Saturday, 9 June 2012

Madaxweynaha dowladda KMG oo ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay gacan ka geystaan wadahadalo dhexmara dowladda KMG iyo maamulka Somaliland oo uu sheegay inay

Madaxweynaha Soomaaliya dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida inay gacan ka geystaan wadahadalo dhexmara dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Shariif Sheekh oo odayaasha dhaqanka kula kulmay madaxtooyada ayaa xusay inaan marnaba la xallin karin mashaakilka Soomaaliya ka jira haddii aan la wadahadlin loogana baahanyahay odoyaasha dhaqanka inay door ka qaataan wadahadalo lagu soo celinayo midnimada Soomaaliya.
“Waxaa la idinka doonayaa inaad gacan ka geysataan sidii wadahadalo ay u dhexmari lahaayeen dowladda KMG iyo maamulka Somaliland, waan soo dhaweynaynaa fikir walba oo aad soo jeedisaan” ayuu yiri Shariif Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ka go’an tahay dowladda KMG inay la furto Somaliland wadahadalo, inkastoo Somaliland ay horay u qaadacday wadahadalada, iyadoo sheegtay in Guddiga ay dowladda KMG saartay ay ku jiraan xubno u deegaanada ay ka taliso ka soo jeeda.
Odayaasha dhaqanka ayaa soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, iyago xusay inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dadaal walba oo nabad looga dhalinayo Soomaaliya, kulammada dhexmaray odayaasha dhaqanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socday laba casho, iyadoo uu Madaxweynuhu ku booqday odayaasha halka ay deggen yihiin, isagoo ku boorriyey inay soo xulaan ergadii ansixinta dastuurka iyo xulidda Xildhibaanada Baarlamaanka.
Dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxay horay ugu shaaciyeen inay yeelanayaan wadahadalo ay uga hadlayaan mustaqbalkooda, kadib go’aan arrintan ku saabsan oo kasoo baxay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlay ee ka dhacay London bishii Feberaayo sanadkan

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment