Tuesday, 5 June 2012

Dowladda oo canshuur qaadis ka bilowday degmada Afgooye


Dowladda KMG ah ayaa saaka degmada Afgooye ka bilowday qaadista Canshuuraadka, si loogu horumariyo adeegyada bulshada degmadaasi.
Canshuurta ayaa laga qaadayay gaadiidka iyo goobaha ganacsiga waxaana la Arkayay Laba barood oo gaadiidka lagu canshuurayo, iyadoo dadweynaha ku Dhaqan degmadaasi ay si diirran usoo dhaweeyeen tallaabadan lagu ururinayo Dakhliga dowladda.
Qaadista canshuurta saaka ka billaabatay degmada Afgooye ayaa timid kadib Markii maamulka degmadaasi oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada qalabka sida Ay maalmihii la soo dhaafay kulamo ku saabsan arintaasi la lahaayeen waxgaradka Iyo ganacsatada degmadaasi, iyadoo la isku afgartay in la billaabo ururinta Canshuurta dowladda.
<p>Daqliga canshuurta ayaa lagu hormarinkaraa, laguna soo nooleeynkaraa Adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee muddada dheer ka Oognaa dalkeeenna.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment