Saturday, 9 June 2012

Shir ka dhacay dalka Sweden oo si weyn looga hadlay arrimaha Soomaaliya {Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo sheegay

Waxaa magaalada Lund ee dalka Sweden shalay ka furmay shirkii 11-aad ee arrimaha dalalka Geeska Afrika ayaa sanadkan waxaa si weyn looga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan ammaanka, nbabadda, xasilooni iyo horumar joogto ah oo ay helaan Soomaaliya iyo dalalka Geeska Afrika.
Ergooyin ka kala ka socda dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea, Suudaan, Jabuuti, South Sudan iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Shaqsiyaad ka socday Ururo shirka lagu casuumay ayaa shirka ka qeybgalay, isla markaasna ka soo jeediyay khudbada kala duwan oo u badan xaaladda Soomaaliya.
Shirka oo socon doona seddex maalmood ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay Rowan Laxton oo ah La taliyaha gaarka ah ee dhinaca siyaasadda ee Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Danjire Ambassador Mahiga, wuxuuna ka taariikheeyay Road Map-ka Soomaaliya iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray sida shirarkii Muqdisho, Garowe I iyo Garowe II Gaalkacyo iyo odayaasha dhaqanka oo hadda ku howlan soo xulitaanka ergooyinkii dastuurka ansixin lahaa, wuxuu xusay in xaalado adag laga soo maray meelmarinta Road map-ka sida uu yiri.
Mr. Rowan Laxton wuxuu si cad u sheegay inay doonayaan in Soomaalida ay la haato doorka hogaaminta geeddi socodka looga guurayo kumeel gaarka, isla markaasna loogu guurayo dowlad buuxda, wuxuuna meesha ka saaray in Soomaalida ay daawadayaal ka noqonayaan aayaha mustaqbalkooda.
Dhinaca kale Jeremy Lester oo ka socda Midowga Yurub ayaa sidoo kale shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageero dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada. Sidoo kale wuxuu xusay in ay dhaqaale ku bixiyaan howlgalka AMISOM, tababarrada Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo La-dagaalanka Burcad Badeedda.
Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti Xasan Darar Huffaneh ayaa waxa uu sheegay in gobolka Geeska Afrika uu muddo la daalaa-dhacayay isku dhacyo siyaasadeed, colaado iyo gaajo, wuxuu ka hadlay nabadda iyo ammaanka, isagoo soo qaatay in marka ammaan laga hadlayo ay gobolka ka jiraan dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo isugu jira kuwo ay keeneen waxuu uguyeeray argagixisada, dagaalada iyo kuwo salka ku haya dhaqaalaha.
Burcad Badeedda ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna carabka ku adkeeyay in burcad badeedda aysan ku dhalan Badda, uuna sabab kalluumeysiga sharcidarada ah, inkastoo uu xusay inay ka soo horjeedaan in maraakiib la af-duubto oo haddana madax furasho lagu sii daayo, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadatay soo celinta xornimadii dalka Jabuuti sidaas oo kalena ay Jabuuti isku howshay inay soo celiso dowladdii Soomaaliya ka dib qaran-jabkii Soomaaliya ku dhacay, wuxuuna xusay inay labada dal leeyihiin xiriir wanaagsan oo walaaltinimo

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment