Monday, 4 June 2012

Maxkamadda ciidanka dowladda KMG oo digniin culus u jeedisay ciidamada dowladda, xafiisna ka furatay deegaaka

Maxkamadda ciidamada ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa shalay markii ugu horeysay waxay Maxkamad ciidan ka furtay deegaanka Ceelashabiyaha, waxaana deegaanada loo barakacay hadda ka hor ee duleedka Muqdisho kormeer howleed ku tagay wasiirudowlaha gaashaandhigga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida.
Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga oo ay Wehliyeen Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabkasida G/sare Xasan Maxamed Xuseen {Mungaab} iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada ayaa kormeerkooda ka billaabay deegaanka Kiilo Mitir 13 ilaa Ceelasha biyaha, waxayna halkaasi ka fureen Maxkamadda ciidamada qalabka sida xafiis ay leedahay, kaas oo lagu qaadi doono dembiyada ay galaan ciidamada dowladda KMG.
Guddoomiyaha Maxkadda sare ee ciidamada Qalabka sida Muungaab ayaa deegaanka Ceelasha biyaha si rasmi ah uga furay maxkamadda ciidanka, wuxuuna ciidanka dowladda KMG kula dardaarmay inaysan dadka shacabka ah dhibaateynin, isagoo ku hanjabay in askarigii la arko isagoo dad shacab ah waxyeelaynaya amaba dhac u geysanaya uu la kulomi doono ciqaab adag.
Muungaab ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay tahay howsheeda inay ilaaliso sharafta ciidamada qalabka sida, isagoo tilmaamay in maxkamaddu aysan ogolaan doonin sida uu yiri in shaqsiyaad ay dhaawacaan sharafta ciidamada qaranka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Maxkamadda laga hirgeliyey deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ay wax badan ka tari doonto aqlaaqda ciidamada qaar oo uu sheegay inay dadka dhac u geystaan, waxaana xusid mudan in maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa tan iyo markii la aasaasay waxay xukuno isugu jira dil iyo xarig ku fulisay ciidamo ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya oo lagu helay dembiyo kala duwan oo ay geysteen.
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment