Saturday, 23 June 2012

SYRIA OO QIRTAY INEEY SOO RIDAY DIYAARAD LAGA LEEYAHAY WADANKA TURKIGA.


 

Dowlada Syria ayaa xaqiijisay in ciidankeeda difaaca Cirka ay soo rideen diyaarad dagaal oo laga lahaa wadanka Turkiga kadib markii ay kusoo xadgudubtay hawada wadankaasi sida ay qortay wakaalada wararka Syria ee Saana.


Afhayeenka dhanka ciidamada Cirka ah oo hadlay ayaa waxa uu sheegay ineey soo rideen diyaarad dagaal oo laga lahaa wadanka Turkiga kadib markii ay kusoo xadgudubtay hawada wadankaasi.

Warka kasoo baxay dowlada Syria ayaa kusoo aadaya iyadoo dowlada Turkiga ay sheegtay in mid kamid ah diyaaradaheeda dagaalka lagu soo riday xuduuda ay wadaagaan labada dal jimcihii shalay

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa lagu sheegay kadib xog aruurin la sameeyay iyo baaritaano inay u cadaaday in soo dhicista diyaarada ay timid kadib markii ay toogteen ciidamada cirka ee Syria
 
garable.com
muxudin diini fiidow

TURKIGA OO GO'AAN KA QAADANAYA DIYAARADII SHALAY LOOGA RIDAY HAWADA SYRIA



Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa waxa uu maanta sheegay in dowladiisa ay qaadaneyso talaabo ku aadan dhacdadii shalay lagu soo riday hawada wadanka Syria diyaarad dagaal oo ay lahaayeen ciidamada cirka Turkiga, sidookale waxa uu sheegay ineey wadaan qorsho ay diyaaradaha dagaalka Turkiga masaafo yar ugu galayaan gudaha Syriya.

Wakaalada wararka Turkiga Anadol oo soo xiganeysa guul waxa ay sheegtay in diyaaradii shalay lagu soo riday gudaha Syria ay toogteen ciidamada cirka ee Syria,sidoo kale waxa ay sheegtay wakaalada inay socdaan tilaabooyin ay diyaaradaha dagaalka Turkiga gudaha wax yar ugu galayaan Syria talabaadaas oo aan aheyn mid dagaal.

Cabdala Guul ayaa sidoo kale sheegay in hada ay socdaan baaritaano ku aadan qaabkii ay usoo dhacday diyaarada dagaal iyo waxa sababay islamarkaasna Turkiga uusan ka aamusi doonin falkaas oo ay talaabo cad qaadi doonaan.

Guul ayaa dhanka kale sheegay iney taleefanka kula xiriireen masuuliyiinta Syria ayna kawada hadleen waxa sababay soo dhicista diyaarada dagaal sidoo kale waxa uu sheegay in kalasoo bixista safiirada Turkiga aysan micnaheedu taas aheyn inuusan dhexmari karin wadahadal.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lahelay qaybo kamid ah burburka diyaarada iyadoo wali ay socdaan baaritaano laxiriira labadii duuliye ee saarnaay diyaaradaas iyadoo Syriyana ay qeyb ka qaadaneyso.

Dowlada Syria ayaa horay u sheegtay ineey iyada soo riday diyaarad dagaal oo laga lahaay Turkiga kadib markii kusoo xadgudubtay ciida Syria.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa shalay sheegay in diyaarad nuuceedu yahay AF4 shalay laga waayay shaashadaha raadaarka xuduuda ay wadaagaan Turkiga iyo Syria.

garable.com
muxudin diini fiidow

ISIMADDA SOOMAALILAND OO KASOO HORJEESTAY QODOBADII KASOO BAXAY SHIRKII LONDON



Boqor Cabdi Boqor Axmed Salaad oo kamid ah isimadda kasoo jeeda maamulka Soomaaliland oo la hadlay garable.com ayaa wuxuu sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ku dhexmaray dalka ingiriiska uu yahay wax aan u cun tamin dadka reer Soomaaliland.

Wuxuu sheegay in shirka ku soo dhamaaday dalka ingiriiska uu yahay mid meesha ka saaraya jiritaanka shacabka reer Soomaaliland iyo gooni isu taaagooda.

Boqor Cabdi Boqor Axmed Salaad ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu dafirayo xaqa ay leeyihiin shacabka reer Soomaaliland isaga oo tilmaamay inuu kasoo horjeedo kulanka la qorshaynayo ee ay kulmayaan Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.


Boqor Cabdi Boqor Axmed Salaad ayaa sheegay in taladiisu ay tahay in Soomaalilya iyo maamulka Soomaaliland ay noqdaan laba dowladood oo kala madaxbanaan laakiin uu tilmaamay in meesha aysan ka baxayn xiriirka labada dhinac iyo wada shaqeynta.

Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay dowladda Jabuuti oo uu sheegay inay tahay dowladd madaxbanaan sidaasi oo kalena maamulka Soomaaliland ay doonayaan.

Dhawaan ayaa shirkii kusoo dhamaaday dalka ingiriiska oo ay yeesheen maamulka Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya waxaa kasoo baxay qodobo dhowr ah oo muujinaya ifafaalo isu soo dhawaansho dhexmara maamulka Soomaaliland iyo Soomaaliya maadaama maamulka Soomaaliland ay sheegeen inay Soomaaliya inteeda kale ka madaxbanaan yihiin

garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada:Gudoomiye Tarsan “Waxaan Berlin u imid inaan iibiyo Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa casuumaad uu ka helay Duqa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ku yimid maalinnimadii Arbacadii, halkaasi oo uu kulamo kala duwan uu kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan dalka Jarmalka.
Casuumaadaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hey’adda FESGermany oo ah Hey’ad caawisa Dunida 3-aad, wuxuuna Duqa Muqdisho mudadii uu joogay kulamo kala duwan uu la qaatay saraakiil ka socotay Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Xildhibaano ka tirsan Xisbiga SPD iyo Jaaliyaddaha dibada ee dalalka Germany, Holland iyo Norwey.
Guddoomiye Tarsan ayaa sheegay in sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay ka danbeysay casuumaad uu ka helay Duqa magaalada Berlin si buu yiri loo mataaneeyo labada magaalo ee Muqdisho iyo Berlin, isagoo intaa raaciyay in xubnihii uu la hadlay ay ka wada hadleen sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa magaalada Muqdisho iyo soo celinta adeegyadii asaasiga u ahaa Nolosha.
“Waxaan halkan u imid inaan iibiyo Muqdisho, macnaha iibintana ha u fahmina iney tahay mid kale ee waa inaan caalamka ku soo jeediyo horumarka iyo dadaalada nabadeed ee ka jira Gobolka, waxaana naga go’an inaan caasimad walba oo caalamka ka tirsan xiriiro la sameyno” ayuu yiri Tarsan.
Tarsan wuxuu sheegay in uu ka rajeynayo in dib loo howlgeliyo goobihii Dowladda Germany ay gacanta ku heysay sida xaruntii Tababarka farsamada, adeegii biyaha ee GTZ, Tababaro shaqo oo dhalinyarada loo sameynayo iyo in ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ay helaan tababar.
Dr. Goloszinski oo ah Guddoomiyaha FESGermany oo ugu mahad celiyay Duqa Muqdisho booqashada uu ku yimid Berlin ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay y taageeri lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo booqashadani ku tilmaamay mid wax badan ka qaban doonto xiriirka labada dhinac.
Asli Axmed Maxamed oo iyadana ururkani u qaabilsan Soomaalida ayaa sheegtay Ururkooda uu u istaagay sidii Dowladda Jermany ugu dhaadhicin lahaayeen isbadalka iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Muqdisho, taasoo ka danbeysay in ka shaqeeyaan casuumaad uu Guddoomiyaha Gobolka uu ku yimaado Berlin.
Asli waxay sheegtay in waxyaabihii laga wada hadlay dhamaan ay noqon doonaan kuwo wax ku ool ah oo horumarka dalka ay qeyb ka qaadan doonto, iyadoo rajeysay in wax badan ay kusoo kordhin doonto booqashada Guddoomiyaha Gobolka uu ku yimid Berlin xiriirla labada magaalo.
Dhinaca kale mudadii uu ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Muqdisho Tarsan wuxuu kulamo uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Germany, Norwey iyo Holland, halkaasi oo la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aadan sidii jaaliyadaha ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Xubnihii kasoo qeybgalay kulamo looga doodayay xaaladda Muqdisho iyo sida ay ugu qeyb qaadan karaan jaaliyaddaha dibada dadaalada nabadeed iyo dib u dhis Muqdisho ayaa waxay soo jeediyeen in si dhab ah looga shaqeeyo marka hore amaanka, waxayna ku amaaneen Duqa Muqdisho dadaalada horumarineed ee uu ka wado Gobolka Banaadir.
Md. Tarsan ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ugu sii gudbi doono magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
garable.com muxudin diini fiidow