Monday, 4 June 2012

Dowladda Itoobiya oo xirxirtay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi ay xirxireen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ka dib markii uu soo ka dhexgalay muran iyo isqabqabsi xoogan iyo kala shaki.
Sida warku sheegayo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ay xabsiga dhigeen ciidamada Itoobiya ayaa lagu xiray degmada Luuq ee gobolka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay rabeen inay fashiliyaan dagaalada sirta ah ee ay ku qadayaan ciidamada Itoobiya goobaha ay Xarakada Al-shabaab ka joogaan gobolka Gedo, halka warar kalena ay sheegayaan inay iibsadeen saraakiishaasi hub iyo saanad kale oo ciidan oo loogu talogalay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.
Afhayeenka ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Aadan Xirsi Rufle ayaa warbaahinta u sheegay inay haatan wadaan dedaalo ah sidii saraakiishan looga soo damaanad qaadi lahaa ciidanka Itoobiya oo iyagu ay u xiramyihiin, wuxuuna afhayeenku intaasi ku daray in amarka lagu xiray qaar ka mid ah saraakiishaasi ay iska lahaayeen madaxda hogaamineysa ciidamada dowladda KMG ee gobolka Gedo, wuxuuna xusay in lagu eedeeyay saraakiishan inay si amar la’aan ah uga soo baxeen aagagga dagaalka, taasina ay keentay in xabsiyo loo taxaabo.
“Ma jiro dhib sidaasi u weyn oo aan ka aheyn saraakiisha ka tirsan ciidamada dowladda KMG ee la xiray, xarigga saraakiishan waxaa ka dambeeyay ka dib markii ay aagagga dagaalka si amar la’aan ah uga soo baxeen, wax kale oo loo xirayna ma jirto, runtii waxaan dhihi karaa waa been wararka sheegaya in raggaasi ay xireen ciidamada Itoobiya oo ay ka fashiliyeen duulaan ay qaadi lahaayeen, way jirtaa inay ku jiraan gacanta ciidamada Itoobiya dhawaan ayaana la soo deyn doonaa saraakisha xiran” ayuu yiri afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee gobolka Gedo.
Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Aadan Xirsi Rufle waxa uu sheegay inay isku soo dhiibeen 8-dagaalyahano oo ka soo goostay dhanka Xarakada Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay si weyn u soo dhaweeyee raggaasi, isagoo kuwa kalena ee weli ku jira Al-shabaabnan ugu baaqay inay isku soo dhiibaan oo aan wax dhib ah loo geysan doonin sida uu yiri
garable.comi fiidow

No comments:

Post a Comment