Tuesday, 5 June 2012

Faroole oo Magaaladii ugu Danbeyse Maamul Goboleed Xoog Oga qaatay

tukaraqWaxaa xukuumada Maamul Goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo  Madaxweyne Faroole lagala wareegay magaalada Tukaraq o aheyd meeshii ugu danbeysay oo maamulkaas gacanta uga hayey gobolka Sool.
Wararka waxa ay sheegayaan in Maamulka Khaatumo si nabdoon oo aan dhiig ku daadan ay kala wareegeen Puntland. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii Puntland ka tirsanaa ay taageeradoodii siiyeen Khaatumo oo ay ku biireen Maamulkaas.
Tukaraq waxa ay Xukuumada Maamul Goboleedka Puntland ku laheyd bar kooontarool ah oo ay baarto hadba baaburta ka gudbaya halkaas iyada oo ay canshuuraadkana ku qaadi jireen walow aan la ogeyn cadadka daqliga ee Maamulka Madaxweyne Faroole kasoo gali jirey halkaas.
Madaxda Puntland ilaa hada kama aysan hadlin la wareeegida Tukaraq.

garable.com
muxudin diini fiidow

Khilaaf ka dhex curtay Raisul wasaaraha DKMG Somalia iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka

muqdisho [wabarimedia.com]wararka naga soo gaaray Dhanka DKMG Somalia ayaa sheegaya in uu xumaaday xiriirka Raisul wasaaraha Dowlada Somalia C/wali Gaas iyo Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida Qaranka soomaaliya Axmed Moalim Fiqi kadib markii Agaasimaha uu warbaahinta magaalada Muqdisho ka baahiyay in Xassan Daahir uu soo galay gacanta DKMG Somalia.

Masuuliyiinta Hay’adda Nabadsugida iyo madaxda sar sare dowlada soomaaliya ayaa axdi ku galay in aan la shaacin Isa soo dhiibida Hoggaamiyihii hore Meylka adkaa ee Xisbul Islam Xassan Daahir Aweys hayeeshe Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida uu axdiga baayacay islamarkaana warbaahinta ka qeylshay
Raisul wasaaraha DKMG Somalia ayaa isagu dhankiisa ka sheegay in Axmed Fiqi uu yahay shaqsi aan u qalmin xubinta uu ka haayo Hay’adda Nabadsugida.

Islamarkaan Raisul wasaaraha uu sheegay in Fiqi uu sabab u ahaan doono khilaaf ka dhex curta mudanayaasha iminka ku howlan xal u helida isa soo dhiibida Xassan Daahir Aweys waxaana la aaminsanyahay in Xasan daahir uu ku suganyahay Villa Somalia balse la qarinaayo sida laga soo xigtay masuul katirsan DKMG soamalia.

Khilaafka kadhashay Isa soo dhiibida Xassan Daahir ayaa soo dadajiyay in madaxweynaha DKMG Somali uu dalka dib ugu laabtay maalintii shalay kadib markii ay xumaatay xaalada siyaasadeed ee ka dhex aloolsantay Raisul wasaare Gaas iyo Axmed Fiqi, walow Raisul wasaaraha uu si bareer cad u sheegay in Axmed Fiqi uu la saftay Xassan Daahir oo ay isku heebyihiin arintaasina ay soo dadajisay in Xasan Daahir uu ka dhashay murun qabiiled qaraabadiisina la faray in warbaahinta ay ka shaaciyaan in Xasan daahir uusan isku dhiibin DKMG Somalia si looga bad-baado hadal haynta warbaahinta ee wada hadalka u dhexeeya Dowlada iyo Xassan daahir.

Ugu danbeyntii waa markii ugu horeysay Khilaaf uusoo kala dhex galo Raisul wasaare Gaas iyo Axmed Fiqi walow masuuliyiinta qaar khilaafkaasi ay ku micneeyen in uu yahay mid salka ku haaya qabiil qabiil Axmed Fiqina uu doonaayo in Adeerkiisa Xasan daahir nabad galyo helo hayeeshe arintaasina ay ku hingooben siyaasiyiinta Dowlada Somalia


garable.com
muxudin diini fiidow

Madaxweyne Shariif oo Bulshada Caalamka u Cadeeyay Midhaha uu ka rabo Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya

Istanbul  (wabarimedia.com)- Madaxweynaha dawladda tamarta daran ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa khudbad uu ka jeediyay xidhitaankii shirka Turkiga oo ay weftiga Somaliland fadhiyeen, wuxuu ku soo hadal qaaday wadahadalada Somaliland iyo Somaliya u bilaabmi doona, waxaanu bulshada caalamka u cadeeyay nataiijada uu ka rabo wada hadaladaas.
Sheekh Shariif, ayaa wuxuu khudbadaas jeediyay xidhitaankii shirka oo ku beegnayd Jimcihii, kaasoo ay si kedis ah weftiga Somaliland uga qaybgaleen, iyagoo hore u sheegay in aanay ka qaybgeli doonin qaybta siyaasadda ee shirkaas. “Talaabooyinka aanu u qaadnay dhinaca fulinta khariidadii nabadda waxa noo dheer in aanu sidoo kale idiin xaqiijinayno in xilligii ay wada hadalo dib u heshiisiin qaran ahi dhex mari lahaayeen waqooyiga iyo koonfurtu uu soo dhawaaday iyo in la dhammaystiray magacaabista ergooyinkii wada hadalada uga qayb geli lahaa labada dhinac, iyo in u diyaar garowgii lagama maarmaanka u ahaa wada xaajoodku uu bilowday, laguna wado inay wada hadaladu dhacaan wakhti aad u dhow inshaalah.” Ayuu yidhi Sheekh Shariif, waxaanu intaas raaciyay “In laysugu yimaado miiska wada hadalka si la isula meel dhigo khilaafaadka noo dhexeeya annaga iyo walaalahayga waqooyi ee ku andacooday goosasho dhinac keliya ah si ay wax waliba sidoodii caadiga ahayd ugu soo noqdaan dhibaatada qarankuna u dhammaato, oo xaaladda Somaliyana ay ku soo noqoto sideedii caadiga ahayd, iyada oo talada dalkuna ay gacanta ugu jirto dadka Somaliyed oo u dhaqma hab dimuqraadi ah oo hufan oo dhammaan si siman loogu tartamo.”
Hadalka Sheekh Shariif, ayaa wuxuu u muuqdaa inuu bulshada caalamka u cadaynayo nooca ay tahay natiijada uu ka rabo inay ka soo baxdo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow

Nalal ku shaqeeya Ileyska Qoraxda oo laga hirgalinayo Wadooyinka Muqdisho


Maamulka Gobolka Banadir ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Nalal casri ah oo ku shaqeeya Cadceeda Qoraxda laga hirgalinayaa Qaar ka tirsan Wadooyinka ku yaalla Muqdisho.
Warsame Max’ed Xasan (Warsame Joodax) ayaa sheegay in qorshahooda ugu horeeya uu yahay inay Nalalkaasi ay ku xiraan Wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho halkaasi lagu dhisay illaa 50 Baale oo lagu xirayo Nalalkaasi.
Baalayaashaan dhismahooda uu ka socda Wadada Makka Almukarama ayaa waxaa la tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka helay Hay’ad ka dhisan dalka Norway ayna u xilsaartay Maamulka in ay ku tijaabiyaan wadadaasi.
Wadada Maka Al Mukarama oo ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdish ayaa inta badan waxaa ka socda dayactir dib loogu soo celinayo bilicdii ay laheyd waagii hore
Warsame Max’ed Xasan (Warsame Joodax) oo Saxaafadda kula hadlay Wadada Makka Almukarama ayaa waxa uu sheegay in Mashruucan uu Fursad Qaali ah u tahay Shacabka Soomaliyeed loona bahan yahay in ay ka faa’ideystaan islamaarkaana ay ilaaaaliyaan.
Warsame Joodax ayaa sidoo kale sheegay in Nalalkan la gaarsiin doono dhamaan Wadooyinka Muqdisho hadii lagu guulaysto Tijabadooda.
Dhinaca kale Sidoo kale Taliye ku xigeenka qeybta Nabad galyada Wadooyinka ee Taraafikada Gaashaanle Dhexe Muxudiin Geedi Bashaal waxa uuna Digniin u diray Gadiidleyda Muqdisho, isagoo ka digay in la waxyeeleeyo Baalayasha lagu xiray Wadad Makka Almukarama

garable.com
muxudin diini fiidow

Dowladda oo canshuur qaadis ka bilowday degmada Afgooye


Dowladda KMG ah ayaa saaka degmada Afgooye ka bilowday qaadista Canshuuraadka, si loogu horumariyo adeegyada bulshada degmadaasi.
Canshuurta ayaa laga qaadayay gaadiidka iyo goobaha ganacsiga waxaana la Arkayay Laba barood oo gaadiidka lagu canshuurayo, iyadoo dadweynaha ku Dhaqan degmadaasi ay si diirran usoo dhaweeyeen tallaabadan lagu ururinayo Dakhliga dowladda.
Qaadista canshuurta saaka ka billaabatay degmada Afgooye ayaa timid kadib Markii maamulka degmadaasi oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada qalabka sida Ay maalmihii la soo dhaafay kulamo ku saabsan arintaasi la lahaayeen waxgaradka Iyo ganacsatada degmadaasi, iyadoo la isku afgartay in la billaabo ururinta Canshuurta dowladda.
<p>Daqliga canshuurta ayaa lagu hormarinkaraa, laguna soo nooleeynkaraa Adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee muddada dheer ka Oognaa dalkeeenna.

garable.com
muxudin diini fiidow

DAAWO SAWIRO QAAS AH OO LAGA QAADEY MADAXWEYNE SHEIKH SHARIIF

 daxweenaha oo xaaskiisa sida boqortooyo looshuminaayo iyo madaxweenaha oo hada lamacaaday  madaxweene nimada oo aduunka oo dhan taageero kawaayay oo loogu bishaareeyay in oo kadago xukunka oo niyada kajabay alla ciilbadanaa waxaa baratay oo waayi rabto waa yaabka yaabkiisane  garable.com muxudin diini fiidow


LABA JIR NORWAY U DHASHEY OO BAABUURKII AWOWGII BADA KU TUUREY


skien wabarimedia.com Ma ogtahey akhristow iney khatar weyni ku jirto, hadii aad gaadhigaga ka dhex tagto ilmo yar oo caruura.  Maalintii sababtii 02.June-2012 ayaa magaalo yar oo magaceeda la yidhaa Lindås kuna taala Dalka Norway waxaa ka dhacdey qiso cajiiba, ka dib markii nin odey oo dadiisu tahey 69 uu gaadhi uu watey kaga dhex tagey wiil yar oo uu awow u yahey oo dadiisu tahey 2 sano jir.
 


Ninkaa odeyga oo u socdey meel Geerash oo gawaadhida lagu sameeya ayaa gaadhigii uu wadey ku parking gareeyay meel aan sida uga dheerayn Geerashka isagoo ilaawey inuu gaadhiga Handbrake u sii jiido balse geerka nr one ku sii xafidey. Hadaba maxaa dhacey markii odeygii gaadhigii ka tagey ?.
Wiilka yar oo ahaa mid gacmaha Baranbaro loogu bururiyay ayaa Geerkii gaadhiga tiigsadey, waxaanu dhigey meesha dhexe ee khaliga la yidhaa. Gaadhigiina intuu iska taraarey ayuu ka shalwadey, kaabad dheer oo biyaha baduna hoos jiifaan. Qayladii dadka ayuu odeygiina orad i soo daayey waxaanu iska daba tuurey gaadhigii bada quusey oo kii yaraa dhex dadbaalanayo, isagoo isku dayey inuu wiilka yar badbaadiyo!!!.

Waxba Alle ugumuu tarin, ee odeygii iyo kii yaraa oo biyo ka dhergey ayaa dadka ka shaqeeya gargaarka degdega ah ee dalkani biyihii ka soo saareen, waxaana hada labadoodii oo koma ku jira lagu daweynaya Cusbatal weyn oo ku yaalaa Gobalka ay degan yihiin ee dalkan Norway

garable.com
mux udin diini fiidow

Xuseen C. Ciise "Mar dhow Gobolada dalka waa la isu furayaa, dagaalkii fool ka fool waa dhamaaday"

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in marxalad cusub uu galay howl galada ay wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah Shabaab.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Afka Dowladda ku hadasha ayuu Wasiirka Gaashaandhiga sheegay in dhowaan la isu furi doono wadooyinka Gobolada dalka iyo deegaanada kala xirnaa, isagoo cadeeyay inuu dhamaaday dagaalkii fool ka foolka ahaa.

"Dagaalkii fool ka foolka ahaa waa dhamaaday, weji cusub ayuu galay, dhowaan waxaa ku guuleysaneynaa inaan isu furno Gobolada dalka oo dhan"ayuu yiri Xidiga Golaha Wasiirada Xuseen Carab Ciise.

Mr Carab Ciise ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awoodooda yaratay, isla markaana xilligan aanay laheyn awood ay ugu babac dhigaan Ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM sida uu yiri.

"Waxaan ku rajo weynahay inaan isu furno wadooyinka Afgooye, Baydhabo ilaa Kismaayo, sidoo kale in Gobolada kalena ay sidaas isugu furnaadaan"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mar la weydiiyay su'aal aheyd wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye weerarada ka dhaca, in wali aan wax laga qaban, ayuu sheegay in qorshaheeda wadaan, isla markaana weerarada qaar ay yihiin kuwo aan buurneyn.Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ka sii riixaya Shabaab, iyadoo dhanka koofur markii u horeysay ugu tallaabay in ka badan 30-KM, markii Shabaab ka qabsadeen degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose


garable.com
muxudin diini fiidow


Xiisado Dagaal oo laga Dareemaayao Magaalada Kismaayo

Kismaayo-1WARARKII UGU DANBEEYAY

 

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose ayaa sheegaaya in xiisado dagaal iyo cabsi aad u ballaaran ay maanta ka jirta halkaasi, ayadoona Ciidamada isgarabsanaya ee dhawaan la wareegay Afmadow ay ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ku tagaan magaalada Kismaayo.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsan waxaana Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ay magaalada ka wadaan raaf iyo daad gureyn ay ku wadaan dhalinyarada ka soo horjeeda fikradahooda qalafsan.
Ciidamada Dawladda iyo kuwa Kenya ee dhawaan qabsaday Afmadow ayaa lagu soo waramayaa inay xoojiyeen labada waddo ee Afmadow ka kala aada dhinacyada magaalada Kismaayo iyo magaalada Bu’aale.
Maleeshiyaadkii Shabaabka ee laga soo qabsaday gobbolada Shabeellaha Hoose iyo Afmadow ayaa isugu tagay magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda si ay magaalada u difaacdaan

garable.com
muxudin diini fiidow

SH, Xassan Daahir: waa been ay abuureen xubno ka tirsan Dawlad ku sheega ee warbaahintu haka fiirsato wararka ay sheegayaan.



Saraakil u hadashay Shikh Xassan Daahir Aweys ayaa si adag u beeniyay warar idaacadaha iyo Website yada Somaalidu aad isula dhexmarayeen kuwaasi oo ku saabsanaa in shikh Xassan Daahir Aweys  uu isuso dhibayo DKMG ah ee Somaaliya islamarkaana heshiis la galayo.
Kadib baaritaan dheer o ay Warbaahinta wabarimedia.com Samaysay ayay ku heshay in wararkaasi ay yihin kuwo been abur ah oo ay samayeen xubno ka tirsan DKMG ah ee Somaaliya oo donaya inn ay ogaadaan Mawqif Shiikh Xassan Daahir Aweys maadaama Cududii Ciidan ee al shabaab la wiiqay.
Shiikh Xassan Daahir Aweys oo maalmihi ugu danbeeyay ka gaabsaday la hadalka Idaacadaha Somaalida iyo kuwa Caalamiga ahba ayaa intabadan mawqifkisa waxaa uu ku soo bandhigaa Masaajidada iyo Meelaha laga cibaadaysto.
Tafatiraha wabarimedia.com oo xirir la sameeyay Sarkaal aad ugu dhaw Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ku yiri’’ Wax waqti ah ha isaga luminin hadalkaan aad I weydinayso ee ah in Shikh Xassan Daahir Aways uu donayo in u Heshiis la galo Shiikh Sharif iyo waxa aad Dawlada ku sheegayso’’.
Tafatiraha ayaa isku dayay in uu la hadlo Shiikh Xassan Daahir Aweys ha se yeeshee waxaa loo sheegay in shiikhu aanu xilligaan diyaar u ahayn in uu warbaahin la hado iyadoo Shiikh Xassan Daahir uu ku sugan yahay meel kamid ah gobolada Konfureed ee Somaaliya.
Shiikh Xassan Daahir ayay ciidamadisu si tartiib ah uga baxeen deegaanka Ceelasha Biyaha, Afgooye iyo Lafoole oo ahayd saldhigyadii ugu muhim sanaa ee uu ka duuli jiray  ama Gabaadka ka dhigan jiray.
Shiikh ayaa xeelado badan oo uu isku dayay in uu ku hawlgalo waxaa ka hor istaagay Amiirka Al shabaab iyo qaar kamid ah Saraakisha Al shabaab hase yeeshee waxaa uu bilihi ugu danbeeyay go’aansaday in uu qaab kale ula macaamilo saraakisha Al shabaab gaar ahaan Amirka.
Waa jirtaa in Shikh Xassan Daahir aweys u wado qorshe ka duwan kan Al shabaab hase ahaatee ma ahan mid uu kula heshisinayo Shiikh Shariif iyo Xulafadisa ayuu yiri Mas uul ka agdhawaa Shiikh Xassan Daahir Aweys isagoo ka gaabsaday in u arintaasi faah faahin ka bixiyo

garable.com
muxudin diini fiidow