Tuesday, 5 June 2012

SH, Xassan Daahir: waa been ay abuureen xubno ka tirsan Dawlad ku sheega ee warbaahintu haka fiirsato wararka ay sheegayaan.



Saraakil u hadashay Shikh Xassan Daahir Aweys ayaa si adag u beeniyay warar idaacadaha iyo Website yada Somaalidu aad isula dhexmarayeen kuwaasi oo ku saabsanaa in shikh Xassan Daahir Aweys  uu isuso dhibayo DKMG ah ee Somaaliya islamarkaana heshiis la galayo.
Kadib baaritaan dheer o ay Warbaahinta wabarimedia.com Samaysay ayay ku heshay in wararkaasi ay yihin kuwo been abur ah oo ay samayeen xubno ka tirsan DKMG ah ee Somaaliya oo donaya inn ay ogaadaan Mawqif Shiikh Xassan Daahir Aweys maadaama Cududii Ciidan ee al shabaab la wiiqay.
Shiikh Xassan Daahir Aweys oo maalmihi ugu danbeeyay ka gaabsaday la hadalka Idaacadaha Somaalida iyo kuwa Caalamiga ahba ayaa intabadan mawqifkisa waxaa uu ku soo bandhigaa Masaajidada iyo Meelaha laga cibaadaysto.
Tafatiraha wabarimedia.com oo xirir la sameeyay Sarkaal aad ugu dhaw Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ku yiri’’ Wax waqti ah ha isaga luminin hadalkaan aad I weydinayso ee ah in Shikh Xassan Daahir Aways uu donayo in u Heshiis la galo Shiikh Sharif iyo waxa aad Dawlada ku sheegayso’’.
Tafatiraha ayaa isku dayay in uu la hadlo Shiikh Xassan Daahir Aweys ha se yeeshee waxaa loo sheegay in shiikhu aanu xilligaan diyaar u ahayn in uu warbaahin la hado iyadoo Shiikh Xassan Daahir uu ku sugan yahay meel kamid ah gobolada Konfureed ee Somaaliya.
Shiikh Xassan Daahir ayay ciidamadisu si tartiib ah uga baxeen deegaanka Ceelasha Biyaha, Afgooye iyo Lafoole oo ahayd saldhigyadii ugu muhim sanaa ee uu ka duuli jiray  ama Gabaadka ka dhigan jiray.
Shiikh ayaa xeelado badan oo uu isku dayay in uu ku hawlgalo waxaa ka hor istaagay Amiirka Al shabaab iyo qaar kamid ah Saraakisha Al shabaab hase yeeshee waxaa uu bilihi ugu danbeeyay go’aansaday in uu qaab kale ula macaamilo saraakisha Al shabaab gaar ahaan Amirka.
Waa jirtaa in Shikh Xassan Daahir aweys u wado qorshe ka duwan kan Al shabaab hase ahaatee ma ahan mid uu kula heshisinayo Shiikh Shariif iyo Xulafadisa ayuu yiri Mas uul ka agdhawaa Shiikh Xassan Daahir Aweys isagoo ka gaabsaday in u arintaasi faah faahin ka bixiyo

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment