Tuesday, 5 June 2012

Khilaaf ka dhex curtay Raisul wasaaraha DKMG Somalia iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka

muqdisho [wabarimedia.com]wararka naga soo gaaray Dhanka DKMG Somalia ayaa sheegaya in uu xumaaday xiriirka Raisul wasaaraha Dowlada Somalia C/wali Gaas iyo Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida Qaranka soomaaliya Axmed Moalim Fiqi kadib markii Agaasimaha uu warbaahinta magaalada Muqdisho ka baahiyay in Xassan Daahir uu soo galay gacanta DKMG Somalia.

Masuuliyiinta Hay’adda Nabadsugida iyo madaxda sar sare dowlada soomaaliya ayaa axdi ku galay in aan la shaacin Isa soo dhiibida Hoggaamiyihii hore Meylka adkaa ee Xisbul Islam Xassan Daahir Aweys hayeeshe Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida uu axdiga baayacay islamarkaana warbaahinta ka qeylshay
Raisul wasaaraha DKMG Somalia ayaa isagu dhankiisa ka sheegay in Axmed Fiqi uu yahay shaqsi aan u qalmin xubinta uu ka haayo Hay’adda Nabadsugida.

Islamarkaan Raisul wasaaraha uu sheegay in Fiqi uu sabab u ahaan doono khilaaf ka dhex curta mudanayaasha iminka ku howlan xal u helida isa soo dhiibida Xassan Daahir Aweys waxaana la aaminsanyahay in Xasan daahir uu ku suganyahay Villa Somalia balse la qarinaayo sida laga soo xigtay masuul katirsan DKMG soamalia.

Khilaafka kadhashay Isa soo dhiibida Xassan Daahir ayaa soo dadajiyay in madaxweynaha DKMG Somali uu dalka dib ugu laabtay maalintii shalay kadib markii ay xumaatay xaalada siyaasadeed ee ka dhex aloolsantay Raisul wasaare Gaas iyo Axmed Fiqi, walow Raisul wasaaraha uu si bareer cad u sheegay in Axmed Fiqi uu la saftay Xassan Daahir oo ay isku heebyihiin arintaasina ay soo dadajisay in Xasan Daahir uu ka dhashay murun qabiiled qaraabadiisina la faray in warbaahinta ay ka shaaciyaan in Xasan daahir uusan isku dhiibin DKMG Somalia si looga bad-baado hadal haynta warbaahinta ee wada hadalka u dhexeeya Dowlada iyo Xassan daahir.

Ugu danbeyntii waa markii ugu horeysay Khilaaf uusoo kala dhex galo Raisul wasaare Gaas iyo Axmed Fiqi walow masuuliyiinta qaar khilaafkaasi ay ku micneeyen in uu yahay mid salka ku haaya qabiil qabiil Axmed Fiqina uu doonaayo in Adeerkiisa Xasan daahir nabad galyo helo hayeeshe arintaasina ay ku hingooben siyaasiyiinta Dowlada Somalia


garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment