Saturday, 9 June 2012

Saraakiisha Dawladda Oo Sheegay in ay ku dhawaadeen Magaalada Kismaayo

ciidamada_huwanta1Saraakiil ka tirsan dowladda KMG ayaa shaaca ka qaaday in ay siweyn ugu dhawaadeen ciidamada dowladda iyo Kenya degmada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose, maalmaha nagu soo foolka lehna gudaha u gali doonaan.
C/naasir Seeraar oo ka mid ah saraakiisha ka dagaallameysa gobollka Jubbada hoose ayaa sheegay in ay wax aan badneyn hadda u jiraan degmada Kismaayo iyaga iyo ciidamada dowladda Kenya, qorshuhuna yahay in maalmaha soo socda la wareegaan degmada.
Sarkaalka u hadllay cidiamada dowladda ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab in ay hubeyneyso shacabka degan hareeraha degmada Kismaayo ee gobollka Jubbada hoose, kuwaasoo ay doonayaan ayuu yiri in ay ka horkeenaan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.
“Ciidamada isbahaysanaya waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Biibi oo 75-km u jirta Kismaayo, waxaana qorshaheennu inaan toddobaadyada soo socda gudaha u galno magaalada Kismaayo,” ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamada isbaheysanaya ee ka kooban Kenya, dowladda KMG,  iyo Raaskanbooni ka qabsadeen Al-shabaab degmada Afmadow ee gobollka Jubbada hoose

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment