Monday, 4 June 2012

MAAMULKA GOBALKA BANAADIR OO BILAABAY MASHRUUC NALAL CADCEEDA KU SHAQEEYA



Maamulka Gobalka Banaadir ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu Magaalada Muqdisho ka bilaabay mashruuuc lagu galiyo nalal ku shaqeeya Cad Ceeda.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir ee dowladda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa u sheegay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho in maanta Maamulka Gobalka uu ku guuleestay markii ugu horeeysay inuu Muqdisho ka hirgaliyo mashruuc nalal ku shaqeeya Cadceeda.

Mashruucan ayaa maanta waxaa laga bilaabay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho iyadoo si tijaabo ahaan maanta looga taagayo nalalka Cadceeda ku shaqeeya wadada Makala Al-Mukarama.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in nalalka ay yihiin 50-xabo islamarkaana maanta lagu tijaabinayo laga soo bilaabo tiyaatarka Muqdisho ilaa isgooska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mashruucani ay maalgalinayso dowladda Norway isaga oo intaa raaciyay in wadad Maka Al-Mukarama ay tahay wadada kaliya ay isticmaalaan madaxda dowlada iyo sidoo kale madaxda ka timaada wadamada Caalamka.

Maxamed Yuusuf Cismaan afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in hadii lagu guuleesto 50-xabo ee maanta laga taagayo wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho loo gudbayo wadooyinka kale ee ku yaala magaalada Muqdisho oo laga taagayo.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa wada dadaalo xoogan oo uu ugu jiro soo celinta bilicdii ay laheyd magaalada Muqdisho.

Dhanka kale taliska ciidamada ilaalada wadooyinka ayaa uga digay gaadiidleeyda inay ku xad gudbaan nalalkaasi maanta laga taagay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu taliska ciidamada ilaalaada wadooyinka uu ka dhawaajiyay in laga ganaaxayo gaadiidkii ku xadgudba nalalkaasi in laga qaadayo talaabo adag oo ku qotonta xadgudubka ay sameeyeen

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment