Tuesday, 5 June 2012

Xiisado Dagaal oo laga Dareemaayao Magaalada Kismaayo

Kismaayo-1WARARKII UGU DANBEEYAY

 

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose ayaa sheegaaya in xiisado dagaal iyo cabsi aad u ballaaran ay maanta ka jirta halkaasi, ayadoona Ciidamada isgarabsanaya ee dhawaan la wareegay Afmadow ay ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ku tagaan magaalada Kismaayo.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsan waxaana Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ay magaalada ka wadaan raaf iyo daad gureyn ay ku wadaan dhalinyarada ka soo horjeeda fikradahooda qalafsan.
Ciidamada Dawladda iyo kuwa Kenya ee dhawaan qabsaday Afmadow ayaa lagu soo waramayaa inay xoojiyeen labada waddo ee Afmadow ka kala aada dhinacyada magaalada Kismaayo iyo magaalada Bu’aale.
Maleeshiyaadkii Shabaabka ee laga soo qabsaday gobbolada Shabeellaha Hoose iyo Afmadow ayaa isugu tagay magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda si ay magaalada u difaacdaan

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment