Unit, Waaxda Maamulka Dhaqaalaha Shacabka, waana hay’ad uu magacaabay Bangia Aduunku laguna ansixiyay howlgalkeeda shirkii London. Lakin nasiib daro hay’adaan waxa is hortaagay howlgalkeeda oo diiday inay saxiixaan warqadaheeda labada Shariif oo hada u eedaysan beesha caalamka, laguna hayo maanta shirqoolkii looga saari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya. Laakin hay’addan oo ka socota Bangiga Aduunka howlgalkeedii way iska wadatay, waana tan hada soo bandhigtay natiijadii baaritaankeeda.
Gunaanadka warbixintu waxay qoraysaa in lacagaha canshuurta ah iyo deeqaha la rabay inay ku dhacaan hay’adaha iyo qasnadaha kore loo kala qeybsado sida soo socota.
Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Wasiirka Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Maamulaha Dekadda. Warbixinta ay dowladu soo gudbisayna waxay qoraysaa lacagta kusoo dhacday bangiga dhexe oo kaliya, mana sheegayso lacagaha ay kala qaateen madaxda kor ku xusan.
Waxaan hoos kusoo koobaynaa warbixinta dakhligii dowladu dhiibtay iyo warbixinta dakhliga baaritaanka hay’adda PFMU. Dowladda waxa u hadlaya OAG Office of the Accountant and Auditor General, xafiiska xisaabiyaha iyo hanti-dhowrka guud
garable.com
muxudin diini fiidow

Maxkamadda ciidanka dowladda KMG oo digniin culus u jeedisay ciidamada dowladda, xafiisna ka furatay deegaaka

Maxkamadda ciidamada ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa shalay markii ugu horeysay waxay Maxkamad ciidan ka furtay deegaanka Ceelashabiyaha, waxaana deegaanada loo barakacay hadda ka hor ee duleedka Muqdisho kormeer howleed ku tagay wasiirudowlaha gaashaandhigga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida.
Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga oo ay Wehliyeen Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabkasida G/sare Xasan Maxamed Xuseen {Mungaab} iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada ayaa kormeerkooda ka billaabay deegaanka Kiilo Mitir 13 ilaa Ceelasha biyaha, waxayna halkaasi ka fureen Maxkamadda ciidamada qalabka sida xafiis ay leedahay, kaas oo lagu qaadi doono dembiyada ay galaan ciidamada dowladda KMG.
Guddoomiyaha Maxkadda sare ee ciidamada Qalabka sida Muungaab ayaa deegaanka Ceelasha biyaha si rasmi ah uga furay maxkamadda ciidanka, wuxuuna ciidanka dowladda KMG kula dardaarmay inaysan dadka shacabka ah dhibaateynin, isagoo ku hanjabay in askarigii la arko isagoo dad shacab ah waxyeelaynaya amaba dhac u geysanaya uu la kulomi doono ciqaab adag.
Muungaab ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay tahay howsheeda inay ilaaliso sharafta ciidamada qalabka sida, isagoo tilmaamay in maxkamaddu aysan ogolaan doonin sida uu yiri in shaqsiyaad ay dhaawacaan sharafta ciidamada qaranka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Maxkamadda laga hirgeliyey deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ay wax badan ka tari doonto aqlaaqda ciidamada qaar oo uu sheegay inay dadka dhac u geystaan, waxaana xusid mudan in maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa tan iyo markii la aasaasay waxay xukuno isugu jira dil iyo xarig ku fulisay ciidamo ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya oo lagu helay dembiyo kala duwan oo ay geysteen.
garable.com
muxudin diini fiidow

Dowladda Itoobiya oo xirxirtay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi ay xirxireen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ka dib markii uu soo ka dhexgalay muran iyo isqabqabsi xoogan iyo kala shaki.
Sida warku sheegayo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ay xabsiga dhigeen ciidamada Itoobiya ayaa lagu xiray degmada Luuq ee gobolka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay rabeen inay fashiliyaan dagaalada sirta ah ee ay ku qadayaan ciidamada Itoobiya goobaha ay Xarakada Al-shabaab ka joogaan gobolka Gedo, halka warar kalena ay sheegayaan inay iibsadeen saraakiishaasi hub iyo saanad kale oo ciidan oo loogu talogalay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.
Afhayeenka ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Aadan Xirsi Rufle ayaa warbaahinta u sheegay inay haatan wadaan dedaalo ah sidii saraakiishan looga soo damaanad qaadi lahaa ciidanka Itoobiya oo iyagu ay u xiramyihiin, wuxuuna afhayeenku intaasi ku daray in amarka lagu xiray qaar ka mid ah saraakiishaasi ay iska lahaayeen madaxda hogaamineysa ciidamada dowladda KMG ee gobolka Gedo, wuxuuna xusay in lagu eedeeyay saraakiishan inay si amar la’aan ah uga soo baxeen aagagga dagaalka, taasina ay keentay in xabsiyo loo taxaabo.
“Ma jiro dhib sidaasi u weyn oo aan ka aheyn saraakiisha ka tirsan ciidamada dowladda KMG ee la xiray, xarigga saraakiishan waxaa ka dambeeyay ka dib markii ay aagagga dagaalka si amar la’aan ah uga soo baxeen, wax kale oo loo xirayna ma jirto, runtii waxaan dhihi karaa waa been wararka sheegaya in raggaasi ay xireen ciidamada Itoobiya oo ay ka fashiliyeen duulaan ay qaadi lahaayeen, way jirtaa inay ku jiraan gacanta ciidamada Itoobiya dhawaan ayaana la soo deyn doonaa saraakisha xiran” ayuu yiri afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee gobolka Gedo.
Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Aadan Xirsi Rufle waxa uu sheegay inay isku soo dhiibeen 8-dagaalyahano oo ka soo goostay dhanka Xarakada Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay si weyn u soo dhaweeyee raggaasi, isagoo kuwa kalena ee weli ku jira Al-shabaabnan ugu baaqay inay isku soo dhiibaan oo aan wax dhib ah loo geysan doonin sida uu yiri
garable.comi fiidow

DOWLADDA SOOMAALIYA OO CIIDAMO LOOGU TABABARAAYO DALKA UGANDA



Dalka Uganda waxaa ka bilowday tababarida Ciidamo Soomaali ah kuwaas oo ay bixinayaan saraakiil iyo khuburo ka socda wadamada Yurub iyo macalimiin Uganda ah, ciidamadan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 600 oo askari waxa ku jira 15-dumar ah, waxaana ay soo dhameysan doonaan lix bilood oo tababar ah.
Ciidamadan waxaa lagu tababarayaa xerada Ciidamada Military Bihanga ee ku taala duleedka Caasimada Kampala.

Midowga Yurub ayaa sanadkii 2010-ka waxa ay u ballan qaaday Dowladda KMG ah Soomaaliya inay u tababari doonaan ku dhawaad 1,700 oo Askari.

20-kii Sano ee la soo dhaafay dalka Soomaaliya waxa ka jiray xasilooni daro, iyadoo dowladda Ciidamo ku filan aysan helin sidaas waxa sheegay lataliye sare oo ka tirsan Midowga Yurub Jean-Francois Hasperue.

Wuxuu yiri Ciidamadan waxaa la barayaa sida loogu dagaalamo howdka, iyo sida loo boodo marka ay qatari soo wajahdo.

Dowladda KMG ah ee hadda jirta oo waqtigeeda u ku egyahay bisha August waxa ay dagaallo kala kulmeysaa Ururka Al-Shabaab.

Howsha tababarida waxa lagu bixinayaa 600 oo dollar oo la siinayo Askarigiiba, dowladda KMG ah waxa ay hadda sheegeysaa in ay heysato ciidamo gaaraya 10,000 oo Askari, kuwaas bishiiba Midkood uu qaato 100 dollarka Mareykanka.
garable.com
muxudin diini fiidow