Saturday, 9 June 2012

Saraakiisha Dawladda Oo Sheegay in ay ku dhawaadeen Magaalada Kismaayo

ciidamada_huwanta1Saraakiil ka tirsan dowladda KMG ayaa shaaca ka qaaday in ay siweyn ugu dhawaadeen ciidamada dowladda iyo Kenya degmada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose, maalmaha nagu soo foolka lehna gudaha u gali doonaan.
C/naasir Seeraar oo ka mid ah saraakiisha ka dagaallameysa gobollka Jubbada hoose ayaa sheegay in ay wax aan badneyn hadda u jiraan degmada Kismaayo iyaga iyo ciidamada dowladda Kenya, qorshuhuna yahay in maalmaha soo socda la wareegaan degmada.
Sarkaalka u hadllay cidiamada dowladda ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab in ay hubeyneyso shacabka degan hareeraha degmada Kismaayo ee gobollka Jubbada hoose, kuwaasoo ay doonayaan ayuu yiri in ay ka horkeenaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.
“Ciidamada isbahaysanaya waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Biibi oo 75-km u jirta Kismaayo, waxaana qorshaheennu inaan toddobaadyada soo socda gudaha u galno magaalada Kismaayo,” ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamada isbaheysanaya ee ka kooban Kenya, dowladda KMG,  iyo Raaskanbooni ka qabsadeen Al-shabaab degmada Afmadow ee gobollka Jubbada hoose

garable.com
muxudin diini fiidow

Deg deg;Wadaad Soomaaliyeed oo siweyn Utaageeri jiray Shabaab oo Xabsiga Nairobi ladhigay

sh-xasaanWar haatan naga soo garaayo magaalada Nairobi ayaa shegaya in Sheekh Xasaan Xuseen Aadan lagu xiray magaalada nairobi xili oo kusugnaa guri oo kadeganyahe Xaafada islii.
Wadaadkan oo si aad ugu dhow Kooxda shabaab kadagaalabto guaadah dalka somaliya ayaa lasheegay in loo dhaadhiciye xabsiga dhexe magaalada waxaana warbixintaan goor dhow faafisay kooxda shabaab.
Wadaadkan oo marar badan lagu xiray kenya aya siweyn ugu dhow shabaab qudbadihiisa ku Cadeeyo in shabaab xaq kutaaganyihin lowna baahanyahe in dagaalka kaqeyb qataan.
Wadaadkan aya hore loogu soo ceyriye Wadanka Canada kasoo dowlada dalkaasi kamuukiyeen xaalad cabsi kuna wargeliyeen in dib dalkiisa ugu soolaaban.
Isku Sowada duub Wadaadkan ayaa marar badan ladhigay xabsiga nairobi ayadoo bilo kahor ladhigay xabsiga laguna soo daaye Qaab damiin ah madaama ay ehel wadaag yihin shaqsiyaad dowlada kenya kujiro.

garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada:Kulan Xasaasi oo haatan saraakiisha Dowlada &Amisom ugu Soo dhamaaday Xalane


kulan ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Ujeedada kulanka ayaa waxa uu ahaa sidii booliiska Soomaaliyeed looga horumarin lahaa ka hortaga xadgudubyada lagula kaco Haweenka,Caruurta iyo dambiyada kale waxaana hadalo kala duwan kasoo jeediyay halkaasi saraakiil ka kala socdeen labada dhinac. Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Shariif Shiiquna Maya kaasi oo codsaday in la caaawiyo Booliiska Soomaaliyeed si ay awood ugu yeeshaan ka hortaga fal dambiyeedyada lidiga ku ah xuquuqda aadanaha.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska AMISOM sareeyo Gaas Benson Oyo ayaa wuxuu sheegay in maalinta Talaadada Booliiska Soomaaliyeed saraakiil ka socoto tababar loogu qaadi doono dalka Kenya kaasi oo uu sheegay inay maal gelinayso dowladda Denmark.
Taliye ku xigeenka ciiidamada Booliiska AMISOM ayaa sheegay in tababarkaasi lagu bari doono saraakiisha ciidamada booliiska Soomaaliyeed habka looga hortago xadgudubyada loo geesto haweenka iyo caruurta.
Wuxuu sheegay in lagu dhawaaqi doono maxkamad qaada dacwadaha la xiriira tacadiyada loo geesto dadka nugul oo ay qeeybta ka yihiin caruurta iyo haweenka.
Ugu dambeyn ayuu sheegay taliye ku xigeenka ciidamada booliiska AMISOM Benson Oyo Nyeko in booliiskooda ay banaanka usoo bixi doonaan islamarkaana ay caawin doonaan ciidanka booliiska Soomaaliyeed isaga oo tilmaamay in ciidamo badan oo ka tirsan Booliiska AMISOM oo tabar ku qaadanayo dalka Ugandha ay kusoo wajahan yihiin dalka Soomaaliya.
Waa markii ugu horeeysay ee Booliiska AMISOM saraakiishooda ay shaaciyaan inay caawinayaan Booliiska Soomaaliyeed oo saamayn xoog leh ku yeesheen burburkii dalka mudada 21 sano.
Daawo Sawiradda wabarimedia.com muxudin diini fiidow
 



Maxamed C/laahi Farmaajo:- Waxaa jira shaki ku aaddan in madaxda dowladda KMG Soomaaliya ay ku howlanyihiin sidii ay

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed {Farmaajo} oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya oo lagu wado inay dhacaan bartamaha bisha August ee soo socota ayaa waxa ku baaqay in la sameeyo Guddi madaxbannaan oo qabanqaabiya doorashada madaxnimo ee dalka oo dhacaysa bisha August ee sannadkan.
Mr. Farmaajo oo la hadlay saxaafadda Muqdisho ayaa ka hadlay marxaladda kala guurka ah isagoo ku baaqay in la sameeyo Guddi madax-bannaan oo qaban-qaabiya doorasha madaxnimaad dalka si looga fogaado cadaalad-darro iyo musuq-maasuq dhaca, wuxuuna xusay inay lagama maarmaan tahay in Guddigan la dhiso, isagoo hadalkiisa ku daray in loo baahanyahay in qaab cadaaladeed ay wax walba u dhacaan, dalkana laga saaro marxaladda kala guurka ah.
“Waxaa jira shaki ku aaddan in madaxda dowladda KMG Soomaaliya ay ku howlanyihiin arrinta ergada ansixinaysa dastuurka iyo soo xulidda Baarlamaanka cusub, si ay markale isugu soo sharraxaan xilka madaxnimo ee dalka” ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in madaxda hadda ay u hanqal-taagayaan inay xilkaasi qabtaan, isagoo hoosta ka xariiqay in sida keli ah ee looga gudbi karo shakiga jira uu yahy in Guddi madax-bannaan oo doorashada ka shaqeeya la dhiso, inkastoo uusan sheegin cidda dhiseysa Guddigaasi, maadaama uu shaki ka muujiyey Guddi doorasho oo ay dhisaan xubnaha sarsare ee dowladda KMG ee hadda xilka haya

garable.com
muxudin diini fiidow

Madaxweynaha dowladda KMG oo ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay gacan ka geystaan wadahadalo dhexmara dowladda KMG iyo maamulka Somaliland oo uu sheegay inay

Madaxweynaha Soomaaliya dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida inay gacan ka geystaan wadahadalo dhexmara dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Shariif Sheekh oo odayaasha dhaqanka kula kulmay madaxtooyada ayaa xusay inaan marnaba la xallin karin mashaakilka Soomaaliya ka jira haddii aan la wadahadlin loogana baahanyahay odoyaasha dhaqanka inay door ka qaataan wadahadalo lagu soo celinayo midnimada Soomaaliya.
“Waxaa la idinka doonayaa inaad gacan ka geysataan sidii wadahadalo ay u dhexmari lahaayeen dowladda KMG iyo maamulka Somaliland, waan soo dhaweynaynaa fikir walba oo aad soo jeedisaan” ayuu yiri Shariif Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ka go’an tahay dowladda KMG inay la furto Somaliland wadahadalo, inkastoo Somaliland ay horay u qaadacday wadahadalada, iyadoo sheegtay in Guddiga ay dowladda KMG saartay ay ku jiraan xubno u deegaanada ay ka taliso ka soo jeeda.
Odayaasha dhaqanka ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, iyago xusay inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dadaal walba oo nabad looga dhalinayo Soomaaliya, kulammada dhexmaray odayaasha dhaqanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socday laba casho, iyadoo uu Madaxweynuhu ku booqday odayaasha halka ay deggen yihiin, isagoo ku boorriyey inay soo xulaan ergadii ansixinta dastuurka iyo xulidda Xildhibaanada Baarlamaanka.
Dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxay horay ugu shaaciyeen inay yeelanayaan wadahadalo ay uga hadlayaan mustaqbalkooda, kadib go’aan arrintan ku saabsan oo kasoo baxay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlay ee ka dhacay London bishii Feberaayo sanadkan

garable.com
muxudin diini fiidow

Shir ka dhacay dalka Sweden oo si weyn looga hadlay arrimaha Soomaaliya {Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo sheegay

Waxaa magaalada Lund ee dalka Sweden shalay ka furmay shirkii 11-aad ee arrimaha dalalka Geeska Afrika ayaa sanadkan waxaa si weyn looga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan ammaanka, nbabadda, xasilooni iyo horumar joogto ah oo ay helaan Soomaaliya iyo dalalka Geeska Afrika.
Ergooyin ka kala ka socda dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea, Suudaan, Jabuuti, South Sudan iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Shaqsiyaad ka socday Ururo shirka lagu casuumay ayaa shirka ka qeybgalay, isla markaasna ka soo jeediyay khudbada kala duwan oo u badan xaaladda Soomaaliya.
Shirka oo socon doona seddex maalmood ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay Rowan Laxton oo ah La taliyaha gaarka ah ee dhinaca siyaasadda ee Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Danjire Ambassador Mahiga, wuxuuna ka taariikheeyay Road Map-ka Soomaaliya iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray sida shirarkii Muqdisho, Garowe I iyo Garowe II Gaalkacyo iyo odayaasha dhaqanka oo hadda ku howlan soo xulitaanka ergooyinkii dastuurka ansixin lahaa, wuxuu xusay in xaalado adag laga soo maray meelmarinta Road map-ka sida uu yiri.
Mr. Rowan Laxton wuxuu si cad u sheegay inay doonayaan in Soomaalida ay la haato doorka hogaaminta geeddi socodka looga guurayo kumeel gaarka, isla markaasna loogu guurayo dowlad buuxda, wuxuuna meesha ka saaray in Soomaalida ay daawadayaal ka noqonayaan aayaha mustaqbalkooda.
Dhinaca kale Jeremy Lester oo ka socda Midowga Yurub ayaa sidoo kale shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageero dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada. Sidoo kale wuxuu xusay in ay dhaqaale ku bixiyaan howlgalka AMISOM, tababarrada Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo La-dagaalanka Burcad Badeedda.
Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti Xasan Darar Huffaneh ayaa waxa uu sheegay in gobolka Geeska Afrika uu muddo la daalaa-dhacayay isku dhacyo siyaasadeed, colaado iyo gaajo, wuxuu ka hadlay nabadda iyo ammaanka, isagoo soo qaatay in marka ammaan laga hadlayo ay gobolka ka jiraan dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo isugu jira kuwo ay keeneen waxuu uguyeeray argagixisada, dagaalada iyo kuwo salka ku haya dhaqaalaha.
Burcad Badeedda ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna carabka ku adkeeyay in burcad badeedda aysan ku dhalan Badda, uuna sabab kalluumeysiga sharcidarada ah, inkastoo uu xusay inay ka soo horjeedaan in maraakiib la af-duubto oo haddana madax furasho lagu sii daayo, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadatay soo celinta xornimadii dalka Jabuuti sidaas oo kalena ay Jabuuti isku howshay inay soo celiso dowladdii Soomaaliya ka dib qaran-jabkii Soomaaliya ku dhacay, wuxuuna xusay inay labada dal leeyihiin xiriir wanaagsan oo walaaltinimo

garable.com
muxudin diini fiidow

RA’IISUL WASAARE GAAS: "CAALAMKA HA SOO CADEEYAAN LACAGAHA LA LUNSADAY

 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlayey Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan wax shaqo ah ku lahayn lacagihii dhawaan Bangiga Adduunka uu ku eedeeyey in la musuq maasuqay.
Dr. Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in looga baahan yahay Bangiga Adduunka inay soo cadeeyaan jiritaanka arrintaasi oo uu sheegay in xukuumaddiisu aysan ka warqabin, balse uu malaynayo in xukuumadihii ka horeeyey ay ku lug leeyihiin arrintaas.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay mar uu ka hadlayay Sanduuqii dhawaan loogu yaboohay Soomaaliya ee lacagaha loogu aruurinayo in taasi ay ku timid aragtida Dowladda Soomaaliya, islamarkaana Sanduuqaasi ay maamuli doonaan dad shisheeye sida uu hadalka u dhigay.

Bandiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan wuxuu eedeyn ugu jeediyey Dowladda Soomaaliya taasoo uu ku eedeeyey inay masuq maasuqday lacago badan oo loogu yaboohay Dalka Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow