Xuseen C. Ciise "Mar dhow Gobolada dalka waa la isu furayaa, dagaalkii fool ka fool waa dhamaaday"

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in marxalad cusub uu galay howl galada ay wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah Shabaab.
Wareysi uu siiyay Warbaahinta Afka Dowladda ku hadasha ayuu Wasiirka Gaashaandhiga sheegay in dhowaan la isu furi doono wadooyinka Gobolada dalka iyo deegaanada kala xirnaa, isagoo cadeeyay inuu dhamaaday dagaalkii fool ka foolka ahaa.
"Dagaalkii fool ka foolka ahaa waa dhamaaday, weji cusub ayuu galay, dhowaan waxaa ku guuleysaneynaa inaan isu furno Gobolada dalka oo dhan"ayuu yiri Xidiga Golaha Wasiirada Xuseen Carab Ciise.
Mr Carab Ciise ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awoodooda yaratay, isla markaana xilligan aanay laheyn awood ay ugu babac dhigaan Ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM sida uu yiri.
"Waxaan ku rajo weynahay inaan isu furno wadooyinka Afgooye, Baydhabo ilaa Kismaayo, sidoo kale in Gobolada kalena ay sidaas isugu furnaadaan"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Mar la weydiiyay su'aal aheyd wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye weerarada ka dhaca, in wali aan wax laga qaban, ayuu sheegay in qorshaheeda wadaan, isla markaana weerarada qaar ay yihiin kuwo aan buurneyn.Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ka sii riixaya Shabaab, iyadoo dhanka koofur markii u horeysay ugu tallaabay in ka badan 30-KM, markii Shabaab ka qabsadeen degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment