skien wabarimedia.com Ma ogtahey akhristow iney khatar weyni ku jirto, hadii aad gaadhigaga ka dhex tagto ilmo yar oo caruura. Maalintii sababtii 02.June-2012 ayaa magaalo yar oo magaceeda la yidhaa Lindås kuna taala Dalka Norway waxaa ka dhacdey qiso cajiiba, ka dib markii nin odey oo dadiisu tahey 69 uu gaadhi uu watey kaga dhex tagey wiil yar oo uu awow u yahey oo dadiisu tahey 2 sano jir.
Ninkaa odeyga oo u socdey meel Geerash oo gawaadhida lagu sameeya ayaa gaadhigii uu wadey ku parking gareeyay meel aan sida uga dheerayn Geerashka isagoo ilaawey inuu gaadhiga Handbrake u sii jiido balse geerka nr one ku sii xafidey. Hadaba maxaa dhacey markii odeygii gaadhigii ka tagey ?.
Wiilka yar oo ahaa mid gacmaha Baranbaro loogu bururiyay ayaa Geerkii gaadhiga tiigsadey, waxaanu dhigey meesha dhexe ee khaliga la yidhaa. Gaadhigiina intuu iska taraarey ayuu ka shalwadey, kaabad dheer oo biyaha baduna hoos jiifaan. Qayladii dadka ayuu odeygiina orad i soo daayey waxaanu iska daba tuurey gaadhigii bada quusey oo kii yaraa dhex dadbaalanayo, isagoo isku dayey inuu wiilka yar badbaadiyo!!!.
Waxba Alle ugumuu tarin, ee odeygii iyo kii yaraa oo biyo ka dhergey ayaa dadka ka shaqeeya gargaarka degdega ah ee dalkani biyihii ka soo saareen, waxaana hada labadoodii oo koma ku jira lagu daweynaya Cusbatal weyn oo ku yaalaa Gobalka ay degan yihiin ee dalkan Norway
garable.com
mux udin diini fiidow
No comments:
Post a Comment