Saturday, 9 June 2012

RA’IISUL WASAARE GAAS: "CAALAMKA HA SOO CADEEYAAN LACAGAHA LA LUNSADAY

 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlayey Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan wax shaqo ah ku lahayn lacagihii dhawaan Bangiga Adduunka uu ku eedeeyey in la musuq maasuqay.
Dr. Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in looga baahan yahay Bangiga Adduunka inay soo cadeeyaan jiritaanka arrintaasi oo uu sheegay in xukuumaddiisu aysan ka warqabin, balse uu malaynayo in xukuumadihii ka horeeyey ay ku lug leeyihiin arrintaas.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay mar uu ka hadlayay Sanduuqii dhawaan loogu yaboohay Soomaaliya ee lacagaha loogu aruurinayo in taasi ay ku timid aragtida Dowladda Soomaaliya, islamarkaana Sanduuqaasi ay maamuli doonaan dad shisheeye sida uu hadalka u dhigay.

Bandiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan wuxuu eedeyn ugu jeediyey Dowladda Soomaaliya taasoo uu ku eedeeyey inay masuq maasuqday lacago badan oo loogu yaboohay Dalka Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment