Monday, 4 June 2012

DOWLADDA SOOMAALIYA OO CIIDAMO LOOGU TABABARAAYO DALKA UGANDA



Dalka Uganda waxaa ka bilowday tababarida Ciidamo Soomaali ah kuwaas oo ay bixinayaan saraakiil iyo khuburo ka socda wadamada Yurub iyo macalimiin Uganda ah, ciidamadan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 600 oo askari waxa ku jira 15-dumar ah, waxaana ay soo dhameysan doonaan lix bilood oo tababar ah.
Ciidamadan waxaa lagu tababarayaa xerada Ciidamada Military Bihanga ee ku taala duleedka Caasimada Kampala.

Midowga Yurub ayaa sanadkii 2010-ka waxa ay u ballan qaaday Dowladda KMG ah Soomaaliya inay u tababari doonaan ku dhawaad 1,700 oo Askari.

20-kii Sano ee la soo dhaafay dalka Soomaaliya waxa ka jiray xasilooni daro, iyadoo dowladda Ciidamo ku filan aysan helin sidaas waxa sheegay lataliye sare oo ka tirsan Midowga Yurub Jean-Francois Hasperue.

Wuxuu yiri Ciidamadan waxaa la barayaa sida loogu dagaalamo howdka, iyo sida loo boodo marka ay qatari soo wajahdo.

Dowladda KMG ah ee hadda jirta oo waqtigeeda u ku egyahay bisha August waxa ay dagaallo kala kulmeysaa Ururka Al-Shabaab.

Howsha tababarida waxa lagu bixinayaa 600 oo dollar oo la siinayo Askarigiiba, dowladda KMG ah waxa ay hadda sheegeysaa in ay heysato ciidamo gaaraya 10,000 oo Askari, kuwaas bishiiba Midkood uu qaato 100 dollarka Mareykanka.
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment