Saturday, 21 July 2012

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo amray in la mamnuuco dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa jimcihii shalay amray in la joojiyo dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya.


Madaxweynaha ayaa yiri ka ganacsiga dhuxusha waxaa dhaqaalo badan uu ka soo galaa Ururka Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya. dhuxusha ayaa loo iibgeeyaa dalalka badan oo ah kuwa khaliijka sida Sucuudiga iyo Immaaradka carabta.

Afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka Victoria Nuland ayaa saxaafadda u sheegtay in haddii la mamnuuco dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya in ay noqon doonto tallaabo lagu cunaqabateenaayo Ururka Al-Shabaab sida ay hadalka u dhigtay.

Golaha ammaanka QM ayaa horaantii sannadkan waxa ay mamnuuceen dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in sababta looga gunleeyahay arrintan ay tahay siddii cadaadis loo saari lahaa Al-Shabaab oo ku dhawaaqay bilowgii sannadkan inay la midoobeen Ururka Al-Qaacida ee uu sutida u hayay wadaadka dhaqtarka ee reer Masar Ayman Al-Zawahiri.

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in lagu kordhiyo cunaqabateenta shaqsiyaadka iyo kooxaha kale ee sameenaya falalka qatarta ku ah nabadda, ammaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Dhuxusha waxa ay ka mid tahay wax-yaabaha sida weyn looga dhoofiyo dalka Soomaaliya, iyadoo dekaddaha ugu badan ee laga dhoofiyo ee dalka ka mid yihiin Kismaayo iyo Baraawe oo labaduba ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab sida ay lee yihiin kooxda la socodka cunaqabateenta Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow