Saturday, 9 June 2012

Maxamed C/laahi Farmaajo:- Waxaa jira shaki ku aaddan in madaxda dowladda KMG Soomaaliya ay ku howlanyihiin sidii ay

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed {Farmaajo} oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya oo lagu wado inay dhacaan bartamaha bisha August ee soo socota ayaa waxa ku baaqay in la sameeyo Guddi madaxbannaan oo qabanqaabiya doorashada madaxnimo ee dalka oo dhacaysa bisha August ee sannadkan.
Mr. Farmaajo oo la hadlay saxaafadda Muqdisho ayaa ka hadlay marxaladda kala guurka ah isagoo ku baaqay in la sameeyo Guddi madax-bannaan oo qaban-qaabiya doorasha madaxnimaad dalka si looga fogaado cadaalad-darro iyo musuq-maasuq dhaca, wuxuuna xusay inay lagama maarmaan tahay in Guddigan la dhiso, isagoo hadalkiisa ku daray in loo baahanyahay in qaab cadaaladeed ay wax walba u dhacaan, dalkana laga saaro marxaladda kala guurka ah.
“Waxaa jira shaki ku aaddan in madaxda dowladda KMG Soomaaliya ay ku howlanyihiin arrinta ergada ansixinaysa dastuurka iyo soo xulidda Baarlamaanka cusub, si ay markale isugu soo sharraxaan xilka madaxnimo ee dalka” ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in madaxda hadda ay u hanqal-taagayaan inay xilkaasi qabtaan, isagoo hoosta ka xariiqay in sida keli ah ee looga gudbi karo shakiga jira uu yahy in Guddi madax-bannaan oo doorashada ka shaqeeya la dhiso, inkastoo uusan sheegin cidda dhiseysa Guddigaasi, maadaama uu shaki ka muujiyey Guddi doorasho oo ay dhisaan xubnaha sarsare ee dowladda KMG ee hadda xilka haya

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment