Tuesday, 5 June 2012

Nalal ku shaqeeya Ileyska Qoraxda oo laga hirgalinayo Wadooyinka Muqdisho


Maamulka Gobolka Banadir ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Nalal casri ah oo ku shaqeeya Cadceeda Qoraxda laga hirgalinayaa Qaar ka tirsan Wadooyinka ku yaalla Muqdisho.
Warsame Max’ed Xasan (Warsame Joodax) ayaa sheegay in qorshahooda ugu horeeya uu yahay inay Nalalkaasi ay ku xiraan Wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho halkaasi lagu dhisay illaa 50 Baale oo lagu xirayo Nalalkaasi.
Baalayaashaan dhismahooda uu ka socda Wadada Makka Almukarama ayaa waxaa la tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka helay Hay’ad ka dhisan dalka Norway ayna u xilsaartay Maamulka in ay ku tijaabiyaan wadadaasi.
Wadada Maka Al Mukarama oo ka mid ah wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdish ayaa inta badan waxaa ka socda dayactir dib loogu soo celinayo bilicdii ay laheyd waagii hore
Warsame Max’ed Xasan (Warsame Joodax) oo Saxaafadda kula hadlay Wadada Makka Almukarama ayaa waxa uu sheegay in Mashruucan uu Fursad Qaali ah u tahay Shacabka Soomaliyeed loona bahan yahay in ay ka faa’ideystaan islamaarkaana ay ilaaaaliyaan.
Warsame Joodax ayaa sidoo kale sheegay in Nalalkan la gaarsiin doono dhamaan Wadooyinka Muqdisho hadii lagu guulaysto Tijabadooda.
Dhinaca kale Sidoo kale Taliye ku xigeenka qeybta Nabad galyada Wadooyinka ee Taraafikada Gaashaanle Dhexe Muxudiin Geedi Bashaal waxa uuna Digniin u diray Gadiidleyda Muqdisho, isagoo ka digay in la waxyeeleeyo Baalayasha lagu xiray Wadad Makka Almukarama

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment